Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Iiraan ayaa hadda sheegtay in la dilay taliyihii ugu sareeya ee hay’adda sirdoonka ee ilaalada kacaanka, 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗞𝗮𝗮𝗱𝗵𝗶𝗺𝗶, iyo ku xigeenkiisa 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗠𝘂𝘅𝗮𝗾𝗶𝗾, waxaa sidaasi oo kale dadkii la dilay ka mid ahaa Taliye sare oo lagu magacaabo 𝗠𝘂𝘀𝘅𝗶𝗻 𝗕𝗮𝗮𝗾𝗮𝗿𝗶, kuwaas oo lagu dilay weerar israa’iil maanta ka fulisay gudaha Tehraan. Iiraan ayaa sheegtay iyada oo taas ka jawaabaysa in iyada ay bartilmaameedsatay, xarumaha sirdoonka Isra
Magaalad Xayfa ayaa u muuqata mid guud ahaanba ay Iraan dhulka la simeyso, Iraan waxa ay bur-burisay Kaabayaasha Dhaqaale iyo kuwa Militri iyado magaaladan ay tahay mid aad u muhiim marka la fiiriyo sida ay u marti galisay gooba xasaasiga ah ee Isra’iil iyadoo ay intaas u dheertahay Dakadda ay leedahay oo Isra’iil u ah il dhaqaale. Wixii soo kordha kala soco radiohalgan.com
Gantaalada Iiraan ayaa bilaabay in ay sida roobka oo kale ugu hoobtaan Waqooyiga Gumaystaha ee Xayfa, waa habeenkii 3-aad ee duqaymaha xoogan socdaan.
Israa’iili oo ku dhawaaqday in ay gashay xaalad deg deg ah. Channel 12 oo baahiyay warbixintan ayaa lagu sheegay in dadweynaha aysan ka soo bixi karin goobaha gabbaadka u ah illaa 30 bisha June. Sidoo kale waxaa la joojiyay isku socodka dad weynaha iyadoo la diyaarin doonaa hab -raac dadka lagu gaarsiinayo waxyaabaha ay u baahanyihiin oo adeegga caafimaadka iyo cunada ay ka mid tahay inta ay ku jiraan goobaha gabbaadka. .
Trump oo hadda baryaya nabad ka dhex dhalata Iran iyo Is^raa’iil Trump oo maalmo kahor ku faanayayey in uu Iran jilbaha dhulka ugu dhuftay, madaxdii ciidamadana laayey, ayaa maanta bartayaya nabad ka hanaqaada Bariga Dhexe, siiba Iran iyo Israa’iil. Trump ayaa yiri hore waxaan nabad ka dhex dhaliyay Hindiya iyo Pakistan, haddana anoo awoodda ganacsiga Mareykanka isticmaalaya waxaan bilaabayaa in aan ka shaqeeyo nabad ka dhex dhalata Iran iyo Israa’iil. Trump ayaa ku soo gabagabeeyey, “Wax badan baan qabtaa laakiin cidina iima qirta, laakiin taasi waa OK, dadku waa FAHMAYAAN.”
Duqeyn adag ayaa ka socota galbeedka magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiiraan, goobaha uu weerarku ku socda waxaa ku yaalla xarumo cilmi-baariseed, saldhigyo ciidan iyo shirkado waaweyn oo ganacsi. Wasiirka arrimaha gudaha ee Iiraan ayaa dadka ka codsaday in ay galaan goobaha ammaanka ah, si ay uga badbaadaan gantaalaha iyo duqeynta socota. Afhayeenka Ciidamada ISR ayaa hadda qabtay shir jaraaíd, waxa uu sheegay in ay duqeeyeen xarunta Nuclear-ka oo ku taalla Asfahaan oo ah magaalo dhacdo bartamaha Iiraan. xaaladda ayaa sii adkaaneysa, labada dhinac ayaa weli isku jeedinaya hanjabaado aad culus.
Iran oo gantaal la heshay Guriga Qoyska Netanyahu. Iran, waxay gantaalladeeda la beegsatay xarumo muhiim u ah Israa’iil oo ay ku jiraan goobaha korontada iyo shidaalka, sida uu baahiyay Channel 12 oo Israa’iil laga Lee yahay. Sidoo kale Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Israel Hayom, ayaa ku warramaya ; “Gantaallada Iran ay ku dhaceen xarunta korontada ee Hadera iyo guriga qoyska Netanyahu ee magaalada Caesarea. Ma sheegin wargeyska Qasaaraha gaaray qoyska Netanyahu.
Israa’iil ayaa sheegtay in aysan iran geysan karin weerarrada noocan oo kale ah, waxana ay sheegtay in wadamo badan ay hoos ka taaageerayaan. Channel 14 oo laga leeyahay Israel ayaa sheegaya Dowladdaha Pakistan, Shiinaha, iyo Ruushka ay si qarsoodi ah u caawinayaan Iran, iyagoo u gudbinaya xamuul hawada ah oo ay ku jiraan gantaallo iyo agab milatari. Hadalka waxa uu imanayaa cili ay Iran ay gantaallo ku bur burisay Israa’iil.
Israel ayaa qiratay in khasaare ba’an kasoo gaarey gantaalaha roob la moodka ah ee Iiraan ku harqisay, Iiraan oo wada Hawlgalkeeda Balanqaadka Runta ah wejigiisa labaad waxay xalay beegsatay goobo badan oo muhiim u ah Israel. Warsaxaafadeed lagu baahiyey Bogga Rasmiga ah ee Madaxtooyadda Israel, ayaa lagu sheegay in 8 qof oo 4 kamid ah caruur yihiin ay ku dhinteen gantaalaha Iran, waxay intaas ku dareen ilaa 200 inay ka dhaawacmeen, halka 35 qof aan lahayn geeri iyo nolol midna. “Iiraan markale weerartay shacabkeena xili ay seexdeen, Iiraan waxay beegsanaysaa dad aan waxba galabsan, Israa’iil ayaa bartilmaameedsaneysa goobaha…
Iran oo soo ridday 44 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil horIiraan oo sheegtay inay soo ridday 44 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xadka, Axmed Goudarzi, ayaa ku dhawaaqay in lasoo riday oo la burburiyay 44 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ah iyo diyaarad yar, sida laga soo xigtay warka ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iiraan (IRNA). Goudarzi ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha ahayn la ogaaday mar ay isku dayeen inay galaan hawada Iiraan, isagoo u mahadceliyay ilaalada xadka.
		