Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Shiv iyo walaalaha Hemant, waxay ahayeen 19 sano jir iyo 16 sanno jir markay Guyana ka tageen aadeenna Canada 1982dii. Markaas waxay ka tageen midka mida wadamada uga faqiirsan adduunka, iyagoo talaabo raacaya kumanaan dhallinyaro ah oo nolol wanaagsan raadinaya. Waqooyiga Ameerika, waxay taageereen qoysaskooda door muhiim ahna ka ciyaareen noloshooda waxayna sameeyeen xirfad ayku ganacsadaan dhismaha guryaha iyo qaybta maalgelinta. Sanadkii 2021, oo ku beegan markii ay 39 sanno ka hor ka tageen Guyana isla jidkii ayay dib usoo qaaden iyagoo guryo noqod ah. “Waxay ahayd wakthigii aan dib u noqon lahayn”, Shiv Misir, ooh adda 60 sanno jir…
Waxaa maalmihii ugu danbyey si weyn u soo xoogaysanayey Appab kala duwan ee nooca dhijitalka ah ama hababka onlineka ee lacagaha lagaga shaqeeyo oo Soomaali badan looga dhacay lacago kala duwan kuwaas oo loo sheegay horraan inay helayaan faa’iidooyin badan muddo kooban. Aaladdahan waxaa ka mida ‘CJ ONSTYLE’, TRADEBOT’, 2139 Exchange iyo kuwa kale oo dad badan oo Soomaali ah ay ka cabanayaan in lacago looga dhacay. Daahir Axmed Kulmiya oo aqoon durugsna u leh lacagaha dhijitaalka ah ayaa BBC-da u sheegay in inta badan aaladanahan ay adeegsadaan dad si farsamaysan u dhaca dadka nugul ee doonaya inay si deg…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un siiyay gaari nooca raaxada ah oo uu Ruushka sameeyay isaga oo u guddoonsiiyay qaab hadiyad ahaaneed. Warbaahinta dowladda Pyongyang ayaa sheegtay in gaadiidkan raaxada ah ee nooca limousine-ka ah la gaarsiiyay guddomayaal ka socday Kim axaddii. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa markii dambe xaqiijiyay hadiyadda, isagoo sheegay in ay ahayd nooca raaxada oo dhameystiran oo ah nooca uu isticmaalo Mr Putin laftiisa. Labada dal ee ka go’doonsan qaybo badan oo caalamka kamida ayaa xiriir dhow yeeshay tan iyo markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine. Kuuriyada Waqooyi ayaa loo…
Transfermarkt ayaa soo bandhigtay ciyaartoyda ugu qiimaha badan ee haatan ciyaaraya wareega 16ka Champions League ee sanadka 2024. Liiskan waxaa ugu sarreeya xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Jude Bellingham, mashiinka goolka Man City Erling Haaland iyo xiddiga PSG Kylian Mbappe. Dhammaan saddexda xiddig ee qaab ciyaareedka fiican ku jira waxaa lagu qiimeeyaa €180m. Ciyaartoyga Arsenal Bukayo Saka (€120m), kan Bayern Jamal Musiala (€110m) iyo laacibka sannadka Afrika ee Victor Osimhen (€110m) ayaa dhammaystiray shanta xiddig ee ugu sareeya. Xiddiga kooxda Barcelona ee Gavi oo lagu qiimeeyay 90 milyan oo euro ayaa ah xiddiga kaliya ee Barcelona kaga jira. Da’yarka…
Jose Mourinho ayaa magacaabay kooxda uu jeclaan lahaa in ay ku guulaysato champions League xilli ciyaareedkan. Tartanka champions League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo la ciyaaray qayb ka mid ah kulamada wareega 16-ka tartanka champions League. Mourinho ayaa sheegay in uu filayo in midkood Man City ama Real Madrid ay ku guulaysan doonaan tartanka champions League xilli ciyaareedkan. “Champions League midkood Man City ama Real Madrid ku guulaysato tartanka champions League xilli ciyaareedkan”ayuu Jose yidhi. “Hadii ay koox aan labadaas koox aan ahayn ku guulaysato champions League waan yaabi doonaa”ayuu sii raaciyay. “Waxaan jeclaan lahaa in Real ay…
Taageerayaasha Arsenal ayaa laga yaabaa in ay si weyn u farxeen markii ay ku aadeen Fc Porto wareega 16-ka tartanka champions League. Dhinaca magaca, kooxda reer Portugal ayaa ka mid ahayd kooxaha jilicsan ee ku hadhay tartanka marka la eego xaqiiqada ah in ay 7 dhibcood ka dambayso hogaanka horyaalka Portugal Benfica oo wareega Group-yada kaga hadhay tartanka waxana ay muujinaysaa in ay Arsenal si dhib yar ugu gudubto wareega 8 dhamaadka. Si kasta ha ahaatee Fc Porto ayaa leh khibrad weyn oo champions League ah waxana ay haystaa xiddigo badan oo fiican waxana ay aamini karaan fursadooda u gudbista…
Maraykanka ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u soo jeediyay qaraar qabyo ah oo ku baaqaya xabbad-joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Qasa Qaraarka ayaa sidoo ka diga in Israa’iil ay duulaan ku qaado magaalada Rafax oo boqolaal kun oo reer Falastiiniyiinta gabaad u ah xiligan. Mareykanka ayaa horay uga fogaaday ereyga “xabad joojin” intii lagu jiray codbixintii Qaramada Midoobay ee dagaalka, laakiin madaxweyne Joe Biden ayaa isna faallo la mid ah jeediyay. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu diido qaraar kale oo qabyo ah – oo ka yimid Aljeeriya kaasoo oo ku baaqaya xabbad-joojin bini’aadannimo…
MUQDISHO — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyey doodda cutubka koowaad ee dastuurka iyo qodobada lasoo jeediyey in la beddelo ama la saxo.Xildhibaannada ayaa la filayaa inay toddobaadkan dhammaadkiisa u gudbaan cutubka labaad. Haddaba waxaa noo suurtogashay inaan waraysanayo Senetor Sareedo Maxamed Xasan Jeyte oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare.Haaruun Macruuf ayaa ka waraystay aragtida haweenka xildhgibaannada ah iyo qodobada laga dooday iyo kuwa soo socda.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Imaam Masaajid oo Axadii lasoo dhaafay lagu dilay xaafada Belmont Walk ee magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska. Imaamka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Fu’aad Xasan Yaasiin, kaasoo da’diisa lagu sheegay 64 sano jir, islamarkaana caan ka ahaa magaalada Cardiff iyo nawaaxigeeda. Dilka Imaam Fu’aad Xasan oo la sheegay inuu dhacay xili uu kasoo baxay Masaajidka ayaa loo soo xiray qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkiisa oo 38 sano jir ah sida ay Booliiska magaaladaasi sheegeen. Alle ha u naxariiste marxuumka ayaa la tilmaamay inuu ahaa qof samafale oo naxariis badan, islamarkaana…
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray maalinta berito ah labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulankii maanta ee labada Aqal ka hor sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxakuud uu berito hor imaan doono labada gole, islamarkaana uu kala hadli doona xaaladda guuud ee dalka. “Mudanayaal waxaan idin ku wargelinaya in beri oo Arbaco ah aad soo wada xaadirtaan kulan deg deg ah oo uu soo dalbaday madaxweynaha oo sida Dastuurka uu qabo soo dalban kara mar walba inuu isugu yeero labada Aqal, kulanka…