Close Menu
    What's Hot

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sidee ayay ciidamada badda Hindiya usoo qabteen burcad-badeed markab ku haystay xeebaha Soomaaliya?

    Sidee ayay ciidamada badda Hindiya usoo qabteen burcad-badeed markab ku haystay xeebaha Soomaaliya?

    By radiohalgan.comJanuary 30, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ciidamada badda Hindiya ayaa soo badbaadiyay labo markab oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, iyadoo cabsi iyo walaac laga qabo inay dib u soo cusboonaato burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

    Howlgalkaan badbaadinta ah ee uu sameeyay markabka dagaalka ee INS Sumitra ayaa qaatay muddo 36 saacadood gudahood ah.

    Maalmo ka hor, ciidamada difaaca ee Seychelles ayaa sheegay in ay burcad badeed ka soo furteen koox kalluumeysato ah.

    Biyaha iyo xeebaha Soomaaliya ayaa horay u ahaa meel ay ku badan yihiin burcad-badeedda, balse waxaa ay dhammaan joogsadeen, kaddib markii ciidamada caalamiga ah ay kordhiyeen roondada ay halkaasi ka sameeyna.

    Hindiya ayaa horey gacan uga gaysatay ilaalinta aagga biyaha Soomaaliya tan iyo 2008-dii.

    Qaar badan oo ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee qeybta ka ah howgallka ilaalinta biyaha Soomaaliya ayaa hadda u guuray dhanka Badda Cas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, halkaasoo kooxda Xuutiyiinta ee Yamen ay weerarro ku qaadaan maraakiibta gancsiga ee maray.

    Khubarrada ayaa hadda ka cabsi qaba in arrintaas ay ka faa’iideysteen burcad badeedda Soomaaliyeed, sida ay sheegtay AFP.

    Weeraradii u dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhaliyay walaac laga qabo in burcad badeeddu ay dib ugu soo laabtaan gobolka
    Qoraalka sawirka,Weeraradii u dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhaliyay walaac laga qabo in burcad badeeddu ay dib ugu soo laabtaan gobolka

    Afduubkii ugu horreeyay ee burcad badeedda ay fuliyaan tan iyo 2017 kadib ayaa dhacay bishii December ee la soo dhaafay, iyadoo Michael Howlett, oo ah agaasimaha Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha, uu xusay in ay arrintan tahay mid “walaac abuuri karta”.

    Intaasi wixii ka dambeeyay waxaa jiray warbixinno isdaba joog ah oo ku saabsan falal afduub ah oo ka dhacay biyaha Soomaaliya.

    Sida laga soo xigtay ciidamada badda Hindiya, markabkoodu wuxuu ka jawaabay codsi u yimid 28-kii Janaayo, dooni sidatay calanka Iiraan.

    Saraakiisha ciidamada badda ayaa tilmaamay in budhcad-badeedda ay ku qasbeen in ay sii daayaan shaqaalihii la socday doonida “sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta X ee horey loo dhihi jiray Twitter.

    β€œMarkii 17-kii shaqaalaha ahaa la sii daayay, markabka ayaa la nadiifiyay oo loo ogolaaday inuu safarkiisa sii wato, ayaa lagu yiri qoraalka ciidanka badda Hiniya,”war saxaafadeedka laguma xusin xaaladda burcadbadeedda iyo halka ay ku danbeeyna.

    Ciidanka Badda Hindiya ayaa  fuliyay dhowr howlgal oo ka dhan ah burcad badeedda Soomaalida .
    Qoraalka sawirka,Ciidanka Badda Hindiya ayaa fuliyay dhowr howlgal oo ka dhan ah burcad badeedda Soomaalida .

    Ciidanka badda Hindiya ayaa sheegay in maanta oo Talaadado ah markabka dagaalka ee INS Sumitra mar kale “laga dalbaday in kaalin uu ka qaato soo badbaadinta Markabka kalluumeysiga ee Al-Naimi oo sitay calanka Iiraan iyo shaqaalihii saarnaa.”

    Askarta ayaa sidoo kale soo badbaadiyay shaqaale ka kooban 19 badmaaxiyiin ah oo u dhashay dalka Pakistani kuwaas oo Markabka la socaday.

    Ciidamada badda Hindiya ma sheegin halka ay ku dambeeyaan raggii bucad badeedda ahaa ee Markabka haysatay, balse sawir la soo geliyay barta X ee ciidanka badda Hindiya ayaa muujinayay ciidamo hubeysan oo ilaalinaya rag gaaraya ilaa 10 nin oo gacmaha ka xiran.

    Horraantii bishii Janaayo, ciidamada kumaandooska Hindiya ayaa soo badbaadiyay 21 shaqaale ah oo saarnaa markab sitay calanka Liberia oo ay burcad badeeddu ku weerareen xeebaha Soomaaliya.

    Dhanka kale, Jaziirada Seychelles ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay soo furteen Sabtidii lix kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Sri Lanka, kaddib markii ay muddo saddex maalmood ah haysteen rag hubeysan oo ku weeraray meel 840 nautical miles (1,555 KM) Koonfur-bari kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    Ciidanka Badda Hindiya ayaa fuliyay dhowr howlgal oo ka dhan ah burcad badeedda Soomaalida.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.