Author: radiohalgan.com

Ciidanka Israaiil ayaa laga diiwaangeliyay tacadiyo kala duwan oo ay ka gaysteen dhulka Falastiin, warbixinnadii ugu dambeeyay ee laga daabacay waxaa kamid ahaa in Askarta Yuhuudda ay jirdil xooggan u gaysteen Dad rayid ah oo qaarkood ay ka qabteen Daanta-galbeed. Qaar kamid ah Dadka ay dhibaatadu u gaysteen militariga Israaiil ayaa sheegay in ciqaab darran la marsiin jiray muddadii ay gacanta ugu jireen ciidamada cadawga ah ee Yuhuudda waxaana ay tilmaameen in muddo u dhaxaysa 30 cisho ilaa 50 maalmood gacanta ay ugu jireen ciidamadaan. Xubnaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in qaarkood Dadkaan uu ka muuqdo jirdilka arxan-darrada…

Read More

415 Milyan oo Doollar ku kharash-garayso casriyaynta Nidaamka Gantaallaha ee ay Ciiddanka Badda ee Boqortooyada Britain u adeegsadaan inay ku soo ridaan Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada ku qaada maraakiibtooda maraya Badda Cas. Wasaaraddu waxay intaa ku dartay bayaan ay soo saartay in nidaamka difaaca hawada ee loo yaqaano “Sea Viper” lagu cusboonaysiin doono madaxyada ku rakiban gantaallada iyo barnaamij ka caawin doona inay ka hortagtagaan hanjabaaddaha gantaallaha balaastiga-ga. Hirgelinta casriyeyntan waxaa qandaraas la galay shirkadda ingiriiska ee MBDA. Bayaanka Wasaaradda Difaaca ayaa lagu yiri “Markay xaaladda Bariga Dhexe ka sii darayso, waxaa lama huraan ah in aan la…

Read More

Jarmalku wuxuu fududeeyaa sharciyada dhalashada; in hadda loo ogolaado ajaanibka dalka ku sugan in ay ku qaataan baasaboor Jarmal ah muddo saddex sano ah Jarmalku waxa uu ansixiyay Dib-u-habaynta Sharciga Jinsiyadda ee looga dan leeyahay is-dhexgalka iyo soo jiidashada shaqaalaha xirfadda leh Talaabada muhiimka ah, sharci-dajiyayaasha Jarmalku waxa ay u codeeyeen 382-234 jimcihii si ay u ansixiyaan sharci dejinaya shuruucda helitaanka jinsiyadda oo meesha ka saaraysa xannibaadaha laba dhalasho. Soo jeedinta, oo ay u ololeeyeen isbahaysiga xornimada bulsheed ee Chancellor Olaf Scholz ee bidix-dhexe, ujeedadiisu tahay in la wanaajiyo is dhexgalka muhaajiriinta iyo fududaynta qorista shaqaale xirfad leh. Sidoo kale Akhri…

Read More

Israa’iil ayaa abuurtay oo maalgelisay” Xamaas” ayuu yiri dublamaasiga sare ee Midowga Yurub Diblumaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa Jimcihii sheegay in Israel ay abuurtay oo ay maalgeliso Xamaas si ay u wiiqdo awoodda maamulka Falastiin ee uu hoggaamiyo xisbiga Fatax. “Xamaas waxaa maalgelisay dawladda Israa’iil si ay isugu daydo inay wiiqdo maamulka Falastiiniyiinta ee Fatah,” ayuu yiri Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga khudbad uu ka jeediyay Jaamacadda Valladolid ee Spain. “Waxaan aaminsanahay in laba dawladood oo ah [Israa’iil iyo Falastiin] ay tahay in xalka kaliya ee nabad lagu heli karo, xitaa…

Read More

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in ay ka baxayso urur goboleedka bariga Afrika ee IGAD, kadib shirkii IGAD ee maalin ka hor ka dhacay dalka Uganda, kaas oo Soomaaliya ay codsatay in la qabto, si looga wadahadlo damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya. Markii laga hadlay arrinta Soomaaliya iyo Itoobiya, shir guddoonka IGAD oo ahaa maxaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu miiska soo saaray arrinta dalka Sudan oo cagaha la galay colaado sokeeye. IGAD ayaa isku dayday in wada xaajood laga yeesho, si loo dhameeyo dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdegga ah ee ka soo horjeeda. Khamiistii…

Read More

Madaxweynihii Koowaad ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullahi Cosoble ayaa Yiri Nabadoonka hubaa inuu ka soo bixi karo mas’uuliyaddaa aadka u ballaaran. Waa nin miyi iyo magaalo ku matali kara beesha Waxaan soo dhaweynayaa soo jeedinta Besha Xarum Cali ee ah in Nabadoon Cabdi Farax Sharrawe laga dhigo Nabadoonka Guud ee beesha Cali Madaxweyne. Waan hubaa inuu ka soo bixi karo mas’uuliyaddaa aadka u ballaaran. Waa nin miyi iyo magaalo ku matali kara beesha. Talada ha loo celiyo dadkii isku tolay Cali Madaxweyne.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar. Shiiqa iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee kadhan ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Sidoo kale kulanka Madaxweynaha iyo Shiiqa waxaa la isaga warsaday xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar ee ku yaalla dalka Masar. Madaxweyne Xasan ayaa Shiiqa u sharaxay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada. Sidoo…

Read More

Isu-duwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlad goboleedka Hirshabelle ee gobolka Hiiraan Mudane Cawil Maxamed Jabriil ayaa safar howlo shaqo ah ku gaaray degmada Feer-Feer ee gobolka Hiiraan. Socdaalka Isu-duwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha gobolka Hiiraan Mudane Cawil Maxamed Jabriil ayaa salka ku haaya u kuur galka xaaladaha dhanka biyaha Feer-Feer iyo deegaanada ku teedsan. Isku duwaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda biyo la’aan ah oo heysa qoysaska ku nool degmada Feer Feer sida Sariiraale iyo deegaanno kale oo dadka iyo duunyada xaalad biyo la’aan ah heysato,isku duwaha ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta…

Read More

Ururka Midowga Afrika oo ka duulaya dajinta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay, si loo qaboojiyo xiisadda labada waddan ee ka dhalatay heshiiska badda. Midowga Afrika ayaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo u magacaabay inuu madax ka noqdo wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya. Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay Olusegun Obasanjo uu hoggaamin doono dadaallada la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac. “Si looga hortago sii hurinta xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa qaaday tallaabo waxayna ka codsadeen Madaxweynihii hore…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta taliye cusub u magacoway guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, kadib markii dhowaan lagu dilay taliyihii guutadaas, Cabdi Maxamed Suulnuug, kaas oo ku dhintay dagaalka Mudug. Taliye ku xigeenka cusub ee guutadan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi), kaas oo beddalaya AUN taliye Suulnuug. Xasan Ciraaqi ayaa magacaabistiisa kadib booqasho ugu tegay ciidanka guutada 18-aad ee Gorgor, isaga oo kula dardaarmay inay laba jibaaraan howsha u hayaan qaranka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay shaqada halkeeda kasii socon doonto, ayna wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda…

Read More