What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidanka Israaiil ayaa si lama filaan ah isaga baxay Xaafado kamid ah Magaalada Gaza kaddib markii iska caabbin culus ay kala kulmeen dhinacyada hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda, Dadka ayaa kusoo baraarugay goobo badan oo Haawanaya. Meelaha ay ka baxeen Ciidanka Israaiil waxaa lagu arkay Dad rayid ah oo ay ku dileen mudaddii ay joogeen kuwaas oo jirkooda isbaddelay waxaana goobahaas ka qaaday Saraakiisha Caafimaadka Magaalada Gaza. Dadka inta badan Maydkooda la helay waxa ay u badnaayeen Dumar iyo Carruur kuwaas oo ku go’doomay Xaafadahooda isla markaana si arxan-darro ah waxaa u dilay Ciidanka ku duulay ee Israaiil sida…
Isaga oo doonaya in uu dib u soo nooleeyo ololihiisa dib-u-doorashada ee halganka ku jira, ayuu Madaxweyne Joe Biden Jimcihi shalay ku qabtay magaalada Detroit ee gobolka Michigan isu soo bax dadweyne oo naadir ah. Biden ayaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa Ditroit oo aad u faraxsanaa u sheegay, in aanu ka bixi doonin tartanka isaga oo uga digay in Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga uu iyaga ku yahay khatar weyn. Biden, oo 81 jir ah, ayaa isku dayaya in uu iska leexiyo diiradda iyo hadal-heynta siiyadda ee maalmihi lasoo dhaafay ay shacabka Mareykanka uga hadlayeen awoodihiisa maskaxeed…
Hay’adaha Ammaanka Dalka Kenya ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ka dhacay Mandheera oo ay sheegeen in ay ku dileen 4 xubnood oo katirsan ‘AS’ isla markaana ku qabteen hub ay wateen gaar ahaan qoryaha loo kala yaqaan RPG (Baasuuke), PKM (Daba-jeer) & AK47. Laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ay howlgalkaas inta uu socday iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Amniga & xubnaha ay sheegeen in ay katirsan yihiin ‘AS’ oo xogtooda horay u heleen kahor howlgalkaan inta aysan fulin. Deegaanka Banisa ee Ismaamulka Mandheera ayay Saraakiisha Sirdoonka Kenya sheegeen in ay u ahayd goob ay hubka dhigtaan Isla markaana Dagaallada…
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe ee Xamar Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir kaddib markii Xubno katirsan Maxaabiista ay u suuragashay in ay hub gacanta ku dhigaan. Warka kasoo baxay Ciidanka Asluubta ayaa lagu sheegay in Ciidamadu ay toogteen 5 ruux oo falkaas ka dambeeyay oo dhammaantood Rag ah kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah sida hadalka loo dhigay. Faah-faahintaan hordhaca ah waxa ay kordhineysaa tirada dhimashada ee horay loo baahiyay oo ahayd 2 ruux balse hadda gaartay 5 qof oo uu Taliska Ciidanka Asluubtu ku sheegay in dhammaan ay yihiin…
Shacabka Soomaaliyeed waxaa jirta laba arrin oo ay si weyn ugu nacaan madaxda, waana qabyaaladda iyo boobka hantida umadda ka dhaxeysa. Waxaa warbixintan ku eegayna madaxda iyo dhinaca qabyaaladda. Waxaana isku bar-bardhigaynaa warbixintan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed. Madaxda Soomaalida qaar markii ay banaanka joogaan waxay muujinayaan oo wax ku raadinayaan Soomaalinnimo, laakiin markii xukunka helaan ayey la yimaadan dabeecad qabyaaladeed, naceybka reero gaar ah iyo u sad-burinta reerkooda hoose. Dhawaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed aya ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qabyaalad uga shaqeynayo si aan…
Taliyihii guud ee ciidamada booliska dalka Kenya ayaa xilkii is-casilay, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo toddobaadyo socda dalka, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 40 qof. Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliska Kenya in ay toos u toogteen tobanaan dibad-baxayaal ah oo qaarkood ay dhinteen, boqolaalna ay qafaasheen ama si aan sharci ahayn loo xiray. Bartamihii bishii hore waxaa ka dhacay dalka Kenya mudaaharaadyo looga soo horjeedo in la kordhiyo canshuuraha, dibadbaxa ayaa la xakameyn waayey. Dibad-baxayaashu waxay xoog ku galeen baarlamaanka, wax yar kadib markii sharci-dajiyayaashu ay meel mariyeen sharciga muranka dhaliyay. Intaas kadib Madaxweynaha dalka William…
Nimca Maxamed Cabdi ayaa qoyska aabaheed dib ula midowday 33-sano kadib waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, iyadoona muddo sodon sano ka badan baadigoobeysay qoyskeeda. Nimca Maxamed waxa ay siddeetameeyadii ku dhalatay magaalada Hargaysa xiligaas oo aabbaheed uu ka mid ahaa ciidamada dowladdii dhexe, waxa uuna xiligaas ka shaqeynayay magaalada Hargaysa, balse marar kala duwan ayaa loo badalay deegaano kale oo gayiga Soomaalidu dagto ah. Bilowgii sideetameeyadii ayuu aabe Maxamed Cabdi guursaday hooyo Faadumo Cali, guurkooda ayaana ka dhacay magaalada Gebiley oo Somaliland ka tirsan. Muddo kooban kadib aabe Maxamed ayaa laga badalay…
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey in ay ku fashilantay difaaca midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, isaga oo ka hadlayay xiisada Soomaaliya-Itoobiya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa iyana ka falcelisay wareysiga uu BBCSomali siiyay mudane Cabdisaciid, kadib qoraal uu faafiyay wasiirka arrimaha dibeda ee hadda haya xilka, Axmed Macalin Fiqi. Cabdisaciid oo sidoo kale soo noqday La-taliyahii Amniga Qaranka ee Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey laantan Af Soomaaliga ee BBC, wuxuu ku sheegay in ‘damaca xagjirnimada ku saleysan ee Abiy Axmed”,…
Barashada tafsiirka qur’aanka ah iyo culuunta kale ee diinta islaamka guud ahaan geyiga Soomaliyeed si aad ah ayaa looga bartaa, waxayna soo jirtay waqti aad u dheer iyadoo barashada tafsiirka inta badan ay u badnaayeen ragga, hasa yeeshee waxa waayadan danbe soo badanayey dumar badan oo baranaya culuunta diinta islaamka gaar ahaanna fahamka tafsiirka qur’aanka kariimka ah. Magaalada Boorama ee gobolka Awdal dumar gaaraya 642 ayaa markii ugu horeysay ka qalinjabiyay Markaska oo lagu magacaabo Beytul Macmuur oo ku yaal magaalada Boorama. Waryesi aan la yeelanay Maryam Muuse Xaaji yuusuf oo ahayd haweeneyda bixineysay tafsiirka Qur’aanka ah oo BBCda la…
Axadda soo aaddan ayaa ah waqtiga loo mudeeyey inuu dhaco kulanka Finaalka ee xulalka Ingiriiska iyo Spain kaas oo si weyn indhaha loogu hayo, maadaamaa labadan xulba ay soo mareen tijaabooyin cad cad oo guul lahaa. England ayaa markii labaad oo is xigta timi finaalka Koobka qaramada Qaarada Yurub, Spain oo iyana hore koobkan ugu guulaysatay laba jeer ayaa finaalkan u yahay mid xujo ku ah da’yarta ciyaaraysa sanadkan. Marka koob soo gaaro kulanka kama danbaysta ah waa caadi in saadaalintu noqoto dookh u furan dadka ku xeeldheer ciyaaraha iyo xitaa xayaawanada caanka ah oo kala doorasho ku sameeya calamada…