Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa billaabay dedaallo xal loogu raadinayo Dagaal beeleed ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose si loosoo afjaro xiisaddaas. Xubno uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo qayb ka yihiin saraakiil ciidan ayaa tagay Deegaanka Nambar Konton iyo deegaanno kale u dhow si waanwaan loo billaabo loona soo afjaro xiisadda. Rajo ayay ka muujiyeen in xal waara loo helo dagaalladii dhacay si dadka deegaanka ay u dareemaan xasilooni iyo in ay kusii nagaadaan deegaannadooda maadaama cabsida ugu weyn ay heysato ay tahay in la beegsado. Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay…
Cabsi xooggan ayaa ka taagan Dalka Jarmalka gaar ahaan Saldhigyada Isbahaysiga NATO uu ku leeyahay Dalkaas maadaama Ruushka la ogaaday in uu abaabulayo diyaarano nooca duulliye la’aanta ah (Drones) uu doonayo in uu ku beegsado. Ilo dhanka amniga & sirdoonka ah ayaa kusoo warramay in cabsidaas darteed heegan buuxa la geliyay dhammaan gantaallada muhiimka u ah in ay difaacaan hubka isbahaysiga NATO ka yaalla Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Yurub. Xaaladdu waxa ay sii adkaatay kaddib markii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu si cad u sheegay in Gantaallo gaaraya 100 lagu garaacay Magaalooyin kamid ah Dalkiisa, mas’uuliyadda weerarkaas waxa uu dusha…
Hantidhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Isse Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay horumarada shaqo ee xafiiska, muhiimadda taageerada la-taliyayaasha farsamo iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha hantidhowrka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub u fidiyo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, sidii loo horumarin lahaa habraaca baarista lacagaha taageerada ee la marsiiyo Nidaamka Maareynta Maaliyadda Dalka (SFIMS), laguna maamulo khasnadda dhexe ee dowladda. Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay wada…
Kulan weyn ayaa maanta lagu qabtay xerada ciidamada SSC-Khaatumo ee deegaanka Guumays ee gobolka Sool, halkaas oo lagu xusay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ciidamada Somaliland laga saaray xerada Goojacadde iyo deegaanno ka tirsan gobolka Sool. Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamadiisa oo ku sugan jiidda Guumeys ayaa sheegay in ay maanta ka xoog badan yihiin sidii ay ahaayeen sanad ka hor markii uu socday dagaalkii dhex maray iyaga iyo Somaliland. “Ciidankeennu sanad ka hor iyo maanta wuxuu awood badan yahay maanta, waxa uu tayo roon yahay maanta, waxa uu…
Koox biskoolado ku hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay xaafada Siisii ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen labo nin oo dhallinyaro ah, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan ragga la dilay iyo waxa ay ahaayeen. Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in labada nin madaxa laga toogtay xilli ay ku sugnaayeen meel ku dhaw Masjidka Muumino Ceelbuur ee kuyaalla xaafada Siisii, waxaana markii la dilay kaddib goobta deg deg uga baxsaday raggii hubeysnaa ee dilka geestay. Labada nin ee la dilay ayaa mid kamid ah noola sheegay in uu horey uga tirsanaa kooxda Al Shabaab kana soo goostay, halka ninka…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay iyo maanta ay Al-Shabaab soo buux dhaafiyeen deegaano u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland. Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen agagaarka deegaanada Buulo-xaaji iyo Cabdalle Biroole oo dhaca galbeedka gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu yahay inay weeraraan deegaanadii ugu dambeeyay ee laga qabsaday oo ay kamid ah magaalada Buulo-xaaji. Sidoo kale waxaa dhaq-dhaqaaqan ka war helay ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland oo iyagana isku fidiyay aagga Kismaayo, si ay…
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay laga maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waa wayn ee deegaankaasi. dhacay Ceelasha, waxaana xigtay gubashada goobaha ganacsiga oo intooda badan gubtay. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu amray inay xiraan Caamirooyinka qarsoon ee CC TV. Xaalad kacsan ayaa weli ka jirta Ceelasha Biyaha, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo iyaguna baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi. Weerarka ka…
Ciidamada booliiska dalka Kenya, ayaa baadigoob ugu jira nin dilaa halis lagu tilmaamay oo dhawaan ka baxsaday saldhig booliis oo kuyaalla magaalada Nairobi, waxaana booliiska dadka ka codsadeen in ay lasoo wadaagaan xogta ninkan baxsadka ah. Collins Jumaisi Khalusha, ayaa ku eedeysan dilka 42 haween ay ku jirto xaaskiisa , waxaana ninkan oo ku socdeen baaritaanno dheeraad ah si farsameysan uga baxsaday xabsi uu ku xirnaayeen isaga iyo dad kale oo ajaaniib ah. Booliiska dalka Kenya ayaa xiray qaar kamid ah askartii iyo saraakiishii ilaalada ka heysay saldhiggii uu ninkan ka baxsaday, waxaana hadda booliiska wadaan howlgallo ay ku raadinayaan…
Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa ku amartay Xawaaladaha iyo Shirkadaha kale ee ganacsiga inaysan adeegyadooda u adeegsan karin magaca “Somaliland”, isla markaasna ay kaliya ku soo koobaan magaca Soomaaliya. Baraha internetka ee xawaaladaha sida Dahabshiil, Galaxy Tranfer, Pay sii iyo qaar kale marka ay tilmaamayaan goobaha ay ka howlgalaan waxay siyaabo kala gooni ah ugu xuseen Somalia iyo Somaliland. Arrintan ayaa ku soo beegantay xili saacado ka hor shirkadaha dayuuradaha Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines ay hogaansameen amar ka soo baxay dowlada Somalia oo sheegayey iney barahooda inernetka ka tiraan Somaliland oo ka mid ah goobaha ay ka howlgalaan ayna isticmaalaan…
Ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa ayaa ku cadaadinaya maamulka RW Netanyahu inuu qaato heshiis xabbad-joojin ah. Arrintan ayaa saraakiisha waxay la wadaageen xulafadooda Mareykanka, iyadoo sarkaal Mareykan ah uu u sheegay CNN inay xilli hore doonayaan ciidanka Israa’iil xabbad-joojinta inay dhacdo. Dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta waxay arkayaan cadaadiska militari ee Israa’iil iyo khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Netanyahu, taasna waxay u adeegsadeen hab ay sare ugu qaadaan weerarrada ay la beegsanayaan, iyadoo shalay tobannaan askari iyo dhaawac tiro kale ay ka dhasheen weerarro taxane ah oo iska caabinta ay ku qaadeen goobaha ciidanka Israa’iil ee gudaha Qasa. Isbitaallada Israa’iil ayaa…