Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah furtay Imtixaanka qoraalka ee xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Guddiga oo ay markii hore soo codsadeen shaqadiisa 302 muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa waxaa shuruudaha buuxiyey oo kala xulidda Guddiga madaxa bannaan ee xulista kasoo gudbay 58 qof sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaanaa ee soo xulayay musharaxiinta guddiga Mudane Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday Bulshada Rayidka. Guddoomiyaha Guddiga soo xulidda musharaxiinta ayaa la weydiiyey su’aal ku…
Lacag dhan kun dollar ayay ku iibsatay gabarteeda oo lic sano jir ah.! Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa xabsi da’iin ku xukuntay haweenay la sheegay inay iibisay gabadh yar oo ay dhashay oo 6 jir ah. Hooyada gabadha yar iyo 2 nin kale ayaa xukun isku mid ah lagu riday. Gabadha ayaa markii hore la sheegay in la waayay bishii February ee 2024kii. Arrintan ayaa aad ugu faaftay Koonfur Afrika iyada oo dad badan ka qayb qaateen baadigoobka gabadha yar. Hooyada ayaa murugada lala qaybsaday. Haweenay kale ayaa maxkamada ka cadeeysay in gabadha…
In ka badan 20 dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyootay Badda u dhaxaysa Spain iyo Algeria Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 20 qof oo tahriibayaal Soomaali ah oo u badan dhallinyaro da’yar ah ayaa ku geeriyootay badda Mediterranean-ka, kuwaas rajo ka qaiay iney gaareen Jaziiradda Palma ee dalka Spain. Dhalinyaradaan tahriibka ahaa ayaa ka ambabaxay dalka Algeria, waxaana lasoo wariyay iney u geeriyoodeen gaajo iyo haraad, kadib markii doontii yareyd oo ay la socdeen ay ku degtay badda. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba qof oo kaliya ka badbaaday doonta degtay, kuwaas oo da’doodu ka yar…
Taliyaha Hay’adda NISA, Cabdullaahi Sanbalooshe ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka ee Degmada Moqokori, isagoo shalay yimid Muqdisho. Imaanshaha Sanbaloolshe ayaa la xiriirta kulan uu la qaadanayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, oo la filayo inuu dhawro 24-ka saac ee nagu soo fool leh. Sanbalooshe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furin dagaal ee Gobolka Hiiraan ayaa ku hawlanaa abaabulka Macawiisleyda iyo xoojinta dadaallada looga difaayo kooxda AS deegaanada beeshiisa ee gobolka Hiiraan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Sanbalooshe uu ka fekerayo in uu booska banneeyo, haddii uu isfaham kasoo bixi waayo kulanka…
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta khudbad ka jeediyay Baarlamaanka dalka Kenya, taasoo noqotay tallaabo kale oo muhiim ah oo Somaliland uga gol leedahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Dalka Kenya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses Wetang’ula, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa, isagoo muujiyay sida dowladda Kenya ay u danaynayso wada-shaqayn iyo xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland, iyadoo laga duulayo danaha dhaqaale, ammaanka iyo is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha. Madaxweyne Cirro ayaa khudbadiisa ku bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isagoo xusay sida ay muhiim u…
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Abdirahman Mohamed Abdullahi(Cirro), ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, madaxtooyada Nairobi, halkaas oo labada hoggaamiye ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashi dhanka ganacsiga, diblomaasiyadda, amniga gobolka, iyo is-dhexgalka bulshada. Intii uu socday kulanka, labada hoggaamiye ayaa diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta sare, iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada. Madaxweyne Ruto ayaa ku bogaadiyay Somaliland dadaalka ay ugu jirto xasilloonida iyo horumarka gobolka, wuxuuna ballan qaaday in Kenya ay garab taagan tahay Somaliland, gaar ahaan arrimaha la xiriira iskaashiga siyaasadeed iyo horumarinta dhaqaalaha. Madaxweyne Cirro ayaa dhankiisa…
Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Hiiraan Mudane Xasan Axmed Barkhadle ayaa maanta hay’adda Save the Children kala wareegay Seddax Ambulance oo loogu tala galay degmooyinka kala ah Maxaas Matabaan iyo Magaalada Beledweyne. Gaadiidkan Ambulance oo ku qalabeysan agab caafimaad oo Casir ah ayaa qeyb ka ah dhamestirka mashruuca ah Damal Caafimaad iyo dadaallada ay Wasaaraddu Caafimaadka ugu jirto kor u qaadista iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee bulshada, iyo in deeganada Mi’yiga ah bulshada ku nool la gaarsiiyo adeeg caafimaad oo bilaash ah. Madasha wareejga gaadiidka Ambulance waxaa ka sugnaa Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Calasoow Mareeyaha…
Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda gobolka Hiiraan ayaa weerar qorsheysan oo aay ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo hoostaga degmada Buulo-burte ku dilay Horjooge iyo Maleeshiyaad kooxda Al-Shabaab ka tirsan. Weerarkan oo aay geesiyaasha Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda fuliyeen aruurtii hore ee saakay ayaa ciidamada is kaashanaya oo ku howl-gala xog sirdoon waxa aay weerar af jar ah ku qaadeen fariisin kooxda AS ku lahaayeen deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan. Dagaal socday muddo 1-Saac ah ayaa gudaha Abooreey ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kooxda AS Sida ilo lagu kalsoonaan karo aay warbaahinta u xaqiijiyeen …
Maxkamad ku taalla magaalada Jigjiga ayaa maanta xukun xabsi ah ku riday Cabdi Barrud, oo Kamid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku qora baraha Bulshada, kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu qoray faallo (Comment)– inkastoo uu si cad u beeniyay eedeyntaasi. Faallada lagu soo eedeeyay Cabdi ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo shaacin halka laga qoray, mana jirto cadeyn muuqata oo muujinaysa inuu isagu qoray. Intii uu xirnaa, Cabdi Barrud wuxuu si isdaba joog ah u sheegay inuusan qoraalkaas lahayn, isagoo xusay in ay tahay mid Photoshop lagu sameeyay. Xukunkan ayaa durba dhaliyay falcelin xooggan oo dhinacyo badan leh,…
Muqdisho: Siyaasiyiinta mucaaridka oo ay hor-kacayaan madaxdii hore ee dalka ayuu u furmay shirweyne ay kaga arrinsanayaan; xaaladda-siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka iyo dastuurka oo ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Xasan Shiikh. Madaxweyne hore, Shiikh Shariif oo furay shirkan ayaa sheegey in dalku uu ku socdo ‘jihi aan sax ahayn aysan aqbalayn’ doorasho iyo wax-ka-beddel dastuur oo hal xisbi wato, sida uu hadalka u dhigey. Madaxweyne hore Farmaajo iyo madaxda Puntland & Jubbland ayaan qaybka ahayn shirkan oo iyana kamid ah mucaaridka DFS. Madaxweyne Xasan Shiikh oo sannad buuxa uga hadhay muddo-xileedkiisa ayaa wajahaya mucaaradnimadii uu hoggaanmin jiray,…
