Author: radiohalgan.com

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamul goboleedka Jubbaland. Dad ku sugan Kismaayo ayaa inoo sheegay in bam-gacmeedka lagu weeraray maqaaxi ku taalla isgoyska Golol ee Kismaayo, halkaas oo ay ku caweynayeen dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhaawacmay illaa 6 qof oo shacab ah, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada oo haatan lagula tacaalayo xaaladdooda. Sidoo kale waxaa goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeya weerarka lagu beegsaday maqaaxida oo la qarxiyay xilli ay…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaadk hubeysan ka gaysteen duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday culimo akhrineysay Qur’aan oo la laayay. Ma shaqadan oo uga sii dareysay colaadda ka taagan halkaasi ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Labagaras oo hoostaga magaalo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Maleeshiyaad beeleedka weerarka qaaday ayaa beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad akhrinayay aqrinayay Qur’aan oo ku sugnaa halkaasi, waxayna u gaysteen dil iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan argagaxa leh ku dhintay ugu yaraan 4 qof, halka lagu dhaawacay 8 kale, waxaana…

Read More

 Raii’sul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada. Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso. Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskaas, iyadoo…

Read More

Kooxda Xamaas ayaa goordhow xaqiijisay geerida Yaxye Sinwar, oo isagu dhawaan beddelay hoggaamiyihii hore ee Ismaaciil Haniyah. Dilka hoggaamiye Sinwar ayaa waxaa horey u sheegtay Israel oo ayadu si weyn u daba joogtay, kuna tilmaamtay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Katz oo horey u shaaciyay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar ayaa ka dhacay Marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay guul militari oo muhiim u ah Israel. “Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa’iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso,” ayuu…

Read More

Sida ay sheegayaan warbixinnada laga helayo Magaalada London ee Xarunta Dalka UK waxaa heshiis gaaray Macallinka u dhashay Dalka Jarmalka Thomas Tuchel iyo xiriirka Ciyaaraha Ingiriiska FA si uu u noqdo macallinka Xulka Qaranka Dalkaas. Heshiis billaabanaya billowga sanadka soo socda 2025 kuna siman July sanadka xiga 2026 ayay wada galeen Tuchel & FA sida ay ku warrantay Warbaahinta ka faaloota cayaaraha ee fadhigoodu yahay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska. Is afgaradka waxaa kamid ah in haddii Macallinkaan u dhashay Dalka Jarmalka ee Thomas Tuchel uu hoggaan wanaagsan iyo qaab ciyaareed qurux badan la yimaado in waqtiga loo dheereyn doonno…

Read More

Koox hubeysan ayaa saakay Xaafadda Soona-kay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dishay Labo Nin oo Ganacsato ah halka ay dhaawaceen mid kale sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah. Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay halka qof kale isaga oo dhaawac ah loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah. Ragga dhimashada iyo dhaawaca loo geystay ayaa ku sugnaa goobtooda Ganacsiga, rasaas ay ku furtay kooxda beegsatay ayaa dhaawac darran soo gaarsiisay oo labo kamid ah isla goobta ay ku geeriyoodeen…

Read More

Warbixin kasoo baxday Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa looga hadlay cunno yarida ka jirta Dalalka Caalamaka gaar ahaan Soomaaliya iyo waxa sababay iyada oo maanta la xusayo maalinta loo gaarka yeelay. Agaasime ku xigeenka hay’adda WFP Haweeneyda lagu magacaabo Allison Lawi ayaa sheegtay in dhibaatada cunno yarida ah ee Soomaaliya ka jirta ay ka dhalatay abaarihii is xig-xigay ee Dalka ku dhuftay iyo fatahaadaha la tagay dallagii beeraha. Isbaddelka Cimillada waa xaaladda kale ee dhalisay cunno yarida maadaama saamayn taban ay ku reebtay beeraha & waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah si dadka wax beerta ay suuqyada ugu iib…

Read More

Dowladda Masar ayaa bilihii u dambeeyay heshiisyo dhinacyo kala duwan ah la gashay Dalalka ku hareereysan Itoobiya oo dhammaan ay horay mid weliba xadgudub ugu sameysay Xukuumadda Addis Ababa. Heshiisyada oo kala duwan ayaa dhabbaha u xaaraya sidii Masaarida ay ugu fududaan lahayd in ay galaangal ku dhex yeellato dalalka kulaala Itoobiya oo sanadihii u dambeeyay dagaallo dhexdheeda uu majaha u geliyay Abiy Ahmed. Xukuumadda Qaahira ayaa heshiis la gaartay dhiggeeda Jabuuti, Soomaaliya, Eretareeya & Suudaan oo dhammaan xuduud la wadaaga Itoobiya isla markaana ay dhexda ugu jirto, taasi waxa ay qaylo dhaanka ka dhammeysay Addis Ababa. Masar…

Read More

Falcelin xoogan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay dil Talaadadii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii ay tageen laba nin hubeysan, isla markaana watay dareeska ciidanka dowladda. Qoraal kasoo baxay shirkadda oo looga hadlay dhacdadaas ayaa lagu sheegay in shirkadda ay tageen labada nin ay doonayeen inay lacag kala baxaan xarunta, laakiin wuxuu maamulku sheegay in la ogaaday in Sim-cardka ay wateen aysan iyagu lahayn kadibna laga shakiyay dhaq-dhaqaaqooda. Intaas kadib labada nin ayaa baxay, waxayna keeneen gabar ay afduub ahaan usoo wateen, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa goobta ka dhacday…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda sida xasillinta deegaannada laga xoreeyay Al Shabaab. Sidoo kale kulankan maanta dhax maray Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo James Swan ayaa looga halay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod oo ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arrimaha bini’aadanimada. Kulankan bayaa…

Read More