Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho maalmahan ka soo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa. Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada, isla markaana uusan jirin amar kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ama madaxda Qaranka oo ku aaddan dhulka suuqa Bakaaraha, oo ay leedahay Dowladda Hoose ee…
In cadawga umadda somaliyeed garab siin loodoonto lagana dalbado saanad Military si loo dhantaalo dowladnimada Somaaliyeed. Waa nasiibdaro mug weyn leh, qanuunka iyo sharcigana kaga qoran fal-danbeyeed ku sundan jariimo ama qiyaano qaran oo lagu muteysan kara dil iyo daldalaad ineey ku hadaaqaan siyaasiyiin xilal sar sare ka haya dowlada fideralka Somaliya. • Waa arin ubaahan in dib loomilicsado si looga hortago iimaan-lawayaasha u xanqal taagaya u adeegida cadawga umadda somaliyeed, si ay ugaaran masalixdooda shaqsiga ah, ama ay uhelaan mansab iyo maal. • Waa waajib diini ah in gacmaha laqabto siyaasiga ku Xadgudba arimaha lama taabtaanka ah ee dhawici…
Taliyaha Booliska degmada Eyl ayaa xalay dhaawac culus soo gaaray kaddib markii askari ka tirsan ilaaladiisa uu rasaas ku furay xilli uu hurdayay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaawaca taliyaha uu yahay mid halis ah, waxaana si degdeg ah loogu qaaday magaalada Garoowe si daryeel caafimaad loogu sameeyo. Ma cadde sababta ka dambeysay weerarka, sidoo kale ciidamada la sheegay inay qabteen ninka falka geystay. Dilka ayaa soo aadaya iyadoo dhowaan guddoomiyaha degmada Eyl isna lagu dhaawacay isla degmadaas, taasoo muujinaysa kororka weerarada lagu bartilmaameedsanayo mas’uuliyiinta degmada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay ilaalinta midnimada dalka iyo dad u ku eedeyay in ay u ololeynayaan kala go’a bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha oo soo hadal qaaday qadiyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay jiraan dad kale oo is qarinaya, balse si hoose ugu ololeynaya guuni isku taag. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka UK ay u ololeynayaan gooni isku taaga Somaliland, isaga oo qurbo joogta Soomaalida ugu baaqay in ay ka hor yimaadan. “Waxaa yaab leh qurbo joogta Soomaalida in aysan ka hadlin ama ka dhiidhin isku dayga ay…
Dowladda Soomaaliya ayaa weli ku dadaaleysa dhismaha Maamulka SSC Khaatumo, iyada oo wafdi sare oo ka socda ay weli ku sugan yihiin magaalada Laascaanood. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlay howlaha dhismaha maamulka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la dhammeystiro SSC Khaatumo. Sidoo kale, isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay ergada dhismaha maamulka looga baahan yahay in ay Dardar galiyaan howlaha xulida baarlamaanka. Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in dhawaan wafdi sare oo ka qeyb gali doono dhammeystirka maamulka iyo dhismahiisa ay tagi doonaan magaalada Laascaanood, kana qeyb qaadan doono howlaha…
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐞𝐞 (𝐋𝐏𝐏𝐁𝐒) 𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫, 21 Luulyo 2025- Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa maanta magaalada Jowhar ka daahfuray kulan wadatashi oo ku saabsan dhisidda guddiga iskaashiga booliska iyo bulshada (LPPBS). Kulanka wadatashiga oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galayaa xubno ka kala socda hay’adaha booliska iyo bulshada kuwaas oo si weyn uga dooday habka ugu haboon ee lagu dhisi karo guddiga bulshada iyo booliska. Xubnaha matalaya bulshada Rayidka iyo Booliska ayaa tilmaamay in…
Muqdisho(radiohalgan.com)-wararka aan ka heleyno Magaalada Muqdisho Ilo-wareedyo Xog ogaal ah ayaa noo Xaqiijiyeen in Xafada Siliga Amerikanka ee Nustaxa ee Magaalada Muqdisho lagu wado in laga barakicin shacab ku nool Xafadaas. Dhanka xogo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaysa in XILDHIBAANO Beesha Xawaadlle ka soo jeeda Gobolka HIIRAAN qaarkoodna ahaa garabka DOWLADA la siiyay Boosaas qar Ka Mid ah dhulka SILIGA EE AAGA NASTEEXO, isla XILDHIBAANO MUCAARAD ahaa oo REER HIIRAAN ah ayaa eyakana lagu qaniciyay lacago Muhiimada laga lahaana waa in Ee ka aamusaan barakicinta dadkooda Xawaadle lagu haayo . Wali baaritaan Radio Halgan ayaana wadnaa mardhowna waxaana umada SOOMAALIYEED la…
Gudoomiyahii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ahne qeybsanaha Madaxweyne JFS Macawiisleeyda ayaa si hoose lagu soo dhaweyay soo qabanqabiyeen Ardada Jamacada Jigjiga xaflad soo dhaweyn aheyd oo Heer hoose ah ayaa loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida inuu ka yimid dadka reer Hiiraan Dagaal ku socada. Sida Radio Halgan Xogta ku heshay Cali Jeyte ayaa aad ugu Xumahay in Daaq Hub iyo Raashiin aheyd DDS ugu tagadhay Ciidanka Macawiisleeyda in lagu wareejiyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye si aan mar dabe u dhaci hase ahaate Muuse Salaad Wehliye waa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee…
Dowladda Turkiga ayaa si buuxda ula safatay dowladda Xasan Sheekh xilli uu jiro is-mari-waa siyaasadeed oo culus oo ku saabsan nidaamka doorashooyinka mustaqbalka ee Soomaaliya. Ankara ayaa la kulmeysa dhaleeceyn uga imaneysa hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya, kuwaasoo sheegay inay ka tagtay dhex-dhexaadnimadeedii muddada dheer ay ku caan ahayd. Eedeymahan ayaa soo shaac baxay kadib markii safiirka Turkiga ee Muqdisho uu Sabtidii qabtay kulan albaabadu u xiran yihiin, kaasoo uu isugu keenay diblomaasiyiin caalami ah iyo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya. Kulankan ayaa yimid maalin keliya ka hor wareeggii saddexaad ee wada-hadallada muhiimka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo…
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa si kulul uga hadlay hanka Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed, isaga oo sheegay in haddii Itoobiya isku daydo in ay xoog kula wareegto dekedaha Eritrea, gaar ahaan dekedda Assab, ay arrintaasi sababi karto dagaal cusub oo ka dhex qarxa labada dal ee dariska ah. Madaxweyne Afwerki, oo waraysi siiyay telefishinka qaranka ee Eri-TV, ayaa ku tilmaamay hamiga Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed “mid khatar ah” oo laga yaabo inuu horseedo dagaal gobolka ka qarxa. Wuxuu yiri: “Haddii ay Itoobiya u malaynayso in ay ka awood badnaan karto ciidanka Eritrea,…