Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyo barasaabkii hore ee gobolka South Carolina Nikki Haley ayaa isku haleeli doona Talaadada maanta doorashada is-reebreebka xisbiga Jamhuuriga ee gobolka waqooyi bari ee New Hampshire.
Trump ayaa doonaya in uu dardar geliyo guushii uu toddobaadkii hore ka gaaray Gobolka Iowa, iyadoo Haley-na ay isku dayso in ay kasbato cod bixiyaasha si ay dhiirigalin ugu hesho ololaheeda oo ay u noqoto musharaxa xisbiga Jamhuuriga u matali doona ee doorashada guud ee November.
Warbixintyan oo ay qortey VOA waxa soo koobaya Jamaal Axmed Cismaan.