Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Jowhar, 5-Oktoobar-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa aqalka Madaxtooyadda Hirshabeelle kula xafladeynayo masuuliyiin heer federal, heer Dowladda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Munaasabada ayaa lagu soo bandhiggay muuqaal muujinayo xornimada iyo xasiloonida kaddib markii laga adkaaday Khawaarijta iyadoo dhammaan deegaanadaasi uu socod ku maray Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle
Nabadoonka guud Ee Beelweynta Xasan Maxamed Cabdalle Nabadoon xarare ugaas naka gudoon 300 halaad, 3 baarqab, 2 Shahaado sharaf iyo kutaabka quraanka kariimka https://youtu.be/gsnLOPOnnZU?si=wfB1p5ogAFLOxxd6
Nabadoon guure cuumiye: Xasan maxamed haduu tartamaa waa niman rag iska tiirsha https://youtu.be/pVS2iuBONRY?si=d13TOms7X0Rt46c9
Daawo:- Beelweynta Xasan maxamed waxa uu balan qaadey dhiiga walalkiis , midka xawadle iyo dhiiga muslimka inuu xaaran ka yahay Asad Mohamed wehliy ayaa yiri https://youtu.be/rYIT9C8eM6k?si=JmugAxAg40m2R61U
Nabadoon Cali Macow Muumin iyo Xalfada soo dhaweynta ugaas Yuusuf ugaas xasan ugaas khaliif Hoos ka Daawo Muuqaal Nabdoonka https://youtu.be/0BmlyJjd82w?si=jCK9MC2qiG3jJk-_
Jaaliyada Hirshabeelle ee ku nool dalka Sacuudi Carabiya oo si weyn u xusay Sanadguurada 8-aad ee Dowladda Hirshabeelle. Hoos ka Daawo Muuqaal https://youtu.be/OiybaZeeav0?si=wFmMrqErM3VFD5yo
Wafdi uu hoggaaminayo ugaas yuusuf ugaas xasan ugaas khaliif ugaas Rooble ayaa lagu sodhaweyay degaanma Qalan Quul https://youtu.be/U5tugqV2LM0?si=6Id0Ho_48Y720ckQ
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda kulamo xasaasi ah iyo dadaallo la doonayo in lagu qanciyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), si uu taageero go’aannada la xiriira doorashada oo ay soo saarayaan Golaha Wadatashiga Qaranka. Axmed Madoobe ayaa si shaqsi ah u diiday in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qayb-galeysa shirka, taasi beddalkeedana wuxuu ku dooday inuu qabsanayo doorasho dadbadan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo lagu qancinayo madaxweynaha Jubbaland, waxaana hakad galay shirkii u socday madaxda dowladda…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta toddobaadle ah oo ka kooban 28 qodob oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan, qoraalkaan waxaa soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, wuxuuna soo baxaa toddobaadkiiba hal mar. Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka. Hoos ka aqriso qodobada warbixinta oo dhameystiran:- 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dimoqraadiyadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirweynaha Caalamiga…
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ajendihiisa laga helayaa xogo hordhac ah oo ku saabsan qodobada miiska saaran ee la filayo in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka wadahadlaan. Wararka soo baxaya waxay sheegayaan inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in muddo kordhin kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada oo la gaarsiiyo November 2025-ka, waana qorshe uu wato Xasan Sheekh, madax-goboleedyaduna ay dantooda ka dhex arkaan. Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu damacsan yahay in muddo kordhintaas kadib ay dowlad goboleedyada ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo doorashada uu qaba…