Author: Liban Qoono

Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga, wefdigiisa ay ka mid ahaayeen Raiisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Gole dowladda federaalka. Xubno ka mid ahaa wefdiga ayaa xaqiijiyay in madaxda gobolka ee ka soo qeyb gashay munaasabadda xarigjarka Shabelley ay halkaas ka muujiyeen midnimada Soomaaliya iyo madaxbannaanida dalka, isla markaana ay caddeeyeen in aan marnaba la aqbali doonin fara gelin kaste. Safarkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo isku xirnaanta maamulada dalka iyo wadajirka siyaasadeed, xilli ay gobolka ka taagan yihiin arrimo siyaasadeed oo…

Read More

Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia? Dowlada Somaliya ayaa beenisay in ay xayiraad saartay Shirkada Diyaaradaha Arkia ee laga leeyahay isra1l. Laakiin waxaa jira hal qodob oo laga dhadhansaday hadalka DFS, Waxay Somaliya Sheegtay in aysan Xanibin Shirkada hadana ma aysan dafirin in aysan ilaa hadda u cusboonaysiin ruqsada isticmaalka Hawada Soomaaliya. Shirkada Arkia kama aysan caban in uu soo baxay go,aan rasmi ah oo ku aadan diidmada hawada Somaliya laakiin waxay Carab baabtay in aan wali loo cusboonaysiin ruqsada isticmaalka Hawada Soomaaliya. DFS se waxay ku jawaabtay uma aanan diidin in…

Read More

𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ² Saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa ku wargeliyay hoggaanka dal xulafo muhiim ah la ah oo ay ku leeyihiin Bariga Dhexe in Madaxweyne Donald Trump uu oggolaan karo weerar ballaaran oo lagu qaado dalka Iiraan, kaas oo dhici kara ugu horreyn maalinta Axadda. Sida ay sheegeen ilo wareedyo kala duwan oo la hadlay Drop Site News, weerarkan ma aha mid ku kooban oo keliya burburinta barnaamijka nukliyeerka ama gantaallada Iiraan, balse ujeeddada rasmiga ah waa in isbeddel lagu sameeyo nidaamka ka jira dalkaas (Regime Change). Saraakiisha dagaalka ee Maraykanka ayaa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in horumarka laga hirgeliyey Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) uu yahay mid taariikhi ah oo aan ku koobnayn oo keliya Soomaalida Itoobiya, balse uu yahay guul ay si wadajir ah ugu faani karaan Soomaalida Kenya, Soomaalida Muqdisho iyo Soomaalida Jabuuti. Abiy Axmed ayaa tilmaamay in isbeddellada ka socda DDS ay ka tarjumayaan horumar muuqda oo dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, maamul-wanaagga iyo is-dhexgalka bulsho ah, kuwaas oo horseeday in deegaanku noqdo astaan horumar iyo xasillooni oo cusub.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka…

Read More

Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah Dowladda itoobiya, iyadoo dalka laga ceyriyay safiirkii Itoobiya u fadhiyay magaalada Muqdisho. Go’aanka maanta kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada ayaa lagu amray safiirka dowladda Itoobiya ee Somaliya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka isaga baxo, iyadoo loo celinayo dalkiisa, waxayna Soomaaliya u yeeratay safiirkii ka joogay magaalada Addis ababa. Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la xiray Qunsuliyaddii Itoobiya ku lahayd Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Arrintan ayaa imaneysa iyadoo uu hore u taagnaa khilaafka heshiiskii ay dowladda Itoobiya la…

Read More

DEG DEG:- Sanbaloolshe oo loo magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka . Muqdisho, 04 Abriil 2024:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii…

Read More

Dowladda Federaalka Β» Xasan Sheekh oo booqdey dhaawacyadii Hotel SYL iyo NISA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniinta kale ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada al-Shabaab ee ka dhacay hotelka SYL. Dhaawacyada waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo masuuliyin kale oo ka tirsan xafiiska raysalwasaaraha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino…

Read More

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii saacadaha badan qaatay ee hoteelka SYL, kadib markii goor sii horeysay lasoo afjaray weerarkaasi. Afhayeenka Booliska oo warbaahinta kula hadlay agagaarka hoteelka la weeraray ayaa shaaciyay in weerarkaasi ku dhaawacmeen illaa 27 ruux, halka ay ku naf waayeen ciidan gaaraya illaa 3 saddex askari. Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay toogteen dhamaan maleeshiyaaddii weerarka soo qaaday oo tiradooda ahaayeen shan dagaal-yahan, kuwaasi oo uu sheegay in ay si dhuumaleysi ah kusoo gaareen goobta ay weerarka ka fuliyeen. AS waxay 9:30 habeenimo weerar dhuumaleysi ah ku qaadeen hoteelka SYL,…

Read More