Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga iyo taageerada ay u muujiyeen DFS oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.
Kulankan waxaa Madaxweynaha JFS kala qayb galay qaar kamid ah xubnaha wafdigiisa sida Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia iyo safiirada Jaamacadda Carabta ee Ethiopia.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalnimadii shalay gaaray dalka Itoobiya, isaga oo halkaas uga qeyb gali doonna shirka Midowga Afrika, Shirka Urur gobaleedka IGAD iyo Shirka Bulshada Bariga Afrika.