Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay xiddiga daโyarka ah ee Conor Bradley kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulankii Fulham ee Carabao cup-ka.
Xiddiga Bradley ayaa ku bilowday kulanka isaga oo badalay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo dhaawac ku seegay kulanka.
Isagoo la hadlayay Sky Sports, Jurgen Klopp ayaa yiri: โConor Bradley, cajiib, waa wiil fiican, waanad arki kartaa.
Wuxuu ku jiraa kooxda saxda ah, qof kastaa wuu jecel yahay wuuna ixtiraamaa isaga oo doonaya inuu guulaysto, caawa waxay ahayd mid adag, Fulham runtii waa koox fiicanโ.
Xiddiga daโyarka ah ayaa la filayaa in uu si joogto ah u ciyaaro kulamada soo socda kadib dhaawacii soo gaadhay xiddiga Trent Alexander-Arnold.

