What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxda Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Baladweyne oo War Kasoo Saaray Dilka Gudoomiye ku xigeenka Maaliyada Magaalada. https://youtu.be/QbNcwpFBwxw?si=gIox7w_roF-m8g2W
Xildhibaan Maalik Abdalla “Shiid iyo gaajo lagama baxayo hadii beeraleyda aanay helin qalab casri ah”. https://youtu.be/Iie-O6Co7b0?si=NkNSTxtjsuyGc5gb
Gaadiidleyda Hiiraan Shir ay soo agaasimeen ayay maanta u qabteen Culimada, Odoyaasha Dhaqanka, Dhalinyarada iyo qeybaha bulshada Beledweyne. Ujeedka Shirka ayaa ahaa sidii wax looga qabaan lahaa isbarooyinka faraha badan ee maalin kasto si kordhaayo taas oo lagu dhibateeyo gaadiidka iyo dadka masaafurka. Odayaasha iyo Culimada oo si guud u qiray dhibatada ay arintaas leedahay ayaa isla qaatay in 7-maalin lagu qaado guud ahaan isbarooyinka lana fuuro wadada dheer si ay u nabad helaan masaafurka iyo gadiidka intaba. Waxaa leeska gartay Shir kale oo balaaran in leeysugu yimado Oday walbana u saxiixo in la qaado Isbaarooyinkasi si lo helo Nabad…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiiradda, Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka qeyb galay munaasabad soo dhaweyn oo Golaha Deegaanka Jowhar ay u sameeyeen Wafdigii Madaxweynaha. Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa magaalada Mudane Cusmaan Baareey ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa caasimada kusoo dhaweeyay. Munasaabadda caawa waxaa kaalin wacyigelin oo weyn ka qaatay Fannaaniinta Nimcaan Hilaac, Iqra Happy, Xuseen…
Daawo:- Sida adag ee maanta looga hadlay Isbarooyinka faraha badan ee daasan duleedka magaalada Beledweyne. https://youtu.be/o3gswk3Kkdo?si=PEEKL00EmN2rULkh
Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in alat ay magaaladaas ku geeriyootay fanaanadda Asma Xasan Aadan (Asma Saban). Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay. Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu xanuun ku soo booday, kaasi oo sababay geerideeda. Fanaanada geeriyootay ayaa ka mid ahayd Kooxda Xidigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland. Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay. Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu…
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxyada oo ahaa bambaanooyin ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigga, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah askartii ku sugnayd. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sid ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah Askariga booliska ah ee dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Hufood, wuxuuna sidoo kale horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Beled-xaawo. Xubnaha…
Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay masjid ku yaalla Xarunta Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrinta dhaqaalaha, isaga oo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed kula taliyey inay ku shukriyaan nimcooyinka rabbi siiyey, isagoo muujiyey kalsooni iyo koboc dhaqaale oo dalku gaaray. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa cabanaya ay yihiin kuwii lacagaha u aruurin jiray Al-Shabaab iyo kuwa kale oo dadka ka…
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay mar kale wada-hadallo uga billowdaan magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo ay maalmaha soo socda isugu tegi doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal. Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay. Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay toogasho ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulkaasi degmadaasi. Marxuumka oo lag magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxaa lasoo wariyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dishay guddoomiye ku xigeeka ay doonayeen inay ka dhacaan taleefoonka, ayna rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, isaga oo mar dambe u geeriyooday dhaawac gaaray. Sidoo kale ragga dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo…