Author: radiohalgan.com

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay ilaalinta midnimada dalka iyo dad u ku eedeyay in ay u ololeynayaan kala go’a bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha oo soo hadal qaaday qadiyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay jiraan dad kale oo is qarinaya, balse si hoose ugu ololeynaya guuni isku taag. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka UK ay u ololeynayaan gooni isku taaga Somaliland, isaga oo qurbo joogta Soomaalida ugu baaqay in ay ka hor yimaadan. “Waxaa yaab leh qurbo joogta Soomaalida in aysan ka hadlin ama ka dhiidhin isku dayga ay…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ku dadaaleysa dhismaha Maamulka SSC Khaatumo, iyada oo wafdi sare oo ka socda ay weli ku sugan yihiin magaalada Laascaanood. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlay howlaha dhismaha maamulka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la dhammeystiro SSC Khaatumo. Sidoo kale, isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay ergada dhismaha maamulka looga baahan yahay in ay Dardar galiyaan howlaha xulida baarlamaanka. Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in dhawaan wafdi sare oo ka qeyb gali doono dhammeystirka maamulka iyo dhismahiisa ay tagi doonaan magaalada Laascaanood, kana qeyb qaadan doono howlaha…

Read More

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐞𝐞 (𝐋𝐏𝐏𝐁𝐒) 𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫, 21 Luulyo 2025- Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa maanta magaalada Jowhar ka daahfuray kulan wadatashi oo ku saabsan dhisidda guddiga iskaashiga booliska iyo bulshada (LPPBS). Kulanka wadatashiga oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galayaa xubno ka kala socda hay’adaha booliska iyo bulshada kuwaas oo si weyn uga dooday habka ugu haboon ee lagu dhisi karo guddiga bulshada iyo booliska. Xubnaha matalaya bulshada Rayidka iyo Booliska ayaa tilmaamay in…

Read More

Muqdisho(radiohalgan.com)-wararka aan ka heleyno Magaalada Muqdisho Ilo-wareedyo Xog ogaal ah ayaa noo Xaqiijiyeen in Xafada Siliga Amerikanka ee Nustaxa ee Magaalada Muqdisho lagu wado in laga barakicin shacab ku nool Xafadaas. Dhanka xogo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaysa in XILDHIBAANO Beesha Xawaadlle ka soo jeeda Gobolka HIIRAAN qaarkoodna ahaa garabka DOWLADA la siiyay Boosaas qar  Ka Mid ah dhulka  SILIGA EE AAGA NASTEEXO, isla XILDHIBAANO MUCAARAD ahaa oo REER HIIRAAN ah ayaa eyakana lagu qaniciyay lacago Muhiimada laga lahaana waa in Ee ka aamusaan barakicinta dadkooda Xawaadle lagu haayo . Wali baaritaan Radio Halgan ayaana wadnaa mardhowna waxaana umada SOOMAALIYEED la…

Read More

Gudoomiyahii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ahne qeybsanaha Madaxweyne JFS  Macawiisleeyda  ayaa si hoose  lagu soo dhaweyay  soo qabanqabiyeen Ardada Jamacada Jigjiga xaflad soo dhaweyn aheyd oo Heer hoose  ah ayaa  loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida inuu ka yimid dadka reer Hiiraan Dagaal ku socada. Sida Radio Halgan Xogta ku heshay Cali Jeyte ayaa aad ugu  Xumahay  in Daaq Hub iyo Raashiin aheyd DDS ugu tagadhay  Ciidanka Macawiisleeyda  in lagu wareejiyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye  si aan mar dabe u dhaci  hase ahaate  Muuse Salaad Wehliye waa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa si buuxda ula safatay dowladda Xasan Sheekh xilli uu jiro is-mari-waa siyaasadeed oo culus oo ku saabsan nidaamka doorashooyinka mustaqbalka ee Soomaaliya. Ankara ayaa la kulmeysa dhaleeceyn uga imaneysa hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya, kuwaasoo sheegay inay ka tagtay dhex-dhexaadnimadeedii muddada dheer ay ku caan ahayd. Eedeymahan ayaa soo shaac baxay kadib markii safiirka Turkiga ee Muqdisho uu Sabtidii qabtay kulan albaabadu u xiran yihiin, kaasoo uu isugu keenay diblomaasiyiin caalami ah iyo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya. Kulankan ayaa yimid maalin keliya ka hor wareeggii saddexaad ee wada-hadallada muhiimka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo…

Read More

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa si kulul uga hadlay hanka Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed, isaga oo sheegay in haddii Itoobiya isku daydo in ay xoog kula wareegto dekedaha Eritrea, gaar ahaan dekedda Assab, ay arrintaasi sababi karto dagaal cusub oo ka dhex qarxa labada dal ee dariska ah. Madaxweyne Afwerki, oo waraysi siiyay telefishinka qaranka ee Eri-TV, ayaa ku tilmaamay hamiga Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed “mid khatar ah” oo laga yaabo inuu horseedo dagaal gobolka ka qarxa. Wuxuu yiri: “Haddii ay Itoobiya u malaynayso in ay ka awood badnaan karto ciidanka Eritrea,…

Read More

Warar aani helayno ayaa sheegaya in ciidanka dawladda iyo kuwa degaanka ay iskaga baxeen degaanka Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyo AS ka tirsan ay mar gudaha u galeen degaanka inkastoo aan la xaqiijin karin inay ku suganyihiin iyo in kale Gudoomiyaha Tardo Cismaan Xasan Guure ayaa xaqiiiiyay inay ka baxeen degaanka. Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

Read More

Taliyahii hore ee ciidanka dhulka Soomaaliya Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimada kooxda Al-shabaab u leedahay qabsashada magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Jenaraalka ayaa tilmaamay in degmada Moqokori ay tahay magaalo dhan kasta istaraatiiji u ah cid walba oo gacanta ku dhigta hadey noqon laheyd dowladda iyo Al-shabaab intaba. “Moqorkori waa meel istaraatiiji ah, wadooyin badan baa ku kulma wado Maxaas aadda, wado Yasooman aadda, wado aada Aadan Yabaal, wado aada Xaawo gadiid iyo Budbud, waddo dhanka hoose aada sida Xalfooley, Ceelhareeri ilaa Jalalaqsi wadooyin badan bay kulmisaa, waa degmo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee ka howlgala Jubaland. Madaxweynaha ayaa ciidamada Mareykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka iyo howlgalka la dagaallanka al shabaab iyo kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo Jubaland ka tirsan. Madaxweynaha ayaa ciidamada Mareykanka ku ammaanay geesinimada iyo wada shaqeynta ay muujiyeen Wuxuuna si rasmi ah u gudoonsiiyay Bilad Sharaf iyo Shahaado Mahadcelin isagoo uga…

Read More