Author: radiohalgan.com

Xulka Brazil ayaa guul weyn ka gaadhay xulka Paraguay kulan ka tirsan Group-yada Copa America. Xiddiga Vinicius Junior ayaa daqiiqadii 35 Iyo 45 dhaliyay goolasha furitaanka isaga oo xulkiisa u dhiibay xulkiisa. Xiddiga Savio ayaa daqiiqadii 43-aad goolka 3-aad u dhaliyay halka u Lucas Paqueta dhaliyay rikoodhe qaybtii Dambe. Xulka Brazil ayaa gaadhay guushiisii uGu horaysay ee tartanka Copa America sanadka 2024. Goolka kaliya ee uu dhaliyay xulka Paraguay waxa dhaliyay Omar Alderete kaas oo ahaa gool sharafeed. Halkan ka daawo goolasha Brazil. https://youtu.be/QIchZjewPFs

Read More

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada. Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda. hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa. Paris Saint-Germain ayaa ka fiirsan doonta inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford hadii 26 sanno jirkaan uu muujiyo xiisaha uu u qabo u dhaqaaqida France (talkSPORT). Saraakiisha United ayaa la yaabay Rashford oo ku dhibtoonaya gudaha garoonka iyo habdhaqanka ka baxsan garoonka waxayna si…

Read More

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof Maxamed Cismaan Jawaari sida uu BBCda u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac. Eheladiisa ayaa BBCda u sheegay in uu si caadi howlahiisa u watay galinkii hore balse si kadis uu u geeriyoday. Prof, Jawaari ayaa door weyn ku lahaa dibu dhiska Soomaaliya, waana mid ka mida ah dadkii waqtiga dheer ku soo jiray dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka tacsiyey geeridiisa ayaa ku tilmaamay inuu Prof Jawaari, ahaa mid taariikhda dalka ku leh horumarin iyo dhismaha haya’addaha dowladnimadda. Sidaas oo kale madaxdii hore e dalka…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa labo sano ka hor ku dhawaaqday guluf dagaal oo ka dhana kooxda al-shabaab, dagaalkaas ayaa ku bilowday markiisii hore dadka deegaanka oo is abaabulay ay fooda is-dareen kooxda. Dagaalka ayey xooggaga hubaysan ee qabaa’illadu ku qaadeen fariisimo kooxdu ku lahayd gobolka Hiiraan ayey dowladu markii danbe ku biirisay ciidamadeeda. Howlgalkaas ayaa la kulmay dhibaatooyin uu qiray Madaxweynaha Soomaaliya, wallow wali ciidamadu ay dagaal kula jirana kooxda. Inkasto oo ay dowladu dagaal ku dhawaaqday haddana waxaa taas barbar socday aragtiyo aqoonyaho iyo khubaro ammaanka ah ay jeediyeen oo ahayd in wadahadallo lala galo al-shabaab. Iyadoo doodaasi ay wali…

Read More

Nooc cusub oo fayraska busbuska ayaa si degdeg ah ugu faafaya Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, khubarrada ayaana sheegay inuu yahay nooca ugu khatarsan ee ay arkeen. Busbuska oo loo yaqaanno Mpox, horena loogu aqoon jiray monkeypox, waa xanuun ka jira qeybo ka mid ah galbeedka iyo bartamaha Afrika kiisaska ayaana ku sii badanayay qaaradda muddo tobnaan sano ah. Sanadkii 2022, xanuunkan oo ka dillaacay dunida ayaa asiibay Yurub, Australia, Mareykanka iyo dalal kale oo bada. Heerkee ayuu xanuunkan ka gaarsiisan yahay dunida? Xanuunkan busbuska waxaa sababa fayraska monkeypox, oo ka mid ah isla noocyada cudurkan, inkastoo uu ka dhib…

Read More

Dadka madaw iyo dadyoowga kale ee laga tirada badan yahay ayaa la filayaa inay noqdaan 30% dadka dalkan Britian ku nool marka lagaadho sanadka 2050 Mac’hadka arrimaha siyaasada ee dalkan (PE) ayaa sheegay ” inay dadka laga tirada badan yahay noqon doonaan qayb muhiima oo kamidda doorashooyinka musqabalka ee dalkani” Waxaa kaloo ay intaa raaciyeen inay siyaasiyiintu iska daayaan inay isku hal koox uu arkaan oo isku mida dadka asalkoodu ajaaniibta yahay,waayo waxay yidhaadeen ‘ farqiga u dhexeeyaa waa mid aad u weyn’ Machadkan ayaa ku sheegay cilmi baadhis ay u bixiyeen sawirka guud ee Britian in muhaajiriinta ka timid…

Read More

Tijaabada hub ee todobaadkan ayaa noqotay meeshii ugu dambaysay ee ay isla gaaraan Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, iyada oo Pyongyang ay sheegtay in ay ridday gantaal madaxyo badan oo casri ah, halka Seoul ay ku eedaysay in ay ka been sheegeen. Saacado ka dib markii warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ay amaantay “guusha” tijaabadooda oo ay soo bandhigtay sawiro ay caddayn ahaan u qaaday Khamiistii, Koonfurta ayaa ku tilmaantay “khiyaano iyo buunbuunin” waxayna sii daayeen caddaymo kale oo muujinaya gaar ah guuldarada tijaabada gantaalka. Dhanka kale, falanqeeyayaasha ayaan hubin xaqiiqada sheegashada Kuuriyada Waqooyi. Muranka ayaa hoosta ka xariiqaya xaqiijinta horumarinta…

Read More