Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Liban Qoono
Dowladda Iiraan ayaa hadda ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib geerida Ayatollah Ali Khamenei oo la sheegay in ay la geeriyoodeen gabadhiisa, wiil uu soddog u yahay & gabar uu awoowe u ahaa. Dowladda Iiraan, waxay sidoo kale ku warrantay in lagu dilay duqeyn ka dhacday Tehran oo ay fuliyeen Mareykanka. Wakaaladda Reuters ayaa sidoo kale ku tebisay in si kasta oo loo khaarajiyo hoggaamiyeyaal uu Khamenei kamid tahay ay beddeli karaan kuwa kale oo ka mayal adag. Iiraan kuma dhawaaqin in ay dagaalka joojisay, hase-ahaatee, falanqeeyeyaasha ayaa maanta ku tilmaamayay jawaabta adag ee Iiraan in…
Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan? Aayatullah Cali Khameeni, wuxuu ahaa shakhsiga ugu awooda badan Iiran & hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka tan iyo 1989-kii. Wuxu ahaa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Wuxuu lahaa awooda amarka ciidanka qaranka iyo booliiska. Ayatullah Khameenei waxa kale oo uu gacanta ku hayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabbinta. Cali Khamenei waxa uu ku dhashay magaalada Mashhad ee waqooyibari sanadkii 1939-kii, waana wiil uu dhalay caalim dhanka diinta ah, Cali Khameenei waxa uu wax ku bartay machadyo ku yaalla magaaladii uu ka soo…
Dowladda Iiraan ayaa daqiiqado kahor ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali Khamenei, Telefashinka Qaranka ayaa baahiyay tacsida hoggaamiyahii waddankooda oo ay dileen isbaheysiga Mareykanka & Israaβiil ee shalay weerarka ku qaaday dalka Iiraan. Madaxweyne Trump ayaa xilli hore oo xalay ku dhawaaqay geerida Ayatollah Khamenei, balse madaxda Iiraan ayaa diiday sheegashada in Washington ay khaarajisay, dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu calaamadeeyay xilli hore seddex qof uu midkood la wareegi doono xilkiisa, kadib markii ay ka shuureeyaan 12 wadaad oo maamulka kacaanka ka tirsan. Ayatollah Ali Khamenei, waxa uu ahaa 83 jir hal adag, wadaad, hoggaamiye diimeed iyo…
DEG DEG Telefishinka dawladda Iiraan ayaa si rasmi ah hadda ugu dhawaaqay in la dilay hoggaamiyihii sare ee Iiraan , Ayatollah Cali Khamenei , halka wakaaladaha wararka rasmi ah Iiraan ee Tasnim iyo Fars, ay iyaguna si rasmi ah u xaqiijiyeen geerida Cali Khamenei, saacado ka dib markii Trump iyo Netanyahu ay sheegeen duqeymihii Tehran ka dhacay in lagu dilay Cali Khamenei iyo hoggaamiyeyaal kale.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa bayaankeedii ugu horreeyay oo kasoo baxay, waxay ku dhawaaqeen in weerarkii ugu horreeyay ee ballaaran oo gantaallo iyo diyaarado drone ah lagu bilaabay dhulka ay Israaβiil maamusho, taasoo jawaab u ah gardarro cadow oo lagu qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Bayaanka IRGC wuxuu lagu cadeeyey. 1- Weerarku yahay waji 1-aad oo ka mid ah hawlgallo ballaaran oo sareeya. 2- La adeegsaday gantaallada masaafada fog-fog iyo Diyaaradaha bilaa duuliyaha ah “drones” 3- Hawlgalladu sii socon doonaan iyadoo ku xiran xaaladda taagan. Xaaladdu weli waa mid kacsan, waxaana la filayaa warar iyo faahfaahin dheeraad ah saacadaha…
DEG DEG π΄ Xiisadda Israaβiil & Iiraan oo ka gudubtay heerkii hore Warbaahinta Israaβiil ayaa sheegaysa in Iiraan ku hanjabtay βjawaab culusβ oo lagu beegsan doono dhulka ay maamusho Israaβiil, iyadoo la tilmaamay in xaaladdu faraha ka baxday. Raβiisul Wasaaraha Israaβiil, Benjamin Netanyahu, ayaa howlgalka dagaal ee ka dhanka ah Iiraan ugu magac daray βGuuxa Libaaxaβ, iyadoo duqeymo sii xoogeysanaya lagu arkayo magaalooyin ku yaalla Galbeedka Iran. Warbaahinta Israaβiil waxay sheegtay in la dilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan, oo uu ku jiro taliyihii guud ee ciidamada qalabka sida. Si kastaba, dowladda Iiraan wali si rasmi ah uma…
DEG :DEG β Maamulka Israa’iil ayaa weerar cusub ku qaaday dowladda Iiraan & qaraxyo laga maqlay Tehran. Israβiil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay weerar ka hortag ah oo ay ka qaadayso Iiraan waxaana qaraxyo culus laga maqlay magaalada Tehran ee caasimadda dalkaas. Bayaan soo baxay Wasiirka Difaaca IsrL Katz ayaa lagu sheegay in lagu dhawaaqay xaalad degdeg iyo oo gaar ah guud ahaan maamulkiisa. Warbaahinta Iran ayaa sheegay in qarax dhacay, balse ma uusan bixin warar dheeraad ah oo qaraxa la xiriira.
Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa soo warisay in weerarro isdaba-joog ah (waves) lagu qaaday dhismayaal muhiim ah oo dowladeed oo ku yaalla caasimadda Tehran ilaa gobollo ka tirsan galbeedka dalka, gaar ahaan magaalooyinka Ilam, Kermanshah iyo Lorestan. Sida ay sheegayaan warbaahinta Iran, bartilmaameedyada la beegsaday waxaa ka mid ah: 1- Wasaaradda Sirdoonka (Ministry of Intelligence) 2- Wasaaradda Difaaca (Ministry of Defense) 3- Xarunta iyo dhismayaasha xafiisyada Hoggaamiyaha Sare, Ali Khamenei 4- Hayβadda Tamarta Nukliyeerka ee Iran (AEOI) 5- Aqalka Madaxtooyada Iran oo shir kasocday “Warar hordhac ah ayaa khasaare sheegaya lamase hubin” Wararku waxay tilmaamayaan in weerarradu ay socdaan hirar kala…
Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey qorshe lagu dhisayo maxkamad si gaar ah ugu takhasusta arrimaha ganacsiga. Tallaabadan ayaa la sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo kalsoonida ganacsatada, lagu dardargelinayo xallinta khilaafaadka ganacsi, isla markaana lagu abuuro jawi sharci oo hufan oo maalgashi lagu soo jiidan karo. Masβuuliyiintu waxay tilmaameen in maxkamaddan cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonto: β’ Xallinta murannada ganacsi si degdeg ah β’ Ilaalinta xuquuqda maalgashadayaasha β’ Kor u qaadidda kalsoonida suuqa gudaha Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qeyb…
Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay. Xaaladda abaareed ee ka jirta qaybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay gashay marxalad aad u adag, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya dhimasho iyo dhibaatooyin baniβaadamnimo oo sii kordhaya. Deegaanno badan oo miyiga ah ayaa wajahaya biyo iyo raashin laβaan baahsan, taas oo si toos ah u saameysay nolosha dadka iyo duunyada. Wararka laga helayo gobollo kala duwan ayaa tilmaamaya in qoysas badan ay ka barakaceen deegaanadoodii, iyagoo u hayaamaya magaalooyinka si ay u helaan gargaar iyo biyo. Abaarta daba dheeraatay ayaa sidoo kale…
