Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.
Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Madaxweynaha Qaranka warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sida ciidamada xoogga ay diyaar ugu yihiin sagaalka dalka loogu sifeenayo argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidanka, waxa uuna kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye ku-xigeenka Ciidamada dhulka Xooga dalka Soomaaliyeed.
Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha, Madaxda hogaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha, Madaxda hogaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dagaalka Al-Shabaab ayaa qorshuhu yahay in dardar xooggan dib loogu bilaabay, xilli muddooyinkii dambe ay hoos u dhaceen howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, marka laga tago duqeynta cirka iyo deegaano kooban
Billowgii kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxay kooxda ku weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.
Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa la dardar-gelinayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hor.