What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in alat ay magaaladaas ku geeriyootay fanaanadda Asma Xasan Aadan (Asma Saban). Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay. Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu xanuun ku soo booday, kaasi oo sababay geerideeda. Fanaanada geeriyootay ayaa ka mid ahayd Kooxda Xidigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland. Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay. Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu…
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxyada oo ahaa bambaanooyin ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigga, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah askartii ku sugnayd. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sid ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah Askariga booliska ah ee dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Hufood, wuxuuna sidoo kale horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Beled-xaawo. Xubnaha…
Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay masjid ku yaalla Xarunta Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrinta dhaqaalaha, isaga oo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed kula taliyey inay ku shukriyaan nimcooyinka rabbi siiyey, isagoo muujiyey kalsooni iyo koboc dhaqaale oo dalku gaaray. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa cabanaya ay yihiin kuwii lacagaha u aruurin jiray Al-Shabaab iyo kuwa kale oo dadka ka…
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay mar kale wada-hadallo uga billowdaan magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo ay maalmaha soo socda isugu tegi doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal. Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay. Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay toogasho ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulkaasi degmadaasi. Marxuumka oo lag magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxaa lasoo wariyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dishay guddoomiye ku xigeeka ay doonayeen inay ka dhacaan taleefoonka, ayna rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, isaga oo mar dambe u geeriyooday dhaawac gaaray. Sidoo kale ragga dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo…
Xisbiga Daldhis ayaa si weyn uga hor yimid Maqaamka Muqdisho iyo qodoba ka mid ah Xeerka Doorashooyinka ee Wasiiradu ansixiyeen. Hoos uga bogo••••
Ruushka ayaa toddobaadkan weerar lama filan ah kala kulmay ciidanka Ukraine, kuwaasoo qaaday tallaabo jahwareer ku ridday Moscow, iyagoo ku guulaystay inay tijaabiyaan difaaca xudduudaha ee daciifka ah. Ruushka ayaa sheegay in ugu yaraan 1,000 askari oo Ukraine ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo baabuurta gaashaaman ay gudaha usoo galeen dhulka Ruushka gobolka Kursk subaxnimadii Talaadada – taasoo u muuqata mid ka mid ah weerarradii ugu weynaa ee ka dhaca dhulka Ruushka tan iyo markii uu dagaalku billowday, waxaana tan iyo Talaadadiina gobolka uu ku jiraa xaalad deg deg ah Markii ciidanka Ukraine ay gudaha u galeen qeyb ka mid…
Wafdi uu hoggaaminaayo taliyaha ciidianka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ,ayaa safar shaqo ku tagay xarunta guud ee booliiska caalamiga ee loo yaqaan (Interpol) ee ku taalo Magaalada Lyon ee dalka Faransiiska. Xoghayaha guud ee booliiska caalamiga ee Interpol, General Jürgen Stock ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Interpol taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminayay taliye Sulub Axmed Firin. Dowladda Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah booliiska caalamiga ee Interpol ayaa iskaashi kala sameesa dhincyo badan sida la dagaalanka araggixisada, ka ganacsiga daroogada, tahriibinta dadka iyo hubka, dembiyada abaabulan, burcad badeedka, kalluumeysiga sharcidarada ah iyo fududeynta…
Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan , oo si qasab ah looga reebay doorashada tartankii ay ugu jirtay kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, ayaa taageero u muujisay musharax markii hore loollan adag uu kala dhaxeeyay. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa god dheer ku tuuray damacii xildhibaan Fowsiya Yuusuf ku dooneysay in ay u tartanto doorashada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, waxa ayna dowladda Soomaaliya taa badalkeeda taageertay musharax dowladda Jabuuti wadatay. Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaadatay musharaxa dowladda Kenya la rabto xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Musharax Raila Odinga , waxa ayna Fowsiya…
Kamala Harris, madaxweyne ku xigeenka haatan ee Mareykanka, oo sidoo kale u sharraxan madaxtinnimada dalkaas ayaa dhowaan Tim Walz u soo xulatay ku xigeenkeeda doorashada oo lagu wado in dalka Mareykanka ay ka dhacdo bisha November ee sanadkan. Timothy James Walz waxaa uu sanadkii 2018 noqday barasaabkii 41-aad ee gobolka Minnesota. Gobolkan ayaa waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee ku sugan dalka Mareykanka. Muddadii uu xilka hayay Mr Walz waxaa uu si wayn u dhexgalay bulshada Soomaalida, waxaa uuna kala qeyb gali jiray xafladaha kala duwan. Waxaa uu Soomaalida kala qeyb gali jiray xafladaha muhiimka ah, sida xafladaha maalinta…