Koobka Qaramada Afrika ee soo socda ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona ciyaartoy heer caalami ah, laakiin adduun kale, Kevin De Bruyne ayaa ka ciyaari lahaa koobka Africa.
Xiddiga Manchester City ayaa ku dhashay magaalada Dronen ee dalka Belgium sanadkii 1991-kii, waxaana uu ku sii dhawaanayaa inuu u safto dalkiisa 100-aad.
De Bruyne ayaa laba koob adduun u soo ciyaaray xulkiisa Lakaiin waxa uu u ciyaari karaa xulka Burundi.
Hooyada dhashay Anna oo 32 jir ah, waxa ay ku dhalatay dalka Bariga Afrika ku yaalla, waxaanay ku kortay iyada oo awoowgeed uu shirkado shidaal ku lahaa halkaas iyo Ivory Coast oo ay markii dambe ku noolayd.
Sida laga soo xigtay Daily Express, De Bruyne wuxuu hadda shaqeeyaa xirfada injineernimada batroolka ka dib markii uu la wareegay gacan ku haynta ganacsiga qoyska.