Author: radiohalgan.com

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saddex arrin u ballanqaadday Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee isu dhiibay kuwaas oo intooda badan laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho laguna xareeyay xeryo gaar ah. Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in saddex arrin ugu horreyn loo qabanayo Ciidamadaan maadaama ay ka baaqsadeen dagaal gelin uu u qorsheeyay Axmed Maxamed Islaam Madoobe sida hadalka loo dhigay. Saddexda Qodob ayaa kala ah: 1aad: Ciidankaan ayaa maraya diiwaanka Ciidamada Dowladda Federaalka oo waxa ay taasi ka dhigan tahay in ay u wareegayaan dhinaca Federaalka kana mid noqonayaan ciidamo si toos ah u hoostaga Dowladda Federaalka. 2aad: Waxa…

Read More

Dalal badan ayaa si rasmi ah Soomaaliya uga cafiyay Deymihii ay ku lahaayeen waqti dheer kaddib markii Dowladda Federaalka ay buuxisay dhammaan Shuruudihii lagu xiray in looga dhaafi karo Deyntaas si ay markale maalgelin kale u hesho. Waddamadaas waxa ay kala yihiin: Faransiiska, Denmark, Japan & Maraykanka, waxaa jira Dalal kale oo la filayo dhowaan in ay saxiixaan heshiiska ay ku cafinayaan deyntaas ay ku leeyihiin Soomaaliya sida ay sheegeen ilo kala duwan. Dalal badan oo Deyn ku leh Soomaaliya ayaa qaarkood ku bahoobay hal Urur oo lagu magacaabo Paris Club halka qaar kale ay iyaga oo madaxbannaan ay la…

Read More

Koox hubeysan ayaa Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir maanta ku weerartay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Daarusalaam Guure Maxamed Xirsi oo dhaawac soo gaaray halka uu dhintay Wiil kale oo la sheegay in uu Ganacsade ahaa. Sida ay Mustaqbal u sheegeen ila kala duwan, Wiilka dhintay ayaa lahaa mid kamid ah Goobaha lagu jimcisado ee loo yaqaan Jiimka (Gym), waxaana weerarkaan ku qaaday Koox hubeysan oo Hay’adaha ammaanka ku raad-joogaan. Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo billaabay baaritaan la xiriira ka dabatagga falkaan inkasta oo aanay jirin wax faah-faahin…

Read More

Dalka Turkiga waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Geeridiisa waxaa xaqiijiyeen xubno katirsan Aqalka Baarlamaanka 11aad ee JFS iyo mas’uuliyiin kale oo ka tacsiyeeyay. Senator Gaagaab waxa uu ku fadhiyay Kursiga tirsigiisu yahay UH28 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowlad-Goboleedka Puntland, Marxuum Maxamed Cali Yuusuf ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Turkiga. Bartamihii Abriil sanadkii 2022kii waxa uu noqday shirguddoonkii kumeel-gaarka ahaa ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka, waxa uu xiligaas diyaariyay Guddigii ka shaqeeyay Doorashada Guddoonkooda. 11kii Agoosto sanadkii 2021kii ayuu ku guuleystay Doorasho ay xilkaan kula tartameen Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Cabdullahi Cali…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wareegto uu soo saaray u kala bedelay magacyada labada xero ciidan, kuwaas oo kala ah; Damaanyo iyo Gordon. Xerada General Gordon ayaa loogu magac daray Col. Maxamed Mubaarak Al Mansor oo ahaa sarkaal Imaaraadka Carabta u dhashay oo hoggaaminayay howl-galka tababarka Imaaraadka. Madaxweynaha JFS markuu tixgeliyay in ay ku habboon tahay in loogu magac daro Shahiid Col. Mohammed Mubarak Al Mansori wuxuu madaxweynaha soo saaray xeerkan, kaasi oo dhigaya in laga bilaabo maanta xeradii hore Ex. Gen. Gordon loogu magac daray Col. Al Mansori,” ayaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha. Sarkaalkan ayaa waxaa lagu dilay xeradaas…

Read More

Mayarka Beledweyne Nadarayaa deeq Xoolo Geel ah oo ku dhow 10-neef waxa aay ku wareejisay Saraakiisha ciidamada Xasilinta Beledweyne Mayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa deeq Xoolo Geel ah oo ku dhow 10-neef waxa aay ku wareejisay Saraakiisha ciidamada Xasilinta Beledweyne, kuwaasi oo amniga magaalada wax badan ka qabtay kaddib howlgal joogta ah oo aay sameeyeen ciidamada isku dhafka ah. Mayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in deeqday uga goleedahay dhiirragelin ciidanka qaranka u sameysay si howsha adag ee aay hayaan u sii laba jibaaraan. Saraakiisha ciidamada xasilinta Beledweyne oo dhankooda hadlay ayaa u mahadceliyay Mayarka magaalada…

Read More

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay wasaarada amniga gudaha iyo xqfiiska amniga qaranka. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed ee dhinacyada tababarida ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeybqadashada dagaalka. S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka kooxaha argagixisada ah ay muhiim tahay in la helo ciidan boolis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada. Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha ciidanka. Madaxdii ka socotay safaaradaha Mareykanka,Ingiriiska,…

Read More