Author: radiohalgan.com

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž, ๐จ๐จ ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ˆ๐ฌ๐ข๐ฆ๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ #Laascaanood, Sabti, 12 Abriil 2025: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada #SSC-Khaatumo. #Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka, isaga oo ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa heyโ€™addaha dowladda ee bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Isimada…

Read More

Warar aan ka helnay Golaha #Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Gaariga loo yaqaano hoomeyda oo kasoo Xawaareey tuullada Bur-dacaar kuna soo wajahnaa Muqdisho ayaa miino ku heleeshay wadada isku xirta deegaannada Xaaji Cali iyo Geel-gub. Sida Radio Halgan u Xaqiijiyeen Ilo-wareedyo Deegaanka ah,Dad Shacab ah oo Caasimadda dan ka lahaa ayaa halkaasi ku dhamaaday xilli Miinnada ay si xun u haleeshay Gaariga ay saarnaayeen sida Dadka deegaanka ay sheegeen. Dhimasho dad gaaraya 5 ayaa la wariyay halka dhaawaca tiradaad uu ka badanyahay waa sida laga soo xigtay Ehelada Dadka waxyeeladu ay gaartay..

Read More

Waxaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday deegaanka Cadow-dibiley ee gobolka Shabeellaha Hoose Taliyihii Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Marxuum Nuur Maxamed Gabow (Nuur Farey), ka dib markii lagu weeraray halkaas. Wararka la helayo ayaa sheegaya in taliyaha lagu dilay rasaas uu furay qof ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda, xilli uu kasoo baxayey goob uu ka daganaa deegaankaas. Cadow-dibiley ayaa ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Laanta Buuro. Marxuum Nuur Farey ayaa hoggaaminayay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab oo mudooyinkii u dambeeyay ka socday gobolka Shabeellaha Hoose. Masโ€™uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in wali aysan…

Read More

Xildhibaan Faaโ€™isa Maxamed Jeyte oo xubin ka ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kahor timid goโ€™aanka Guddoomiye Aadan Madoobe uu ku shaaciyay in xubinnimada Golahaas uu waayay Cabdullaahi Xaashi Abiib. Faaโ€™isa ayaa sharci darro ku tilmaamtay warqadda Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyada oo intaas ku dartay in aanay waafaqsanayn shuruucda Dalka sida Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka. โ€œWarqadan oo uu soo qoray gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya waa sharci daro mana waafaqsana shuruucda dalka u taala oo ah dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha shacabkaโ€ย ayay tiri Xildhibaan Faaโ€™isa Maxamed Jeyte. โ€œGudoomiyuhu xaq uma laha in uu…

Read More

Madaxweynaha Panama, Jose Raul Mulino, ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo sheegay in Mareykanku uu โ€œdib u qabsanayoโ€ kanaalka Panama. Hadalkan ayaa yimid kadib markii Trump uu ka hor sheegay xubnaha Kongareeska Mareykanka in ay bilaabeen sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen maamulkii kanaalka Panama si loo xoojiyo amniga qaranka Mareykanka. Jose Raul Mulino, oo hadalkiisa ku baahiyay bartiisa X, ayaa sheegay in kanaalka Panama ay dadkiisii joogaan, aysana jirin wax dib loo celinaayo. โ€œWaxaan ku gacan seyrayaa, aniga oo ku hadlaya magaca Panama iyo dhammaan shacabka reer Panama, gardarradan cusub ee…

Read More

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Yusuf Dabageed iyoย Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabduqaadir Awbakar (Dhagaweyne) Gudomiyaha Degmada Moqokori Maxamed Cabdi Macoow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane Mukhtaar Maxamed Janaqoow, ayaa maalintii saddexaad ku sugan furimaha hore ee dagaalka. Wafdigan sare ayaa maanta booqday deegaannada Cadoow Gureey iyo Xaawa Gadiid, iyagoo dhiirrigelin u muujiyay ciidamada geesiyaasha ah ee difaacaya shacabka. Ciidamada Qaranka iyo Macawiisleyda ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkii Khawaarijtu kusoo qaadeen Cadoow Gureey, iyagoo cadowga gaarsiiyay jab culus. Madaxweyne ku-xigeenka, Xildhibaan Dhagaweyne, Gudoomiye Maxamed Cabdi iyo Agaasime Janaqoow ayaa bogaadiyay guulaha…

Read More

Wararka ka imaanay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe, ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ku sugnaa duleedka deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka dhex maray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, ay jiraan khasaaro isgu jiro Dhimasho iyo Dhaawac; iyada oo ay dagaalka qeyb ka ahaayeen ciidamada circa oo duqeyn xagga cirka ah adeegsanayay. Sidoo kale, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka balse wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare xoog leh la gaarsiiyay…

Read More