Author: radiohalgan.com

Wasiirka Beeraha iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka Hirshabeelle oo daah-furay shir labo maalmood ah oo ku saabsan hirgelinta Mashruuca UGBAAD. 𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫, 𝐈𝐬𝐧𝐢𝐢𝐧, 𝟎𝟗 𝐅𝐞𝐛𝐫𝐚𝐚𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Maxamed Sheekh Maxamuud, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cali Caddow Jibriil, ayaa maanta ka qeyb-galay shir labo maalmood ah oo lagu falanqeynayo hirgelinta Mashruuca UGBAAD ee beeraha u adkeysanaya isbeddelka cimilada. Shirkan oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha beeraha iyo deegaanka, Madaxa Mashruuca UGBAAD Salem Ullah oo ah wakiilka FAO, ayaa diiradda lagu saarayaa ujeeddooyinka mashruuca, qaabka hirgelintiisa, iyo sida…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil, arrimo la xirriira in midnimada Soomaaliya iyo Somaliland dib u yagleelaan, waxa ay ku bixiyeen in Somaliland hesho aqoonsi iyo siday u arkaan dowladdaha ka falceliyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil. Warraysiga oo socday ku dhowaad nus saac, ayaa su’aalaha la weydiiyay madaxweyne Cirro waxaa kamid ahaa, waxa ay Somaliland ku bixisay si ay aqoonsi uga hesho Israa’iil, arrintaas oo daaranayd dadka reer Falastiin in la keeni doono Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa xusay…

Read More

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde. Ugu horreyn Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa sii amba qaaday ka doodista cutubka Afaraad ee dastuurka Kmg ah gaar ahaan wax ka baddal kooban oo ku saabsan qodobada 49-aad, 50,aad iyo 54-aad, waxaana Xildhibaanada labada Aqal…

Read More

Anas Sarwar, hoggaamiyaha Xisbiga Labour ee Scotland, ayaa hadda ugu baaqay Keir Starmer inuu iscasilo. “Qaska iyo mashquulku waa inuu dhammaadaa, hoggaankana ka jira Downing Street waa inuu isbeddelaa,” ayuu u sheegay saxafiyiinta. Cadaadiska saaran Starmer ayaa sii xoogaysanaya iyadoo hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka Kemi Badenoch ayaa sheegtay in mowqifka Starmer uu yahay “mid aan la aqbali karin” – waxay hore ugu sheegtay BBC-da in Ra’iisul Wasaaruhu uu qaatay “go’aan khaldan ka dib go’aankii xumaa” Sidoo kale xubno ka mid ah shaqaalaha xafiiska Lamber 10 ayaa iscalisay.

Read More

Dowladda federaalka ayaa ciidamo u diraysa Gobolka Tigray, sida ay sheegtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF). War-saxaafadeed ay maanta soo saartay, xisbigu wuxuu ku eedeeyay Addis Ababa inay samaynayso “diyaar-garroow ciidan oo cusub” oo ka dhan ah Tigray, iyagoo xiganaya iska-horimaadyo dhowaan dhacay. “Dowladda Itoobiya hadda waxay waddaa dhaqdhaqaaq ballaaran oo hub iyo ciidamo ah, taas oo Tigray ku riixaysa inuu galo wareeg kale oo dagaal dhiig leh,” ayaa lagu yiri bayaanka. “TPLF iyo shacabka Tigray waxay doonayaan in Heshiiska Pretoria la hirgeliyo,” ayuu war-saxaafadeedku intaas raaciyey. TPLF waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo…

Read More

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa. Booqashadan ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo sare u qaadidda iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo siyaasadda, xilli ay gobolka Geeska Afrika ka socdaan isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Inta uu ku sugan yahay Qaahira, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan muhiim ah la qaadan doona dhiggiisa dalka Masar, Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, waxaana ay ka wadahadli doonaan sidii loo mideyn lahaa dadaallada…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa si rasmi ah u qirtay in dowladda Eritrea ay la wareegtay, welina ay gacanta ku hayso, dhul ka tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya. Wasiirka ayaa sheegay in Eritrea aysan ku ekeyn qabsashada dhulkaasi, balse ay sidoo kale taageerto kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama gudaha Itoobiya, kuwaas oo ka soo horjeeda dowladda federaalka. Gedion Timothewos wuxuu xusay in dhaqdhaqaaqyada ciidamada Eritrea ee ka socda gudaha dhulka Itoobiya, iyo xiriirka ay la leeyihiin kooxaha hubeysan, ay yihiin gardarro cad oo lagu soo qaaday madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee,…

Read More

GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO. Jowhar, 8-Feebaraayo-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle oo intiisa badan diirada lagu saaray xaalada abaarta dalka. Ugu horeyn Wasaaradda Amniga Dowladda Hirshabeelle ayaa Golaha la wadaagtay howlgaladii ugu dambeeyay ee Khawaarijta oo ka socda nawaaxiga degmada Xawaadleey iyo weerarkii lagu khaarijiyey xubno argagixisada ah oo ka dhacay deegaanka Goobo ee hoostaga degmada Maxaas. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigtay warbixin ku aadan xaaladda Bini’aadanimo ayaa sheegtay inay abaarta saameysay 1.5 Milyan oo dadka Hirshabeelle ah. Wasaaraddaha Arrimaha…

Read More

BISMILLAH, 𝗕𝗔𝗬𝗔𝗔𝗡 𝗦𝗛𝗔𝗔𝗖𝗜𝗡 𝗥𝗔𝗦𝗠𝗜 𝗔𝗛 𝗫𝗜𝗟𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗪𝗘𝗬𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗛𝗜𝗥𝗦𝗛𝗔𝗕𝗘𝗟𝗟𝗘. Ugu horeeyn waxaan salaan diiran u Dirayaa guud ahaan shacab’ka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan Salaan dabadeed maanta oo aay Tariikhdu Tahay 01/2/2026 waxaan halkaan ka Shaacinayaa anigoo ah (Cali Jeeyte Cismaan) inaan ahay musharax u taagan Hanashada xilka 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗛𝗶𝗿𝘀𝗵𝗮𝗯𝗲𝗹𝗹𝗲 ee mudo Xileedka 2026-2030. 𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗺𝘂𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝘅𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗲𝘆𝗱𝗮 1=Markii aan arkay ahmiyadda iyo qiimaha aay leedahay in la helo maamul ku dhisan is ongol iyo isla gudoomid, anigoo Garawsaan waayo aragna u ah xaaladahii Habraaceed ee ay soo martay dowlad Goboleedka Hirshabeele tan iyo Dhismaheediii, hadaba si aan u dhisano…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan iskaashiga uu la leeyahay Shiinaha ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo danaha guud ee ay wadaagaan labada dowladood, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya ku jirto marxaladda muhiimka u ah dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha. Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo…

Read More