Author: radiohalgan.com

Xulka qaranka Argentine ayaa si dirqi ah isaga xaadiriyay wareega 4 dhamaadka Copa America kadib markii ay garaaceen xulka Ecuador. Xulka qaranka Argentina ayaa ku guuleystay in ay rigoorayaal 4-2 ah kaga adkaadaan Ecuador, kaddib markii waqtigii caadiga ahaa ay ku soo idlaatay bar-baro 1/1. Xulka qaranka Argentina ayaa wajahay dhigooda Ecuador kulan ka tirsanaa wareega sideed dhamaadka Copa America 2024, garoonka NRG Stadium. Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Kevin Rodriguez ayaa goolka barbaraha u dhaliyay xulka Ecuador, kaddib markii uu madax ku dhaliyay gool. Xulka qaranka Argentina ayaa u suurta gashey in ay rigoorayaal…

Read More

Ilaalada xeebaha dalka Mauritania ayaa soo saaray meydadka 89 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni Isniintii  ku degtay badweynta Atlaantik. Sagaal qof oo ay ku jirto gabar shan jir ah ayaa la soo badbaadiyay, balse tobannaan kale ayaa la la’yahay. Dadka badbaaday ayaa sheegay in markabka yar ee ay la socdeen uu ahaa doon kalluumeysi oo todobaadkii hore ka soo shiraactay xadka u dhexeeya Senegal iyo Gambia. Doontaasi waxaa saarnaa 170 qof ,iyadoo ku qallibantay xeebta koonfur-galbeed ee Mauritania. Mauritania ayaa ah marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee isku dayaya in ay Yurub uga…

Read More

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan dagaal saaka waaberigii ka dhacay degaanka Goofgaduud Buurey oo ku yaala duleedka magaalada Baydhao ee Gobolka Bay. Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogag katirsan Kooxda Al-Shabaab ay weerareen Saddex Saldhig oo Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin degaanka Goofgaduud. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay si weyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana gudaha degaanka uu si weyn uga dhacay dagaalka. Saraakiil katirsan laamaha Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay iska difaaceen  weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen, hayeeshee Al-Shabaab oo weerarkaasi ka hadlay ayaa…

Read More

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray Shirka Madasha Barnaamijka Xasilinta & Soo kabashada oo diiradda lagu saarayay deegaannada laga saaray Al-shabaab. Shirkan oo Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-U heshiinta Galmudug. Madaxweynaha ayaa si kooban u qiray horumarka iyo howlaha hortabinta leh ee ka socda dhammaan deegaannada la xasiliyay ee kol hore laga xoreeyay Al-shabaab, isagoo sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu xoreynayo deegaanada Galmudug dib loo bilaabayo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xubnaha Beesha Caalamka inay sare u qaadaan Kaalmada…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta khudbad u jeediyay baarlamaanka dalkiisa ayaa wuxuu qeybo kamid ah uga hadlay xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya ee salka ku haysa is-afgaradkii ay la galeen Somaliland. Abiy ayaa wuxuu sheegay in laga maarsami karey dagaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ku qaaday Itoobiya, isaggoo ku tilmaamay “mid aan loo baahneyn” sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn in Soomaaliya ay ku wareegto dalalka deriska iyo kuwa kale, iyadoo ka dacwoonaysa fara-gelinta Itoobiya ku hayso midnimada Soomaaliya.…

Read More