Author: radiohalgan.com

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda kulamo xasaasi ah iyo dadaallo la doonayo in lagu qanciyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), si uu taageero go’aannada la xiriira doorashada oo ay soo saarayaan Golaha Wadatashiga Qaranka. Axmed Madoobe ayaa si shaqsi ah u diiday in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qayb-galeysa shirka, taasi beddalkeedana wuxuu ku dooday inuu qabsanayo doorasho dadbadan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo lagu qancinayo madaxweynaha Jubbaland, waxaana hakad galay shirkii u socday madaxda dowladda…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta toddobaadle ah oo ka kooban 28 qodob oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan, qoraalkaan waxaa soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, wuxuuna soo baxaa toddobaadkiiba hal mar. Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka. Hoos ka aqriso qodobada warbixinta oo dhameystiran:- 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dimoqraadiyadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirweynaha Caalamiga…

Read More

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ajendihiisa laga helayaa xogo hordhac ah oo ku saabsan qodobada miiska saaran ee la filayo in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka wadahadlaan. Wararka soo baxaya waxay sheegayaan inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in muddo kordhin kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada oo la gaarsiiyo November 2025-ka, waana qorshe uu wato Xasan Sheekh, madax-goboleedyaduna ay dantooda ka dhex arkaan. Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu damacsan yahay in muddo kordhintaas kadib ay dowlad goboleedyada ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo doorashada uu qaba…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee caasimadda Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboledyada fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran, sida ay shaacisay Villa Somalia. Shirka ayaa waxa kale oo looga wada-hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda…

Read More

Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaaday weerar dhulka ah oo xaddidan oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid xaddidan, waxaana lagu taageeray duqeymo iyo madaafiic. War saxaafadeedkeeda ayaa lagu sheegay in ay Israa’iil Xisbullah ku beegsatay “tuulooyinka u dhow xadka” Israa’iil. Mid ka mid ah duqeymaha ayaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay xero weyn oo ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah taas oo u dhow Sidon oo ku taalla koonfurta Lubnaan. Hawgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Wasiirka difaaca Israa’iil uu shalay wacad ku maray in ciidankoodu ay…

Read More

Sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter, madaxa shirkadda Baykar, Haluk Bayraktar, ayaa Sabtidii booqasho ku tegay Muqdisho. Waxaa si diirran usoo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur wuxuuna kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar, waxaa soo saara shirkadda Baykar. Lama hubo lamana shaacin arrimaha gaarka ah ee Haluk iyo madaxweynaha ay ka wada hadleen, balse qoraalkiisa bartiisa X waxaa ku xusan “Iyadoo dhowaan la kala saxiixday Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha” ee u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya, xiriirka wuuxu gaaray heer cusub.…

Read More