Ciidamada Israaiil ayaa si cad u diiday in Dawo iyo Shidaal loo gudbiyo Isbitaalka Nasser oo kamid ah goobaha ugu badan ee lagu dawaynayo Dadka waxyeellada kasoo gaartay duqaynta & rasaasta xooggan ee ciidankaas ku beegsanayaan Shacabka Falastiin.
Maamulka Isbitaalka Nasser ayaa ka qaylo-dhaamiyay arrintaan oo kahor imaanaysa axdiga lagu aasaasay Qaramada Midoobay waayo Israaiil waxa ay meel iska dhigtay shuruucda kahor imaanaysa in goobaha Caafimaadka la beegsado ama la xayiro.
Sarkaal katirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostaga loona soo gaabiyo WHO ayaa sheegay in 10kii saac u dambeeyay ay gudbiyeen labo booyad oo waday shidaal aad u yar oo aan xitaa ku filnayn in matoorka isbitaalka sii daarnaado waqti kooban.
Isbitaalka Nasser waxaa dadka ku jira ee lagu dawaynayo kamid ah Carruurta u baahan neefta macmalka ah (Oxygen) kuwaas oo aanay awoodin in si dabiici ah ay u qaataan Hawada ay u baahan yihiin kuna soo tuuraan Kaarboonka jirkooda kasoo baxaya.
Ciidamada Yuhuudda ayaa go’doon culus waxa ay galeen goobaha Caafimaadka, Cibaadada, Waxbarashada, Xeryaha ay degen yihiin Qaxootiga iyo meelaha ay dadka uga gabbaadsan karaan hubka culus ee ciidamadaas ay adeegsanayaan.
Qaramada Midoobay oo inta badan cambaarayn lasoo boodi jirtay marka ay tallaabadaan kuwo ka yar ay ka dhacaan Dalal kala duwan ayaa marqaati aamusan ka noqotay waayo Maraykanka ayaa Israaiil ku garabsiinaya xadgudubka ay gaysanayso.