Author: radiohalgan.com

Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi oo Baaq Nabadeed u diray beelaha ku Dagaalamaya xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, oo ah Wabarka Beesha Baadicadde, ayaa si qiiro leh ugu baaqay nabad iyo is-afgarad beelaha walaalaha ah ee Xawaadle iyo Abgaal, kuwaas oo dagaal culus uu ka dhex qarxay xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Baaqa Wabarka ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay colaadda, oo ay ku naf waayeen dad shacab ah, isla markaana ay ka dhalatay barakac iyo burbur baahsan. Warka Nabadeed ee Wabar Maxamed Wabar Maxamed Wabar Axmed ayaa sheegay…

Read More

Haweenka beelweynta Agoon Cabdalle ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta Salaan ugu tagay ugaaska Beesha Xawaadle ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Haweenka beelweynta Agoon Cabdalle oo aay isku soo duba riday isla markaana aay hogaamineeysay Maamo Nadiifo Axmed Saneey ayaa ugaaska ku booqday Hoyga uu ka degan yahay Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Haweenka beesha Agoon Cabdalle ayaa salaan duco qaadasho ugu tagay Ugaas Yuusuf waxa aayne guduunsiiyeen Hadiyado kala duwan oo haweenka beesha Agoon Cabdalle ugu tala galeen Ugaas Yuusuf. Ugaaska ayaana u duceeyay haweenka beelweynta Agoon Cabdalle.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa soo xertay Tababar ku saabsan Xalinta Qilaafaadka kaasoo loo qabanaayay qeybaha kala duwan ee Degmada mahadaay sida odayaasha dhaqanka , dhalinyarada iyo haweenka . Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo uu Wehliyo Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ayaa soo xeray Tababarka waxuuna odayaasha , dhalinyarada iyo Haweenka kula dardaarmay ineey ka wada shaqeeyaan Nabada iyo Xasiloonida bulshada ku dhaqan Degmada.

Read More

Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta mar kale dib loo doortay ayaa ka hadlay guushiisa iyo arrimo ku aadan khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka. Ugu hooreyn Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo kaliya uu Jubbaland madaxweyne ka yahay maanta kadibna aanay jirin dooni cid kale oo sheegan karta. “Xasan Sheekh Jubaland ayuu Xasuusinayaa wixii uu ku sameeyey 2013-kii,Aniga ayaa madaxweyne ka ah Jubaland cid kale oo sheegan karto majirto Wada hadal oo kaliya ayaana Ogolahay,” ayuu yiri madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan oranayaa…

Read More

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn u garab istaagay Axmed Madoobe kadib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si gooni-gooni u hambalyeeyay Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku qabsaday doorasho uu maamulkeeda leeyahay, iyadoo ugu dambeyn uu maanta meel-marsaday damiciisa ku soo laabashada hoggaanka Jubbaland. Haddaba, maxay tahay sababta ka dambeysa in mucaaradka maraan dhanka Axmed Madoobe? Axmed Madoobe ayey haatan si weyn…

Read More

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magalada Muqdisho ku qabtey Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo qayb ka ah tiirarka Istaraatijiyadda Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta. Wasiirka Amniga gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) oo shirka furay ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney xoogga saarayso sidii loo xakameyn lahaa isticmaalka hubka iyo rasaasta. Wasiir Fartaag ayaa hoosta ka xariiqey iney ka mid tahay mowduucaan kuwa ugu horeeya ee u degsan dowladda Soomaaliya. ‘’Si looga hortago qulqulka hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, waxaan bilownay calaameynta rasaasta, iyada oo la isticmaalayo tiknoloojiyadda…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dib-u-habeyn Ku Sameynaya DG Hirshabelle iyo Xildhibaanada Xawaadle kulan kula yeeshay Xog hore ha Muqdisho(radiohalgan.com)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa todobaadkan kulan muhiim ah la yeeshay xildhibaanada beesha Xawaadle ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo diiradda saaray xaaladda siyaasadeed iyo maamul ee Hirshabelle. Kulankan ayaa lagu soo qaaday arrimo dhowr ah oo la xiriira sidii loo xallin lahaa khilaafaadka ka dhex jira maamulka iyo qorshaha dib-u-habaynta Hirshabelle. Xogta radiohalgan.com Qodobbada Lagaga Hadlay Kulanka 1.Caasimadda Hirshabelle: Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in caasimadda maamulka Hirshabelle loo raro degmada Buulobarde, taasoo hore u ahayd caasimadda kumeel-gaarka ah ee…

Read More

Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay falkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, iyada oo ay halkaas ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Taliska ayaa warsaxaafadedeka ku sheegay in uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidanka boliiska. Sidoo kale, Taliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo la xiriira  sida ay wax u dhacday dilka sarkaalkaas , iyaga oo carrabka ku adkeeyay in ay tiigsan doonaa ciddii qeyb ka ahayd. Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran:

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay dhacdadii  ka dhacday meel u dhow Nosy Iranja ee dalka Madagascar; isaga oo sheegay in laba doon ay ku qalibmeen badda, kuwaas oo ay saarnaayeen Soomaali badan. Wasiirka ayaa tacsi  u diray qoysaska iyo ehelada dadka geeriyooday, isaga oo caafimaadna u rajeeyay dhammaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa waxyeellada ka soo gaartay shilkan. Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u iftiimiyay qatarta tahriibka, isagoo ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan halista galaangalka badda iyo dhibaatooyinka ku xeeran tahriibka si ay uga badbaadiyaan naftooda qatarta iyo…

Read More

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay Geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi in mudda ah ka shaqeynaayay idaacaddii  BBC-da laanteed afka Soomaaliga, isaga oo mudooyinkii dambe ku xanuusanaa magaalada Hargeysa. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu wariye Cabdirisaaq Xaaji, door muhiim ah ka soo qaatay horumarinta afka- Soomaaliga, dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada, isaga oo tilmaamay in uu ahaa tiir isku xira guud ahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraadabada, bahda warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee…

Read More