Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Yaa leh fekerka maraqa digaagga ee la isku heysto?

    Yaa leh fekerka maraqa digaagga ee la isku heysto?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maraqan adag, ee laga sameeyay yaanyo iyo caanaha garoorka oo adag, laguna daray subag iyo dhir aan badneyn, ayaa aad loogu iibiyaan maqaayadaha dalal badan, iyadoo Soomaalida dhexdeedana uu caan ka yahay.

    Balse maraqan ay dad badan oo daafaha dunida ku nool ay aad u jecel yihiin ayaa haatan ah arrin muran dhalisay oo ay maxkamad iskula tiigsadeen maqaayadaha qaar.

    Dacwad ku aaddan cidda asal ahaan uu fekerka maraqan ka yimid ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Delhi ee dalka Hindiya. Kiiskan ayaa waxaa ku lug leh labo maqaayad oo tartan uu ka dhaxeeyo iyo qoysas, mid walbana uu sheeganayo inuu raad ku leeyahay maqaayadda caanka ah ee Moti Mahal oo la aasaasay sanadkii 1947, mid walbana uu isugu yeerayo qofka leh fekerka maraqan aadka loo yaqaanno.

    Dacwadda – oo ay soo gudbiyeen qoyska Kundan Lal Gujral, oo ah mid ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee aasaasay maqaayadda – ayaa sheeganaya in Gujral uu sameeyay maraqan waxayna maxkamad la tiigsadeen maqaayadda uu tartanka kala dhaxeeyo ee Daryaganj oo ay ku eedeeyeen inay ka been abuurteen sheegashada fekerka maraqa.

    Qoyska Gujral, oo doonaya in magdhow ahaan loo siiyo $240,000 (£188,968), ayaa sidoo kale sheegay in qoyska Daryaganj ay si khaldan u sheegteen inay iyagu sameeyeen dal makhani, oo ah maraq misir ka sameysan oo lagu kariyay subag.

    Balse waa maraqan digaagga subagga lagu kariyay kan caalamka qabsaday.

    Digaag

    Waxaa jira siyaabo kala duwan oo sheegaya k ugu horreysay ee lagu fekeray sameynta maraqan, balse dhammaantood waxay ku billowdaan magaca nin lagu magacaabo Mokha Singh, saddex ka mid ah shaqaalihiisa iyo ugu yaraan saddex maqaayadood oo ku yaalla qaaradda Aasiya.

    Taariikhda marka dib loo eego waa kahor inta aysan Hindiya xorriyadda qaadan, magaalada boorka badan ee Peshawar (haatan ku taalla Pakistan), halkaasoo ninka dhalinyarada ah ee Singh uu ku lahaa maqaayad caan ah oo lagu magacaabo Moti Mahal, ayuu yiri qoraa iyo cunno-kariye Sadaf Hussain.

    Sanadkii 1947, markii Hindiya ay go’day, Singh iyo dhowr shaqaalihiisa Hindida ah ayaa ka qaxay Peshawar waxayna u guureen caasimadda Hindiya. Wax yar kadibna way is waayeen.

    Ilaa maalin, markii saddex ka mid ah – Kundan Lal Gujral, ina adeerkiis Kundan Lal Jaggi, iyo Thakur Das Mago – ay Singh ku arkeen meel lagu caweeyo, kuna qanciyeen inuu u oggolaado inay Moti Mahal cusub ka furaan Delhi.

    Maqaayaddan yar oo kor ka furneyd, kuna taallay waddada ciriiriga ah ee Daryaganj ayayna ahayd halkii markii ugu horreysay lagu sameeyay maraqan, ayuu yiri Mr Hussain.

    Fekerka wuxuu ka dhashay isku day, iyadoo la adeegsanayo xoogaa ka haray digaag duban oo lagu qasay yaanyo shiishiid iyo xoogaan subag ah. Balse maraq cajiib ah ayaa ka dhashay.

    Sanad gudihiisa, wasiirro iyo madax dowladeed, oo uu ku jiray raysal wasaarihii ugu horreeyay ee Hindiya Jawaharlal Nehru, ayaa macmiil rasmi ah ka noqday Moti Mahal. “Shirarka nabadda ayaa balakoonka lagu qaban jiray. Iyadoo M Maulana Azad… la sheegay in Boqor Shah-hii Iiraan uu u sheegay mar uu ku sugnaa Hindiya inay qasab tahay inuu inuu labo meelood booqdo – Taj Mahal iyo Moti Mahal,” wargeyska The New York Times ayaa Moti Mahal ka qoray sanadkii 1984.

    Hindiya
    Qoraalka sawirka,Waxaa jira xarumo badan oo Moti Mahal ah oo haatan laga furay Delhi

    Muddo aad u dheer, Kundan Lal Gujral ayaa loo nisbeynayay guusha laga gaaray maraqan.

    Balse arrimaha ayaa is beddelay kaddib geeridiisii. Sanadkii 1960, qoyska Gujral ayaa ku qasbanaaday inay kireeyaan Moti Mahal kaddib markii caqabado dhaqaale ay laoso gudboonaadeen. (Maqaayadda waxaa haatan gacanta ku haya qoys kale)

    Sanado yar kadib, Gujrals ayaa furtay maqaayado kale – markan waxay ku magacaabeen Moti Mahal Deluxe – dib ayayna suuqa ugu soo laabteen, iyagoo dhowr kale ka furay magaalada.

    Balse caqabad kale ayaa soo wajahday 2019, markaasoo wiilka uu awoowaha u yahay milkiilihii labaad, Kundan Lal Jaggi, oo maqaayad kale oo la tartanta furay una bixiyay Daryaganj.

    Milkiilayaasha Daryaganj ayaa ku dooday in iyadoo Mr Gujral uu ahaa wejiga maqaayadda, haddana Mr Jaggi uu maamulayay kushiinka, sidaas darteedna cunnooyinka, sida maraqa digaagga, ay dhammaantood fekerkiisa ahaayeen.

    Hindiya

    Qoyska Gujrals, ayaa si kastaba, diiday arrintan waxayna sheegeen in Mr Jaggi uu milkiile aan wax sidaa ku lahayn maqaayadda ahaa oo uusanna door weyn ka cayaarin cunnooyinka maqaayadda, isla markaana maraqa digaagga, uu fekerkiisa lahaa Mr Gujral intii uu weli joogay Peshawar.

    Kanina waa dagaalka haatan la iskula tiigsaday maxkamadda: qoyska ayaa dalbanaya in milkiileyaasha Daryaganj laga xannibo inay isugu yeeraan dadkii lahaa fekerka maraqa digaagga. “Iskama qaadan kartid dhaxalka qof,” wiilka uu awoowaha u yahya Kundan Lal Gujral, oo dacwaddajn soo gudbiyay, ayaa dhowaan u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

    Ma ahan markii ugu horreysay ee qof uu tago maxkamad isagoo sheeganaya fekerka cunno taas la mid ah.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.