Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Abiye Ahmed oo hortagi doona baarlamaanka dalkiisa si wax looga weydiiayo MoU gii muranka dhaliyey iyo arrimo kale

    Abiye Ahmed oo hortagi doona baarlamaanka dalkiisa si wax looga weydiiayo MoU gii muranka dhaliyey iyo arrimo kale

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 2, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu todobaadka soo socda hor imaan doono baarlamaanka dalkaas, isla markaana uu jawaabo iyo sharaxaad ka bixin doono su’aalaha ay waydiiyaan xubnaha baarlamaanku.

    Ilaha BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sida uu qabo hab-raaca golaha shacabku, dadweynaha laga codsaday in ay su’aallohooda u gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha sabtidii todobaadkii hore.

    Ilo xog ogaal ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa intaasi ku daray in galinkii dambe ee isniinta ay ku ekeyd in su’aalaha la soo gudbiyo.

    Xubin ka tirsan golaha ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in xubnaha looga digay “in aysan meelna tagin, sababtoo ah waxaa jira shirar isdaba joog ah”.

    Sida uu qabo xeer-hoosaadka iyo hab-dhaqanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sanadkii 3 jeer hor yimaada Golaha, wuxuuna jawaabo iyo sharraxaad ka bixiyaa su’aalaha la xiriira arrimaha guud.

    Sidoo kale, waxa uu xeerku dhigayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu Golaha u soo gudbiyo warbixin la xiriirta howlaha guud ee shaqo ee dowladda sanadkiiba labo jeer sida ku cad barnaamijka uu u qoondeeyay.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee horyimaada inta lagu guda jiro khudbad sanadeedka furitaanka Goleyaasha wakiilada iyo Federaalka.

    • Soomaaliya ma waxaa ku jira kayd shidaal oo ka badan kan Imaaraatka Carabta?5 Saacadood ka hor
    • Gabadhii xaamilada ahayd ee ninkeedu ku gubay Muqdisho oo geeriyootay2 Febraayo 2024
    • Intee le’eg tahay waxyeellada bacaha ay dawladda Soomaaliya mamnuucday2 Febraayo 2024
    .

    Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ka soo muuqday Baarlamaanka si uu u muujiyo mowqifka dowladda, iyadoo laga doodayay khudbaddii Madaxweyne Sahlework Zewde ee caleema saarka billowgii bishii November ee la soo dhaafay.

    Ilo xog-ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in marka ra’iisul wasaaruhu uu ka soo muuqdo golaha baarlamaanka toddobaadka soo socda, laga yaabo in su’aalo laga weydiiyo arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale oo waaweyn oo soo kordhay tan iyo markii uu sharraxaad ka bixiyay bishii November.

    Waxa ka mid ah waxyaabaha la waydiin doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dawladda Itoobiya la saxeexatay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland bil ka hor.

    Heshiiskan is-af-garadka ah ee muranka ka dhaliyay gobolka, ayaa u ogolaanaya Itoobiya in ay ka kirayso dhul xeebeed 20 KM ah oo ay ka dhisanayso Saldhig Milatari iyo Deked, waxaana xilligaas la sheegay in ay Somaliland aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.

    Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay si cad ugu dhawaaqay arrinta ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee ku aaddan marinka badda ee bilo ka hor, hadal uu jeediyay xubno ka tirsan aqalka sare. Waxaa la xusuustaa in khudbadii uu cinwaan uga dhigay “Dadka Biyaha ilaa Biyaha Badda”, wuxuu ku sheegay in Irid badeed oo Itoobiya loo helo ay tahay “arrin badbaado leh”.

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu yiri “Ma jirto wax damac ah oo aan cidna ku duuleyno”, ka dibna wuxuu yiri, “Laakin waxaan rabnaa waddo aan leexleexad lahayn oo dhanka sharciga ganacsiga ah”.

    Arinta kale ee la filayo in loo bandhigo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah xaalada amni ee gobolada Axmaarada iyo Oromada. Sidoo kale, waxaa la filayaa in wada-hadalladii fashilmay ee u dhexeeyay dawladda iyo kooxda hubaysan ee OLA oo ku magac dheer ‘Shene’ ay dib uga bilaabmi doonaan golaha.

    Dalku in uu dayn qaato waa mid ka mid ah arrimaha dhaqaalaha ee golaha wakiiladu soo bandhigaan. Sidoo kale, waxaa la filayaa in qiimaha maciishada ay mudanayaasha baarlamaanka ka keenaan qaab su’aal ah.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.