Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in Raβiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu todobaadka soo socda hor imaan doono baarlamaanka dalkaas, isla markaana uu jawaabo iyo sharaxaad ka bixin doono suβaalaha ay waydiiyaan xubnaha baarlamaanku.
Ilaha BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sida uu qabo hab-raaca golaha shacabku, dadweynaha laga codsaday in ay suβaallohooda u gudbiyaan Raβiisul Wasaaraha sabtidii todobaadkii hore.
Ilo xog ogaal ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa intaasi ku daray in galinkii dambe ee isniinta ay ku ekeyd in suβaalaha la soo gudbiyo.
Xubin ka tirsan golaha ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in xubnaha looga digay βin aysan meelna tagin, sababtoo ah waxaa jira shirar isdaba joog ahβ.
Sida uu qabo xeer-hoosaadka iyo hab-dhaqanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Itoobiya, Raβiisul Wasaaraha ayaa sanadkii 3 jeer hor yimaada Golaha, wuxuuna jawaabo iyo sharraxaad ka bixiyaa suβaalaha la xiriira arrimaha guud.
Sidoo kale, waxa uu xeerku dhigayaa in Raβiisul Wasaaruhu uu Golaha u soo gudbiyo warbixin la xiriirta howlaha guud ee shaqo ee dowladda sanadkiiba labo jeer sida ku cad barnaamijka uu u qoondeeyay.
Raβiisul Wasaaraha ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee horyimaada inta lagu guda jiro khudbad sanadeedka furitaanka Goleyaasha wakiilada iyo Federaalka.
- Soomaaliya ma waxaa ku jira kayd shidaal oo ka badan kan Imaaraatka Carabta?5 Saacadood ka hor
- Gabadhii xaamilada ahayd ee ninkeedu ku gubay Muqdisho oo geeriyootay2 Febraayo 2024
- Intee le’eg tahay waxyeellada bacaha ay dawladda Soomaaliya mamnuucday2 Febraayo 2024

Waxaa xusid mudan in Raβiisul Wasaare Abiy Axmed uu ka soo muuqday Baarlamaanka si uu u muujiyo mowqifka dowladda, iyadoo laga doodayay khudbaddii Madaxweyne Sahlework Zewde ee caleema saarka billowgii bishii November ee la soo dhaafay.
Ilo xog-ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in marka raβiisul wasaaruhu uu ka soo muuqdo golaha baarlamaanka toddobaadka soo socda, laga yaabo in suβaalo laga weydiiyo arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale oo waaweyn oo soo kordhay tan iyo markii uu sharraxaad ka bixiyay bishii November.
Waxa ka mid ah waxyaabaha la waydiin doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dawladda Itoobiya la saxeexatay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland bil ka hor.
Heshiiskan is-af-garadka ah ee muranka ka dhaliyay gobolka, ayaa u ogolaanaya Itoobiya in ay ka kirayso dhul xeebeed 20 KM ah oo ay ka dhisanayso Saldhig Milatari iyo Deked, waxaana xilligaas la sheegay in ay Somaliland aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.
Raβiisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay si cad ugu dhawaaqay arrinta ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee ku aaddan marinka badda ee bilo ka hor, hadal uu jeediyay xubno ka tirsan aqalka sare. Waxaa la xusuustaa in khudbadii uu cinwaan uga dhigay βDadka Biyaha ilaa Biyaha Baddaβ, wuxuu ku sheegay in Irid badeed oo Itoobiya loo helo ay tahay βarrin badbaado lehβ.
Raβiisul Wasaaruhu wuxuu yiri βMa jirto wax damac ah oo aan cidna ku duuleynoβ, ka dibna wuxuu yiri, βLaakin waxaan rabnaa waddo aan leexleexad lahayn oo dhanka sharciga ganacsiga ahβ.
Arinta kale ee la filayo in loo bandhigo Raβiisul Wasaaraha ayaa ah xaalada amni ee gobolada Axmaarada iyo Oromada. Sidoo kale, waxaa la filayaa in wada-hadalladii fashilmay ee u dhexeeyay dawladda iyo kooxda hubaysan ee OLA oo ku magac dheer βSheneβ ay dib uga bilaabmi doonaan golaha.
Dalku in uu dayn qaato waa mid ka mid ah arrimaha dhaqaalaha ee golaha wakiiladu soo bandhigaan. Sidoo kale, waxaa la filayaa in qiimaha maciishada ay mudanayaasha baarlamaanka ka keenaan qaab suβaal ah.

