Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynahii koowaad ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosobe ayaa yiri Waxaan la yaabanahay garasho xumada Xil Maxamed Abukar Islaw ee u heysta Hiiraan iney dhimatay. Islaw Hiiraan ma dhimane wey nooshahay balse Hirshabelle ayaa dhimatay. Si aad xaqiiqda u soo ogaato booqasho xuuraansi ah ayaan kugu geynayaa Hiiraan ee soo diyaar garow His ka aqriso Wasiir hore Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol. Waxaan canbaareynayaa in xilligan ay Wasaaraddu adeegsato Khariirad la diyaariyay sanadkii 2011, taasoo abuureysa…
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle ayaa 5- Cagaf iyo agab kale oo beeraleeyda loogu tala galay ku wareejisay Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne ku wareejiyay Cagaf-cagaf- yadaasi iyo agabka kale Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne si kor loogu qaado wax soo saarka beeraleeyda Beledweyne. https://youtu.be/Ehs12pvW4U0?si=YcQ4sK4VBVL9wkK8 Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka gacansiiyay helista Agabkaasi. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne…
Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow ayaa ka hadlay maab qaldan oo aay soo bandhigtay Wasaaradda Badroolka Soomaaliya taasi oo dhaleeceyn badan kula kulantay wasaaradda.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen waxa uu Hirshabelle gaarsiiyay horumar dhinacyo badan. Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Cabdiraxiin Ciise Cadoow Team-ka Wasaaradda Maaliyadda waxa aay mudanyihiin in lagu amaanno sida Hirshabelle u gaarsiiyeen Kobac dhaqaale oo muuqda,taasi oo ku timid qorshaha Madaxweynaha iyo wasaaradda oo fulisay. Golaha Wasiiradda dowladda Hirshabelle ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda Dowladda Hirshabelle ee Sanadka soo socda 2025, Taas oo filashadeeda tahay 33,557,830.37 oo Dollar. Isuguna jjrta Dakhliga Gudaha Laga soo xeraynaayo iyo deeqaha La filaayo Haddii Alle idmo. Waxaana jira kor u kac gaaray 60% marka loo eego sanadkaan dhamaanaya ee…
Bal malee waxaad tahay Vladimir Putin. Reer-galbeedka ayaa kuu aqoonsaday mid la go’doomiyay sabab la xiriirta inaad duullaan ku qaadday Ukraine. Cunaqabateyno ayaa la doonayaa in dhaqaalaha dalkaaga looga jaro suuqyada caalamka. Waxaana jira waaran soo xirid ah oo lagaaga jaray Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada. Sidee baad u muujineysaa in cadaadisku uusan shaqeyneyn? Isku day inaad qabato shir. Toddobaadkan magaalada Kazan Madaxweyne Putin ayaa ku salaami doona in ka badan 20 madax dal oo ka qeybgalaya shirka Brics ee dalalka dhaqaalahoodu soo kobcayo. Madaxda la casuumay waxaa ka mid ah madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi…
Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay warka ku saabsan afar qof oo qaxooti ah oo Kenya ay ku celisay Turkiga. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in Turkiga uu ka codsaday soo celinta afarta qof. Hadalkan ayaa soo baxay kaddib markii la helay warar sheegaya in dhowr qof laga afduubtay wadooyinka magaalada Nairobi Jimcihii. Nin u dhashay Britain ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo afar qof oo u dhashay Turiga ay afduubteen rag wajiga soo dabooshay. Wuxuu sheegay in la soo daayay sideed saacadood kaddib markii uu tusiyay dadkii soo…
Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay inay soo xirtay seddex qof oo ka tirsan Al shabaab . Waxii warar oo ku soo kordho kala soco marwlba Ish Warar radio Halgan
Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u yeeray xildhibaannada labada gole ee ku metala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu casuumay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo isagu casuumadda u fudiyay xildhibaannada labada gole ayaa ka dalbaday inay kasoo qayb-galaan xafladda furitaanka kalfadhiga 55-aad ee baarlamaanka Puntland oo dhaceysat 26-ka bishaan. “Mudanayaal salaan diiran ka dib, waxaa sharaf ii ah in aan idinku casuumo in aad nagala soo qaybgashaan munaasabadda furitaanka kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo dhici doonta sabti, 26-ka Oktoobar, 2024” ayaa lagu yiri waraqadda casuumadda. Sidoo kale…
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii uu xalay gaaray waddankaasi. Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Geelle kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanayo Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus…
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in dalka dib loogu soo celiyo qaxooti Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Kuwaas oo kasoo ambabaxay magaalada Caden. Dadkan oo gaaraya 157 qof oo Soomaali ah ayaa ka koobnaa rag, haween iyo carruur kuwaas oo qaba daruufo isugu jira mid nololeed iyo mid caafimaad. Waxaa dib u soo celinta muwaadiniintan Soomaaliyews ka shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo kaashaneysa hay’adda UNHCR. Cabdikariim Naasir Saciid (Cabdi Dheeg) sii-hayaha safaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo dekeda kula hadlay shacabkan ayaa u rajeeyay in ay si nabad ah ku gaaraan dalkooda. Cabdi Dheeg…