Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Odayaal mucaaraday dowladda Madaxweyne Xasan oo xabsi Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in xabsi la dhigay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaasi, kuwaa oo shalay warbaahinta la hadlay eedeyna u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh. Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland, ayaa baahiyay in ciidamo ka amar qaata maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh in xabsiga dhigeen odayaashan kahor yimid qorshaha dowladda Jubbaland uga jareyso gobolka Gedo. Odayaasha xabsiga la dhigay, ayaa si adag uga dhiidhiyay sida dowladda Soomaaliya ula dhaqmeyso maamulka Jubbaland iyo qorshaha gobolka Gedo uga jareyso maamulka Jubbaland, waxa ayna caddeeyeen odayaasha…
Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa la qorshaynayaa in si rasmi ah loogaga dhawaaqo urur… Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa la qorshaynayaa in si rasmi ah loogaga dhawaaqo urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbigii hore UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la balaariyey ayaa la qorsheeyay in lagu dhawaaqo Toddobaadkii hore, balse wuxuu u baaqday Khilaaf ka dhashay awood qeybsiga xilalka sare ee ururkaan. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo horay uga biyo diidey saami qaybsiga xilalka sare ayaa wararku sheegayaan in lagu…
#TACSI إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ Waxaa hada iso gaartay Geerida Allah ha u naxariste Adeer Abdikadir Aadam Geddi. (cantoob) #Allah ha u naxaristo Qabrigiisa Allah u waasiciyo Waxaan Ilaahay uga baryeynaa marxuumka inuu dambigiisa dhaafo, Jannatul firdowsana ka waraabiyo Amiin. Dhaman Ehelka ugu horeeyan Reer Aadam Mire iyo qaraabo samir iyo iman ebbe ha inaga wadasiiyo #Waxoow kamid ahaay Saraakiishii Booliska #Soomaaliyeed waxa badan u soo shaqeeyay #Dalka #Korneel Cantoob Aadam mire
Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Ururla Bulshadda Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire Stephen Mbundi. Labada mas’uul ayaa wadahadalkooda diiradda ku saarey dardargelinta iyo xiriirka labada dowladood gaar ahaan dhaqan-gelinta is-afgaradyadii labo geesoodka ah er dhowaan kala saxiixdeen labada dal. “Waxaan kaloo isla gorfeynaya ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Tanzania. Waxaan ku bogaadinayaa Danjire Stephen mudnaanta uu u muujiyay qodobkan iyo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania ay ku hirgelin doonto…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada iyo horumarka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada iyo dib-u-dhiska, Waxa uuna carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda “Tobannaankii sano ee la soo dhaafay Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya, hadal kaliya ma ahayn balse ficil,…
Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne. Munaasabadda saxiixa dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne waxaa ka sugnaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Wehliye, Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo gobolka Hiiraan Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle, Guddoomiye ku xigeenka Howlgaha guud ee Maamulka gobolka Hiiraan Cabdi xuuf, Guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow. Mashruucan oo uu maalgalinayo Bangiga aduunka waxaa helistiisa soo dharan dhariyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye iyo Mayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin. Labada Kambani ee qaatay dhismaha…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Alle u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Ugaas Cabdullaahi, uu ka mid ahaa tiirarka muhiimka ah ee waqtigooda galiyey ka shaqaynta nabadda iyo xasilloonida ummadda Soomaaliyeed, laguna xasuusan doono halgankiisii dowlad-dhiska Soomaaliya. “Ugaas Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay dhaqanka, nabaddeynta iyo midnimada bulshada. Wuxuu ahaa hoggaamiye bulsho, codkiisana ugu hiilin jiray nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladimada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Mudane Xamsa, ayaa qoyska, ehelka, iyo…
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah Aqalka Martida ee magaalada… Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah Aqalka Martida ee magaalada Kismaayo uga furay Shirweynaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubaland. Shirkan muhiimka ah ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada ilaalinta deegaanka, kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada, iyo la tacaalidda saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka deegaanka ee ka jira Jubaland ay salka ku hayaan ficillo ay kamid yihiin: •…
Dab xoogan ayaa goor dhow ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha Sida wararku sheegayaan dabkaan ayaa qabsaday dukaamo iyo bakhaaro ku yaala qeybta daawada. Waxaa socda gurmad la doonayo in dabka lagu damiyo lamana oga waxa sababay in dabkaan uu kaco. Wixii kusoo kordhan halkaan kala soco haddii Eebbe idmo
Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Guutada 8-aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday tuulooyin hoos yimaada deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Hawlgalladaan ayaa oo ah kuwa qorshaysan ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo fariisimo ay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ku lahaayeen duleedka deegaankaasi. Saraakiisha hormuudka u ah ciidanka hawlgalka fulinaya ayaa sheegay in weerarka lagu dilay tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwa kalena ay goobta ka firxadeen. Waxa ay sheegeen in hawlgalladaan lagu burburiyey fariisimo muhiim…