Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      DEG DEG Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud

      February 11, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      DEG DEG Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud

      February 11, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Wax ka ogow sharuudaha ka horreeya guurka gabadhaha Moroccoo ee ragga Soomaalidu u safreen

    Wax ka ogow sharuudaha ka horreeya guurka gabadhaha Moroccoo ee ragga Soomaalidu u safreen

    By Liban QoonoFebruary 5, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa baraha internetka ee Soomaalida qabsaday wararka iyo dooda la xiriirta ragga Soomaalida ah ee u safraya dalka Moroccoo si ay u guursadaan gabadho dalkaas u dhashay.

    Soomaalida iyo guursiga ajnebiga mudadii dambe aad buu u kordhayay rag iyo dumar laakiin ragga Soomaalida ah ee guurka u aadaya Moroccoo waxay ku sababeeyeen in guurka gabdhaha dalkaas, oo Muslim ah, ka jaban yahay kan dumarka Soomaalida.

    Ma ahan Soomaalida oo keliya, laakiin rag kala duwan oo ajaanib ah ayaa guur u aadaya dalkaas.

    Laakiin ragga Soomaalida ah ee muuqalada iska-duubay iyaga oo Morocco safar u ah oo sheegaya inay halkaas guur ugu socdaan ayaa dood weyn oo xooggan islamarkaas na uu kaftan ku laran yahay ka dhex abuurtay dhalinyaradda Soomaalida ee Internetka.

    Haddaba, intan ka ogow xaqiiqada guurka ee Moroccoo iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qofka doonaya in uu dalkaas guur u aado.

    Kumaa tahay, maxaa se cadeyn ah?, dembi se horey ma u gashay?

    Aroos kulmiyay Soomaali iyo Moroccoo
    Qoraalka sawirka,Aroos oo ay kasoo wada qeybgaleen Soomaali iyo bulshada reer Moroccoo waxa uu dhacay 2019kii

    Nin walba oo iska socda ma guursan karo gabadh Moroccoo u dhalatay si walba oo uu u doonayo. Waa in aad la timaado warqada dhalashada rasmiga ah ee ahayn kuwa aad ka qaadatay dalalka aad horey isaga dhiibtay ee sharciga ku siiyay.

    Nin walba oo Soomaali ah oo doonaya in uu gabadh Morocco ah guursado, waa in uu marka hore caddeeyo Soomaalinimadiisa xitaa haddii uu heysto baasaboor Maryekan ah.

    Waxaa kale oo lagaaga baahan karaa warqada dembi la’aanta in aad ka heshid oo ka keentid dalka aad ka timid ee aad ku nooleyd. Sidaa si la mid ah, waxaa la hubin doonaa in sifo sharci ah aad kusoo gashay dalka iyo in kale.

    Tani waxay ka dhigan tahay in qof tahriib ama sharci daro ku galay uusan guursan karin gabadh u dhalatay Moroccoo.

    Haddaba, dib uga istaag haddii ay kula ahayd in aad u tahriibto Moroccoo iyo gabadhaha ay ragga Soomaalida ah hadda ka daba-dhaceen. Waxaa sidoo kale muhiim ah in aad heysatid sharciga degenaashiyaha Moroccoo kahor guurka.

    Warqada caafimaad-qabka

    Mid kale oo ka mid ah sharuudaha muhiimka ah ee guurka ee Moroccoo waa hubinta caafimaadka lamaanaha is-guursanaya kahor meherkooga.

    Si gaar ah, waxay sharuudaan u saameyneysaa ninka dibeda ka yimid ee soo doontay gabadha reer Moroccoo.

    Waxaa baaraya dhakhtar dhashay Morocco ama mid ka howlgala xarumaha caafimaadka ee dalkaas.

    Qorshaha guurka wuu fashilmayaa ama ugu yaraan dib uu u dhici karaa haddii baaritaanka caafimaad uu muujiyo dareen iyo shaki caafimaad qab, si gaar ah cuduradda ku faafa galmada.

    Haddaba, hubi caafimaadkaaga kahor inta Aadan bixin sooryada, lacagta delaalka ama dhaqaale kale oo Aadan ka maarmi doonin.

    Saxiixa iyo ogolaanshiyaha xaaskaaga kale ama Warqada Cadeynta Doobnimada

    Gabadh reer Moroccoo ah oo dhunkanaysa sodohdeed
    Qoraalka sawirka,Gabadh reer Moroccoo ah oo dhunkanaysa sodohdeed

    Kahor inta aanan laguu oggolaan in lagu siiyo gabadh ama laguu guuriyo haweeney u dhalatay Morooko, waa ninka qasab ku ah in uu cadeeyo in uu yahay doob ama in uu horey usoo guursaday, iyo in uu hadda xaas kale leeyahay.

    Waxaa looga baahanayaa warqad cadeyneysa doobnimadiisa oo laga saxiixo safaarada dalkiisu ku leeyahay dalkaas.

    Haddii uu horey usoo guursaday oo ay xaaskiisii hore kala tageen, ama ba ay geeriyootay waxaa looga baahan doonaa warqada cadeynta kala-taga ama warqada geerida oo ay tahay inay xaqiijiso safaarada dalkiisu ku leeyahay Morocco.

    Haddii uu hadda xaas kale leeyahay, waxaa looga baahan yahay in uu keeno warqad saxiixan oo ay hubisay safaaradda oo ay xaaskiisu ku oggolaanayso in uu guursan karo gabadh kale.

    Ma dhacayo meherka iyo arooska kahor inta ninka doontay gabadha uu ka buuxinayo sharuudahaas, oo laga hubinayo warqadaha.

    Ma shaqeyste iyo sabool looma hayo gabadh

    Waxaa kale oo muhiim ah in qofka doonaya gabada u dhalatay Moroccoo uu marka hore ba heysto shaqo lacag leh oo ku filnaan karta nolosha qoyska cusub ee uu dhisayo.

    Waa in uu shaqadaas ka heystaa dalka uu ka yimid, islamarkaasna cadeyn karaa shaqadaas.

    Ma dhacdo marwalba, laakiin waxaa suurtogal noqon karta in la weydiinayo warqado saxiixan ama xisaabta u taal bankiyada. Haddaba, qof walba kama doonan karo gabadh Moroccoo.

    Mid shaqeyste iyo mid xooggiisa maalmaha oo keliya ayaa buuxin kara sharuudaha qaarkood.

    Qiimaha ku bixi kara guurka Moroccoo

    Sida Soomaalida ku dhex faaftay uma jabna qiimaha ku bixi kara aroosyada Soomaalida iyo gabadha Moroccoo
    Qoraalka sawirka,Sida Soomaalida ku dhex faaftay uma jabna qiimaha ku bixi kara aroosyada Soomaalida iyo gabadha Moroccoo

    Waxaa baraha bulshada Soomaalida ku faafay in qiimaha guurka Moroccoo uu aa duga jaban yahay dhulka Soomaalida iyo meelaha kale ee dunida.

    Waxay wararka faafay oo laga soo weriyay rag Soomaali ah oo gabdho ka doontay Moroccoo sheegayaan in qofku baahan yahay wax ka yar saddex si uu u doonto gabadh, u mehersado islamarkaas na u guri geysto.

    Annaga oo og in marwalba qarashka ku baxa guur uu yahay hadda waxa ay ku heshiiyeen labada qof ee is-guursanaya ama hadba sida loo qorsheeyo, haddana waxaa hubinta ah in marwalba uusan guurka Moroccoo u jabneyn sida loogu dhexfaafiyay baraha internetka Soomaalida.

    Ku tala-gal oo qoontey lacag ku dhow $20,000 oo doolar haddii uusan qarshahaaga uusan ahayn aroos gaagaabey ama wax u eg qudbosiro.

    Waxaa lacag badan kaaga bixi kartaa warqada lagaaga baahan yahay iyo hubintooda, sida badan na, safaaradaha iyo xafiisyada kale ee ay khuseyso kuma qabtaan adeegyadaas lacag la’aan.

    Mararka qaar meherka oo keliya ayay ku bixi kartaa lacag dhan $3,000 oo doolar.

    Sidaa si la mid ah, waxaa muhiim ah in qofka doonaya in uu dego oo uu reer ka dhisto Moroccoo in uu ku talogalo caqabadaha afka. Carabig iyo Faransiis ayaa ah labada af ee looga hadlo dalkaas. Qofwalba oo reer dejinaya waa muhiim.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waxaa farxad iyo guul weyn ii ah in aan soo gabagabeeyo buuggii aan muddo dheer ku hawlanaa, kaas oo cinwaankiisu yahay Halgan

    January 25, 2026

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.