Author: radiohalgan.com

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ay hoggaaminaysay madaxa hay’adda ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones. Labada dhinac ayaa ka wada hadlayΒ  muhiimadda ay leedahay howsha ka hortagga leexsashada gargaarka, arrimaha u adkaysiga aafooyinka, Xasilinta deegannada la xoreyay iyo arrimaha la xariira abaaraha soo noqnoqday. Guddomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa aad uga mahadceliyay Hay’adda USAID hawlaha gargaar iyo horumarineed ay ka waddo dalka, isagoo ballanqaaday dhankiisa in la sii xoojin doono ka mira dhalinta qodobbadii laga wada hadlay.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta kulan saagootin ah la qaatay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya. Danjire Ibrahim M. Yagli ayaa si rasmi ah u soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee uu u joogay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey Danjiraha muddadii uu ka howl-galayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Safiirka sii baxaya ee Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli oo dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus, kadib markii ay Somaliland khal-khal gelisay diyaarado marayay hawada dalka. Soomaaliya ayaa hadda wax ka beddeshay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada, gaar ahaan Somaliland, sida ay shaacisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Marwo Fardowso Cigaal. Marwo Fardowso ayaa sheegtay inay tallaabadan u qaadeen sababo la xiriira hubinta bad-qabka hawada, ayada oo xustay in meel kale aan amar laga siin karin diyaaradaha, islamarkaana ay awood buuxda u leeyihiin maamulka hawada ee dalkeenna. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hadda ka guurtay isgaarsiintii hore ee ay haysato Somaliland, taasi oo dhowr…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta dalab cusub u direy shacabka reer Muqdisho, xilli uu dhagax dhigayay dhismaha waddo cusub. Guddoomiye Madaale ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha wadada laamiga ee Isgoyska Towfiiq illaa Miisaanka Dhuxusha ee Degmada Yaaqshiid. Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardeyda iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Yaaqshiid. Guddoomiye Madaale oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa bulshada reer Muqdisho ka dalbaday inay jeebkooda furaan, si buu yiri wax loogu qabto oo…

Read More

Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, maamulka Abiy Axmed ayaa sameystay guddi qarsoodi ah oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka soo jeeda qowmiyadda ugu balaaran Ethiopia ee Oromada, kuwaas oo u qaabilsan khaarijinta mucaaradka dowladda, si meesha looga saaro dadka Abiy ku kacsan. In ka badan 30 mas’uul oo ka tirsan dowladda federaalka, maamulada hoose ee dalkaas, xukaamta maxkamadaha, qareenada iyo dhibbanayaasha oo la hadlay wakaaladda ayaa qiray jiritaanka kooxdan qarsoodiga ah oo lagu magacaabo KOREE NAGEENYAA oo micinaheedu yahay guddiga nabad geliyada, kuwaas oo shaqo bilaabay bilo kadib, markii uu xukunka Ethiopia la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy…

Read More

Taageerayaasha ayaa ku qancsan Manchester City in ay ku digatay xiddigeedii hore ee Cole Palmer ka dib markii Chelsea lagu garaacay waqtigii dheeriga ahaa ee finalka Carabao Cup oo ay la ciyaareen Liverpool. Chelsea ayaa ahayd kooxda laga fiican yahay kulankii Wembley Laakiin waxa ay heleen fursado furan iyada oo Palmer khasaariyay fursad cajiib ah. Labada kooxood ayaa helay fursado badan iyada oo Blues ku fashilantay in ay ku guulaysato koobka. kadib dhamaadkii ciyaarta Man City ayaa Baraha bulshada gaar ahaan boggooda β€œX” soo dhigtay arin muran badan dhalisay. Palmer, oo ka ciyaari jiray Etihad, ayaa loo bixiyay Naanaysta β€œCold…

Read More

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa mar-marsiyo la la yaab leh u sameeyay kooxdiisa kadib guuldaradii Liverpool. Kooxda Chelsea ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Liverpool kulan ka dhacay Wembley. Liverpool ayaa ku dhibaatoonaysay dhaawacyo kulanka iyada oo Klopp ku qasbanaaday in uu ciyaarsiiyo xiddigo u badan da’yar. Hadana Mauricio Pochettino ayaa sheegay in ay kooxdiisu ahayd kuwo ka da’yar Liverpool kulankii Final-ka Carabao Cup-ka. β€œMa garanayo si aan u qeexo xaaladan, laakiin shaki la’aan waxan dareemayaa farxad sababta oo ah kooxdu waxa ay sameeyeen dadaal”ayuu Mauricio Pochettino yidhi. β€œWaxa aan ku ciyaarnay koox da’yar ah sidaas darteed…

Read More

Jamie Redknapp ayaa dhaleeceeyay daafaca chelsea ee Axel Disasi kadib markii uu Virgil van Dijk Liverpool ku hogaamiyay Carabao Cup ka dib markii uu madax ku dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa, isagoo sheegay in daafaca uusan waxba ka ogayn halista daafaca ka soo hor jeeda. Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah isla markaas fursado abuureen intii ay ciyaartu socotay. Van Dijk ayaa dhaliyay goolka daqiiqadii 118-aad ee ciyaarta xilli ay cid walba filaysay in rikoodhayaal lagu kala boxo kulanka. Khabiirka kubada cagta ayaa farta ku fiiqay daafaca Chelsea Disasi isagoo ku sugan…

Read More

Alan Shearer ayaa aaminsan in Manchester City ay wali ka fursado fiicantahay kooxaha Liverpool iyo Arsenal tartanka horyaalka Premier League. Liverpool ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League laakiin Man City ayaa hal dhibic ka dambaysa kadib guushii ay ka gaadheen Bournemout sabtidii. Arsenal ayaa natiijadaas raacisay guul 4/1 ah oo ay ka gaadhay kooxda Newcastle kulan ka dhacay Emirates laakiin kooxda Arteta ayaa ku jirta kaalinta 3-aad. Inkasta oo ay Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed qaab ciyaareed fariin ah hadana shearer ayaa rumaysan in khibrada Man City go’aamin doonto tartanka premier League. β€œArsenal waa koox aad u malaynayso in ay tahay…

Read More

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska difaac ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay toddobaadkii hore iyaga oo aan akhrin. Heshiiskan oo ay Ankara ku kala saxiixdeen labada wasiir ee gaashaandhig ee Soomaaliya iyo Turkiga Cabdulkaadir Maxamed Nuur iyo Yaşar GΓΌler 8-da bishii Febraayo ayaa lagu tilmaamay heshiis β€˜β€˜difaac iyo iskaashi dhaqaale ah’’. Waxaa la la xiriiriyay is-fahamka Hargeysa iyo Addis Ababa ay kala saxiixdeen iyada oo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubnaha baarlamaanka ba ku tilmaameen in heshiiskan in dowladda Turkiga ku difaaci doonto xeebaha Soomaaliya. Sida Is-afgaradka la sixiixday bilowga bishii Janaayo…

Read More