Author: radiohalgan.com

Mas’uuliyiin Sare oo Booqday Furimaha Hore ee Dagaalka Duleedka Degmada Aadan Yabaal Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe), Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Hirshabeelle, Taliyaha Guutada 5aad G/le Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay), iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqasho ku tegay furimaha hore ee dagaalka ee ku yaalla duleedka degmada Aadan Yabaal. Mas’uuliyiinta ayaa kormeeray difaacyada Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga Deegaanka, iyagoo halkaas kula kulmay saraakiisha iyo ciidanka ku sugan jiidaha hore, si ay ugu dhiirrigeliyaan dadaallada ay ugu jiraan xoreynta deegaannada ay wali ku sugan yihiin kooxaha argagixisada ah. Booqashadan ayaa qayb ka…

Read More

Fadeexad weyn oo ka dhalatay gargaar daawo ah oo SODMA geysay gobolka Hiiraan Waxaa ceeb iyo fadeexad weyn ka dhalatay gargaar daawo aheyd oo maalin ka hor degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan uu geeyay gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Guddoomiyaha SODMA oo hadal koobna ka jeediyay maalin ka hor munaasabad uu ku wareejinaayay gargaarkaan oo ka koobna dhowr iyo toban kartoon ayaa sheegay iney ku jiraan daawooyin tayo leh oo loogu talo galay ciidanka Macawiisleeyda ee dagaalka kula jira Al-shabaab. “Waxaan idiin keenay daawo tayo sare leh oo loogu talo galay…

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, iyagoo kulankooda ku soo beegmay toddobaadyo kadib markii uu dhacay dagaal dhexmaray Pakistan iyo Hindiya. Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tamarta iyo gaadiidka. Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay in Turkiga iyo Pakistan ay wadaagaan xiriir qoto dheer oo ka xiriira dhinacyada waxbarashada, isdhaafsiga sirdoonka, iyo tiknoolajiyadda. Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Hindiya ay cambaaraysay Turkiga oo ay ku eedeysay inay hub siisay Pakistan, balse Xukumadda Ankara ayaa beenisay eedahaasi.

Read More

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa maanta safar rasmi ah ku tagaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee uu madaxweyne Ciro ku tago dal dibadda ah tan iyo markii uu xilka la wareegay. Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska madaxtooyada ayaa sheegay in safarka uu salka ku hayo xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Madaxda Kenya. Safarkaan ayaa Mr Cirro waxaa ku wehlin doono xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo Madaxa Kenya kala hadli doono xiriirka labada dhinac. Hore Madaxweyne Cirro wuxuu hore u tagey…

Read More

Madaxweynahii hore ee dalka oo si adag uga hadlay xarig maanta Muqdisho loogu geystay ilaa 8 Wariye Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni iyo cadaadiska saxaafadda ee la xariira caburinta xorriyadda hadalka ee ka jirta Muqdisho. Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay xarig maanta Muqdisho ugu geysatay dowladda Fedaraalka ilaa sideed Wariye, isagoo talaabadaasi ku tilmaamay ficilo lid ku ah dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliya. “Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda waa tiir muhiim ah oo dowlad kasta ay ku dhisan tahay. Marna la aqbali maayo in…

Read More

WARSAXAAFADEED Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Hirshabelle waxay si rasmi ah u shaacisay in ay jartay xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Mohamud Mo’alim. Go’aankan waxa uu salka ku hayaa is-faham la’aan joogto ah, ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle, iyo hufnaan la’aan ka muuqata hab-maamulkii gargaarka, gaar ahaan dhacdadii dhawaan ka dhacday degmada Moqokori ee la geeyay afar kartoon oo dawo ah si aan habboonayn. Wasaaraddu waxay si cad u muujineysaa in uusan Guddoomiyuhu matali karin danaha shacabka Hirshabelle marka la eego howlaha la xiriira gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.…

Read More

Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Galcad ee gobolka Hiirqan Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ku dhexmaray tuulada Galcad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo afduub ugu heystay tuulada Galcad dad shacab ahaa. Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney si awood ah kooxda Al-shabaab uga soo furteen dad shacab ahaa oo ay afduubteen, islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen…

Read More

-Dagaal xooggan ayaa xilligaan ka socda Tuulada Galcad ee Gobolka Hiiraan ee u dhaxaysa Deegaanka Abooreey iyo Halgan. Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidanka Deegaanka iyo dagaalameyaasha AS kaasi oo sababay khasaara xooggan. Dadka Deegaanka ayaa sheegay in goob ay isku uruursanayeen Dagaalameyaasha AS la ogaaday kaddibna weeray ay ku qaadeen Ciidanka Deegaanka ee Hiiraan. Dagaalka Ayaa Soconaya Saacado maadaama uu Salaaddii Duhur Ka Dib bilowday.

Read More

Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore Haddaba maxaa lagu haystaa Madaxweyne Traore? Haddii aan soo koobno waxaa lagu haystaa: > Maxaad Faransiiska iyo Mareykanka dalka uga saartay? > Maxaad khayraadka dalkaaga aad dadkaaga dib ugu celisay? > Maxaa kugu kalifaya in aad dhisto qaran casri ah oo isku filan, oo aadan bangi akoonti dalalka reer Galbeedka ugu lahayn? Haddii Galbeedka Afrika baraarugay, Bariga Afrika, siiba Soomaaliya, maxaa habisada saaray? Soomaaliya maxaa u diiday hoggaamiye leh astaamaha Ibraahim Traore oo aan amar ka qaadan shisheeye, oo aan canshuurta dadkiisa…

Read More

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kulamo siyaasadeed oo kala duwan ka bilaabay Muqdisho. Xildhibaano Mucaarad ah oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Jubaland ayaa RW Cumar ugu tagay booqasho daaraneyd isxogwareysi iyo kala war qaadasho. RW ayaa sheegay in muhiim ay tahay xiligan in loo wada guntado badbaadinta Soomaaliya maadama uu dalku ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Read More