Author: radiohalgan.com

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo laga qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sida ay ogaatay Radio Halgan oo waxaa mas’uulkan xiray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda oo watay laba gaari, waxayna ka kaxeeyeen garoonka Aadan Cadde. Cabdifitaax ayaa kahor inta aan la xirin kusii jeeday magaalada Beledweyne, balse waxaa laga hor istaagay safarkiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu goor sii horeysay soo saaray. “Anigoo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Abdifatah Hassan Afrah waxaan saaka ku socday safar aan ku aadayay magaalada Baladweyne ee…

Read More

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaarey mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Difaaca, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Mas’uuliyiin kale. Xubnahan ayaa Madaxda Dowladda Federaalka kala hadli doona joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, xilli uu billaawday howlgalka AUSSOM. Dowladda Itoobiya ayaa ku dadaaleysa in ciidamadeeda ay sii joogaan gudaha Soomaaliya, si ay uga mid noqoto howlgalka AUSSOM. Itoobiya ayaa ku andacooneysa in joogitaanka Soomaaliya ay xaduudka ka difaacdo weeraro uga yimaada AS. Safarka Wafdigaan ay magaalada Muqdisho ku yimaadeen ayaa ku soo aadaya xilli hore dowladda Soomaaliya ay Itoobiya kaga reebtay howlgalka AUSSOM.

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay habkii uu dhacay heshiiska lagu xalliyay xiisadda kala dhaxeysay Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka shaqeysay sidii Itoobiya uga tanaasuli laheyd, dhammaan qoddobadii la isku hayay sida heshiiskii Somaliland. “Arrintii nagala dhaxeysay Itoobiya waxaa lagu xaliyay dulqaadka Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabo, madama ay dhulkeeni nagu qabsatay, diblumaasiyadda waa wada hadal” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya xilli bartamaha bishii hore ee Decembar ay heshiis gaareen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisaddii ka dhalatay isafgaradka Somaliland.

Read More

Ivory Coast ayaa noqday waddankii ugu dambeeyay ee Afrikaan ah ee ku biira ololaha Faransiiska looga eryayo qaaradda Afrika. Todobaadyo gudahood dalalka Senegal iyo Chad ayaa ku amray ciidamada Faransiiska in ay ka baxaan dhulkooda, Ivory Coast waxay Faransiiska ku amartay in ugu dambeyn uu ka baxo dalkaasi wixii ka dambeeya 1-dii Janaayo. Dalalkan ayaa sheegay tillaabadani la xiriirto ilaalinta madax-banaanidooda, sharaftooda iyo iska fogeynta gumeystihii Faransiiska. Sanado gudahooda, ugu yaraan lix waddan ayaa weydiistay Faransiiska inuu la baxo askarta: Ivory Coast, Chad, Senegal, Burkina Faso, Mali, iyo Niger. Mar haddii Faransiisku ka baxo dalalkan, raadadka ciidan ee uu ku…

Read More

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jamaac, ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashandhigga; isaga uu halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaasaahndhigga Cabdiqaadir Maxamed Nur iyo saraakiisha sare ee wasaaradda. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda, iyaga oo ka warbixiyay halka uu marayo tababarka, qalabeynta ciidamada, iyo caqabadaha ku hor gudban dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka. “Wasaaradda Gaashaandhiggu waa tiir muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya oo nabad iyo horumar leh. Ciidamada qalabka sida waa halyeeyo u taagan difaaca sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Salax Jaamac. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa…

Read More

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa musuq maasuq ku eedeeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdi Warsame Maalin. Jeneraal Odowaa ayaa soo saaray dikreeto uu ku reysteeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee xoogga dalka, waxaana ku bilowday baaritaan ka dhan ah musuqa lagu eedeeyey. “Laga bilaabo maanta, S/Guuto Cabdi Warsame Cismaan Maalin, wuxuu reysto ku yahay gurigiisa, ilaa inta laga dhameynayo baaritaanka ku bilaabanaya kiiskiisa,” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska Taliyaha Xoogga oo Warbaahinta ay heshay. Taliye Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaankaan uu wada…

Read More