Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta ka dhacay Muqdisho xilli ay magaalada ka socotay ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxaysay gobollada Banaadir iyo Gamudug.
Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey qaraxan, waxayna sheegeen inaan cidina waxba ku noqonin.
Qofka keliya ee ku dhintay qaraxan ismiidaaminta ah ayaa ahaa qofkii isa soo miidaamiyey, sida ay booliiska sheegeen.
Booliiska ayaa sheegay in qofkaasi uu isku qarxiyey goob shidaal xilli ay ciidamada amnigu cayrsanayeen.
Qaraxa waxa uu ka dhacay agagaarka nawaaxiga isgoyska Cali Kamiin ee Muqdisho, oo u dhow garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium.
Qaraxa ayaan saameyn ku yeelan cayaartii ka socotay garoonka, oo si nabad ah kusoo idlaatay, halkaasi oo kooxda Galmudug ee rigooreyaal ku adkaadeen.