Author: radiohalgan.com

Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u muujiyay aragti dhiirrigelin u eg oo ku aaddan musuqmaasuqa, kadib hadal uu si toos ah ku difaacayay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar Roobow Cali, oo lagu eedeeyay musuq hanti dadweyne. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta yiri: “Wasiir Mukhtaar Roobow lacag ayuu dhacay, hebel iyo hebel ayuu u dhiibtay. Wasaaradda qeylo badan ayaa isoo gaartay, waxaan dhahay Wasaaradda sow isaga masuul kama ahan.” Hadalkan wuxuu tilmaamayaa in Madaxweynaha uu si bareer ah u qiray eedeymaha musuqmaasuqa, balse uusan qaadin wax tallaabo ah oo sharci ah. Sida uu dhigayo dastuurka dalka iyo hab-maamulka…

Read More

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo kooxda Khawaarijta ayaa xogeestay waxaa jab xoogan la gaarsiiyay Khawaarijta, ayada oo hub badan laga furtay. Dagaalka intiisa badan waa lagu jibiyay Cadawga Godad aay ku jiraan Saakay ayaa laga saaray hada xabadu waxeey ka socotaa dhul howd ah oo dhinac ka xigo deegaanka Tawakal oo u dhaxeeya degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Matabaax. deegaanka Tawakal waxaa ku sugan Ciidan macawisleyd ah oo aaga Koofureed Saakadii hore ku jibiyay cadawga Hub ka furtay. Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Wasiirka…

Read More

Ciidamo iyo gaadiid dagaal uu hoggaaminayo Col. Isaaq Cali Cabdulle, islamarkaana ka socda beesha Jijeele, oo ah gurmad garab istaag ah oo ku wajahan dagaalka xaqa ah ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, ayaa goordhow gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Ciidankaasi oo ah hordhac ay beesha Jijeele ku garab istaagayso beesha Xawaadle ee ku jirta dagaalka xaqa ah, ayay sidoo kale beeshu ku wareejin doontaa raashin iyo xoolo nool ciidanka ku sugan jiidaha ay beesha Jijeele la garab taagan tahay walaalahooda Xawaadle. Beesha Jijeele, oo horey dhulkeeda uga saartay argagixisada toban sano kahor, ayaa noqoneysa beesha kaliya…

Read More

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo kooxda Khawaarijta ayaa ka socda duleedka deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo aad u xoogan ayaa yimid kaddib markii geesiyaasha Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle aay ka hortageen dhagarta xubno Khawaarijta kamid ah oo isku aruursanayay deegaan ku dhow Ceel-Hareeri. Khawaarijta jab xoogan ayaa lagu gaarsiiyay dagaalka socda geesiyaasha Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle kaabiga ku haaya Degmada Aadan-Yabaal. Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Xukumadda Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore Xildhibaanada kala ah Xildhibaan…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Demartino si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee geesiyaasha Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Kahwaarijta. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada halyeeyadan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, kana go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin. “Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab…

Read More

Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Turkiga. Xubnaha Guddiga Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal u qaabilsan saaxiibtinimada Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa ayaa doortay Guddoomiyaha cusub cusub ee guddiga ka dib markii gudoomiyihii hore ee guddiga uu xilkaasi iska casilay. Doorashada oo ku dhacday hab gacan taag ah, waxa ay xubnaha guddiga guddoomiyaha guddiga u doorteen Xildhibaan Qaali Cali Shire oo markii la doortay ka dib xubnaha guddiga uga mahadcelisay sida ay kalsoonida u siiyeen, iyada oo balan qaaday in ay xooga…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa gordhow gaaray furimaha dagaalka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad oo soo gaba gabeeya howlaha nabadeynta beelo walaalo oo uu muddo 10 cisha ah uu u jiray degmada Matabaan ayaa gudoomiye Muuse oo wata gaadiidka dagaal oo dhan 20 ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka degmada Moqokori. Argagixisada AS oo markii aay maqashay cududa ciidan ee furimaha dagaalka uu la yimid Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad waxa aay Argagixisada bilaabeen in aay isku diyaariyaan in aay isaga cararaan deegaanada u dhaxeeya Aadan Yabaal iyo Moqokori…

Read More

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu indhaha ku hayaa sida ay madaxda dowladdu masuuliyad isaga saaraan gurmadka iyo garab istaagga dagaalka ay kooxda argagexisada AS ku qaadeen degaannada beesha Xawaadle. Waa dagaal jiritaan, argagexisadu waxay doonayaan in ay jebiyaan adkaysiga iyo ruuxda dagaal ee beesha, iyagoo kaga aargudanaya in horay uu jebiyeen haybadda iyo burjiga dagaal ee argagexisada. Dowladdu waa in ay gurmad ciidan, oo degdeg ah, saad iyo saanad la garab istaagtaa dagaalka. Waxaan boggaadinayaa isku tashiga degaanka, waxaana ku dhiirragelinayaa in ay abaabulka laban-laabaan, akoonno taakulo furtaan, si ay shacabka Soomaaliyeed uga qaybqaataan. Waxaan ugu baaqayaa degaananda iyo…

Read More

Hal qabiil ayaa ku baaba’aya dagaalka Alshabaab lagula jiro waana beesha degto gobolka Hiiraan. Dhiig-baxa kusocda macawislayda Hiiraan, waxuu noqday mid lagu fiirsaday dagaalka, dowlada iyo dadyowga kale ee ladaganba, tusaale, shalay oo kaliya, 56 wiil ayaa dhintay, maalin kasiihoraysayna 67 ayaa god-gashay oo labud-dhigay, dhaawacu waa 109. Ogow waxa xabada kooxda AS wajiga udhiganaya, waa hal reer, waa afarta Samatalis, oo sadaxdii sano ee lasoodhaafay kunaf iyo xoolo waayay. Maanta xabad aan ahayn tan Xawaadle, kooxda AS kuma socoto. Kow iyo tobonka gobolka ee ay AS kahowlgalaan, meesha kaliya ee ay rasaastu kadhacayso waa furimaha macawisleyda Hiiraan. Dal ba’aow…

Read More