Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Waa tuma gabadha Kim Jong Un, ee loo maleynayo inay isaga beddeli doonto?

    Waa tuma gabadha Kim Jong Un, ee loo maleynayo inay isaga beddeli doonto?

    By radiohalgan.comJanuary 20, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Gabadha yar ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi, waa qofka “aadka loogu maleynayo” inay isaga beddesho, sida laga soo xigtay hay’adda sirdoonka Koofurta, ee NIS. Marka maxaan ka naqaannaa Kim Ju Ae, sidee ayayna ugu muuqataa inay maalin un aabbaheed beddeli doonto?

    Kim Jong Un ayaa aad u qariya qoyskiisa taasna waxay keentay inaan wax badan laga aqoon. Xitaa xaaskiisa, Ri Sol Ju, oo muddo qarsoodi ahayd kadib guurkooda – lama arag ilaa sanadkii 2012. Warbaahinta Kuuriyada Koofureed ayaa ku warrantay inay is guursadeen sanadkii 2009 ayna cunug isu dhaleen 2010. Waxaa sidoo kale loo maleynayaa inay tahay hooyada Kim Ju Ae, oo dhalatay labo sano kadib xilligaas.

    Markii ugu horreysay ee jiritaanka Kim Ju Ae la shaaciyo waxay ahayd 2013, kadib markii xiddigga kubbadda gacanta ee howlgabka noqday una dhashay Mareykanka Dennis Rodman uu booqasho muran dhalisay ku tegay Kuuriyada Waqooyi.

    Rodman ayaa sheegay inuu waqti la qaatay qoyska Kim, kusoo dalxiisay badda uuna “kor u qaaday ilmahooda”, oo uu ugu yeeray Ju Ae.

    Kim Jong Un iyo Kim Ju Ae oo ku sugan xarun gantaallada laga gano oo ku taalla meel aan la shaacin oo ku taalla Kuuriyada Waqooyi, January 2024

    Xitaa warbaahinta Kuuriyada Waqoooyi waxay keliya “u aqoonsadeen gabadha Kim Jong Un, iyagoo aan magaceeda sheegeyn amaba da’deeda “, ayuu yiri Fyodor Tertitskiy, oo ah baare siyaasadda Kuuriyada Waqooyi waxna ka dhiga Jaamacadda Kookmin ee ku taalla Seoul. “Wax kale lagama yaqaan, ugu yaraan bulshada dhexdeeda,” ayuu intaa ku daray. Wuxuu ku qiyaasayaa inay da’deedu u dhaxeyso toban ilaa toban iyo dhowr sano.

    Shir jaraa’id oo qarsoodi ah ayay sanadkii hore NIS ugu sheegtay siyaasiyiinta Kuuriyada Koofureed in Kim Ju Ae aanan weligeed laga diwaan-gelin iskuul waxbarasho oo rasmi ah isla markaana wax loogu dhigayay gurigooda ku yaalla Pyongyang. Waxay intaa ku dartay inay ku raaxeysato hiwaayadaha sida kaxeynta fardaha, dabaasha iyo cayaarta barafka. Mid ka mid ah dadkii shirkaas jaraa’id ka qyeb galay ayaa mar dambe weriyeyaasha u sheegay in Kim Jong Un uu gaar ahaan ku qancay xirfadaheeda fardo kaxeynta.

    NIS ayaa sheegtay inay gabadhan ay la dhasheen wiil walaalkeed oo ka weyn iyo cunug ka yar oo jinsiyaddiisa aysan hay’addu xaqiijin. Weligood laguma arag bulshada dhexdeeda.

    Soo muuqashadii ugu horreysay

    Kim Ju Ae ayaa markii ugu horerysay la arkay bishii November 2022 markaasoo ay ka qeyb gashay tijaada gantaal iyadoo aabbaheed la joogtay kaddibna dhinaciisa ayaa lagu arkay dhowr jeer oo kale, munaasabadaha militariga iyo kuwo kaleba.

    Dhowaan, munaasabadda Sanadka Cusub oo ka dhacday Garoonka May 1 ee Pyongyang, iyada iyo aabbaheed ayaa dhabanka iska dhunkaday.

    Bishii December, waxay ka qeyb galeen daah ka qaadidda gantaalka ICBM ee Kuuriyada Waqooyi, oo ah gantaalka riddada dheer ee ugu horumarsan dalkaas. Sidoo kale way la jirtay markii lasoo bandhigayay satellite-ka wax basaasa ee Malligyong-1 bishii November. Pyongyang ayaa sheegtay inuu Kim Jong Un aragti ka siinayo Aqalka Cad.

    Bishii February 2023 Radio Free Asia ayaa ku warramay in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay qof walba oo kale oo lag magacaabo Kim Jun Ae ku amreysay inay magacooda beddelaan, taasoo ay sheegtay inay tahay dhaqan caadi ah marka ay timaaddo xukunka qoyska.

    Dadka u kuur gala arrimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegaya in Kim Ju Ae haatan loo yaqaanno gabadha “la xushmeeyo”, intii loogu yeeri lahaa gabadha “la jecel yahay”.

    Laga yaabo inay beddesho?

    Kuuriyada Waqooyi waa mid aad qarsoodi u ah dunida inteeda kalena uma cadda sababta kasoo muuqashada Kim Ju Ae ee dhinaca aabbaheed ay u noqotay wax aad u dhaca.

    Muwaadiniinta Kuuriyada Waqooyi ayaa loo sheegaa in qoyska reer Kim ay kasoo jeedaan dhiig barakeysay, taasoo micnaheedu yahay in keligood ay dalka hoggaamin karaan iyadoo falanqeeyeyaasha qaarkood ay sheegayaan in xilli hore bulshada la baro ay ka dhigan tahay hab uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku xaqiijinayo in gabadhiisa ay is diyaarineyso kahor inta aysan xukunka la wareegin.

    Ma jirto wax sheegaya in laga yaabo inay beddesho mar dhow, warar hadda kahor la isla dhex marayay oo sheegayay in Kim Jong Un ay xaaladdiisa caafimaad liidato ayaana meesha laga saaray.

    Kim Jong Un iyo Kim Ju Ae oo ku sugan dhoolla-tus militari oo lagu qabtay Kim Il Sung Square iyaodo lagu xusayay 75-guuradii aasaaska Ciidamada Dadka Kuuriya, February 2023

    Qaar kale ayaa sheegaya in sidoo kale laga yaabo inay tahay hab uu Kim Jong Un ku muujinayo inuu yahay qof qoyskiisa daryeela, xilli bulshadaasi tahay mid aad u qiimeysa labka.

    “Marka la eego hoggaamiyeyaashii hore Kim Jong Il iyo Kim Il Sung, waxaa jiray dacaayado badan oo diiradda saarayay doorka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee hooyo ama aabbe ahaan,” ayuu yiri Edward Howell, oo siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Oxford khabiirna ku ah gacanka Kuuriya. “Marka waxaan filayaa in astaantan ay sii socotay iyadoo bulshada horteeda kala soo muuqaneysa aabbaheed.”

    Tan iyo aasaasiddii Kuuriyada Waqooyi 1948, waxaa xukumayay xubnaha ragga ah ee qoyska Kim in haddii Kim Ju Ae ay maalin aabbaheed beddeshana, waxay noqon doontaa gabadhii ugu horreysay ee dalkaasi xukunta.

    Balse “xubin uu ku jiro dhiigga Kim ayaa aad muhiim ugu ah hoggaanka Kuuriyada Waqooyi haddii ay haweeney tahay xitaa, way ka fiican tahay beddelkii uu dalka hoggaamin lahaa qof aan qoyska Kim ka tirsaneyn”, ayuu yiri Howell.

    Kim Jong Un iyo Kim Ju Ae visiting the oo booqanaya Beerta Digaagga Kwangchon meel u dhow Pyongyang, January 2024

    Wuxuu aaminsan yahay in sidoo kale uu jiro qof kale oo mudan inuu beddelo Kim Jon Un – waa hoggaamiyaha walaashiis, Kim Yo Jong, oo markii ugu horreysay ay warbaahinta shaaciyeen bishii March 2014. Xil sare ayay ka heysaa Xisbiga Shaqaalaha Kuuriya ee dalkaasi xukuma.

    “Aad ayay uga weyn tahay Kim Ju Ae khibrad badan ayayna uga leedahay siyaasadaha Kuuriyada Waqooyi,” ayuu yiri. “Marka haddii ay gabadha tahay ama walaasha, labadaba haween ayay noqon karaan, balse in qof qoyska Kim ka tirsan la helo waa waxa ugu muhiimsan.”

    NIS-ta Kuuriyada Koofureed ayaa sidoo kale sheegtay inay eegeyso dhammaanba dadka suurtogalka ah inay beddelaan hoggaamiyaha haatan ee Kuuriyada Waqooyi, maaddaama ay jiraan argatiyo kala duwan.

    BBC SOMALI XIGASHO

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.