Author: radiohalgan.com

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerarkii saaka ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud. Waxay sheegtay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka hor tageen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaaladaas. Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalka. Iyadoo laga hadlayay khasaarahana waxay yiraahdeen: “Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay xoogga saarayso la socodka Dawooyinka sida qaldan loogu adeegsado qaab maandoriye ah si looga hortago halista ku horgudban. Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in dawooyinkaan aanay la mamnuuci Karin sabab la xiriirta dadka loogu talagalay in la siiyo balse Dowladda xoogga ay saarayso la dagaalanka dadka sida qaldan u isticmaalka dawooyinkaas sida uu hadalka u dhigay. Qaababka Wasaaradda Caafimaadka XFS ay u adeegsanayso kahortagga iyo dabagalka dawooyinkaas ayuu ku sheegay in Isbitaallada & goobaha kale ee lagu iibiyo Dawooyinka la weydiinayo isticmaalka sida loo bixiyay.…

Read More

Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib markii dowladda Congo ku eedeysay safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabril Ibrahim Abdulle, in lagu qabtay isagoo tahriibinaya dahab iyo macdano kale. Wararka ka soo baxay Congo ayaa sheegay in safiirku uu watay ganacsato Kenyan ah oo la sheegay inay ka faa’iidaysanayeen xasaanadda safaaradda Soomaaliya, taas oo caado ahaan difaac ka siisa baaritaanka kastamka iyo booliska. Markii arrintu soo baxday, safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay in safiirku u joogay Congo arrimo ganacsi oo quseeya Soomaali, isla markaana eedeymahaas lagu tilmaamay kuwo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qaybgalaya shirka 2aad ee looga hadlayo Isbaddelka Cimillada ee shalay ka furmay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda uu la kulmay waxaa kamid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto isaga oo kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS. Jabuuti iyo Kenya oo ciidamo ka socda ay joogaan Soomaaliya isla markaana qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayuu si gaar ah kala hadlay in ay xoogga saaraan sidii ay u…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu daahfuray biyo xireenka Itoobiya Grand Ethiopian renaissance dam ee dadka dalkaas u yaqaan (Waa horumarka qaranka). Madaxweyneyaasha Jabuuti, Kenya & Koofurta Suudaan ayaa ka qaybgalay munaasabaddaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xafladda furitaanka kusoo beegay waqti Madaxdaan ay ka qaybgalayaan shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada. Muddo dheer ayay Itoobiya la daala-dhacaysay dhismaha Biyo xireenkaan oo mashaariic waa weyn Mustaqbalka u noqonaya inkasta oo ay jireen culays uga imaanayay Dalalka Masar iyo Suudaan oo biyaha Webiga Nile la wadaago. Lacagta ku baxday oo ah $5 Bilyan waxaa laga…

Read More

Soomaaliya ayaa u guuraysa korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda sida uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay meertada 2aad ee Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada ee ka socda Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay baahi u qabto adeegsiga Soolar dhabka looga dhaliyo Ilayska Cadceedda si loo daboolo culayska dhanka korontada ah ee looguna guuro nidaamkaan casriga ah. waxa uu carrabka ku adkeeyay in nidaamka tamarta ee cadceedda uu gaari karo Miyi ilaa Magaalada isla markaana uu meesha ka saari karo farqiga qiimaha korontada, waxa uu dul istaagay caqabadaha dhankaas ka jiro. Dalal…

Read More

Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan u muujisay Ururka Jaamacadda Carabta oo todobaadkaan dhaleecayn kala kulmay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Sulaiman Dedefo Woshe oo ku eedeeyay in uu kala saftay Masar. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Ururka Jaamacadda Carabta uu taageerro muuqda u muujiyay Soomaaliya iyo dedaallada dib u dhiska Dalka. Fiqi ayaa intaas ku daray Ururka Jaamacadda Carabta uu waajib ku yahay sidii uu u wanaaji lahaa ama isugu xiri lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Dalalka Xubnaha ka ah, taasina ay tahay ujeedka loo aasaasay ururkaan sida uu hadalka u dhigay. “Soomaaliya waxa ay xubin…

Read More

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka safar qarsoodi ah ugu ambabxay waddanka Isutagga Imaaraatka Carabta oo muddooyinkii dambe taageero xooggan siinayay maamulkiisa. Madaxtooyada Putland oo inta badan soo bandhigi jirtay xiliyada uu safarka aadayo ayaa qarisay safarkaan, waxaa la sheegay in uu la kulmayo madaxda Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta inkasta oo aan la ogayn waxa ay kawada hadlayaan. Wararka ayaa intaas ku daraya in uu kasii horreeyay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo si qarsoodi ah casumaad uga helay Dalkaan Carbeed ee Imaaraatka. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ah xulufo siyaasadeed oo kasoo horjeeda…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga heer Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada. Madaxweynaha ayaa dul istaagay tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadday si loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimilada kuwaas oo ay ka mid tahay soo gudbinta qorshaha qaran ee NDC oo kor loogu qaadayo adkaysiga deegaanka, hirgelinta ololaha caagaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo sameynta Sanduuqa Qaran ee Cimilada. “Soomaaliya door yar ayay ku leedahay asbaabaha keena isbeddelka cimilada, balse waxaan ka mid…

Read More

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaysan u hoggaansan doonin nidaamka cusub ee dal ku galka Soomaaliya ee dowladda Federaalka ay ka dhigtay hab online ah (E-Visa). Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid ayaa ku tilmaamay tallaabada dowladda federaalka “isbaaro hawada la dhigtay” isaga oo sheegay in lacag dal ku gal ah laga doonayo qof kasta oo ka soo dega garoomada Puntland. Dowladda Federaalka ayaa hore u shaacisay in qof kasta oo wata baasaboor shisheeye oo dalka imanaya looga baahan yahay in uu dal-ku-galka ku goosto online taas oo lagu sheegay hab casri ah oo lagu mideynayo nidaamka socdaalka. Hase yeeshee…

Read More