Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025

    Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

    August 15, 2025

    Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

    August 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      DEG DEG Madaxweyne hore Xil Sh Shariif ayaa si adag u cambaareeyay dagaalka ka socda Muqdisho

      August 14, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      DEG DEG Madaxweyne hore Xil Sh Shariif ayaa si adag u cambaareeyay dagaalka ka socda Muqdisho

      August 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaa ka jira in dad loogu xiray Somaliland arrintii heshiiska Itoobiya awgeed

    Maxaa ka jira in dad loogu xiray Somaliland arrintii heshiiska Itoobiya awgeed

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 8, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Tan iyo markii la shaaciyay heshiis is-afgarad oo la sheegay in ay wada gaareen Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaa soo baxaya falcelinno kala duwan.

    Dhinaca dowladda federaalka ah, siyaasiyiinta kale ee Soomaalida iyo shacabkaba, si isku mid ah ayey u dhaliileen heshiiskan, hase yeeshee dhinaca Somaliland xukuumadda iyo shacabkaba waa ay isku khilaafeen iyadoo la’arkayay bannaan baxyo waaweyn oo ka dhacay guud ahaan magaalooyinka Somaliland.

    Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaa ka dhacay dibad bixii ugu weynaa ee ka dhaca Somaliland, kaas oo shacabku ay ka mideysnaayeen aragtida ay ku diiddan yihiin heshiiska isfaham ee Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah Somaliland ay ka dheceen dibad baxyo kale oo lagu taageerayo.

    Dibad baxyada kaddib, saacadihii la soo dhaafay waxaa si aad ah loo hadal hayay xarigga labo wariye oo bulshada saameyn ku dhex leh, iyo is casilaadda wasiirkii gaashaandhigga ee Somaliland.

    Xarigga wariyeyaasha

    Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ah guddoomiyaha Warbaahinta MM Somali TV ayaa xabsiga loo taxaabay xilli uu ku guda jiray barnamij dood ah oo ku saabsanaa heshiiska arrinta la xiriirta badda.

    Illig ayaa lala xiray wariye Maxamed Andar iyo Ilyaas Cabdinaasir oo lagu xiray magaalada Hargeysa.

    Somaliland weli ma aysan caddeynin sababta loo xiray wariyeyaasha, hase yeeshee waxa loo maleynayaa in barnaamijkan ay xukuumaddu diiddantahay maadaama xariggu uu dhacay xilli uu barnaamijku si toos ah u socday.

    Warbaahinta qaar ayaa ku warrameysa in la burburiyay qalabkii warbaahinta ay ka howlgalayeen.

    Ma aha markii ugu horreysay ee Hargeysa lagu xiro Wariye Maxamed Cabdi Illig.

    Dhinaca kale, waxaa xabsiga markale loo taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo horay ay Somaliland u xirtay marar badan isagoo muddo xabsi ku jiray.

    Cabdimaalik Coldoon ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku shaaciyay muuqaal daqiiqado soconaya isaga oo kaga hadlay fikirkiisa ku aaddan heshiiska arrinta badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

    Coldoon oo ciwaan uga dhigay muuqaalkiisa ‘Halka aan ka taaganahay heshiiska Itoobiya dhulka lagu siinayo’ ayaa yiri, “Heshiiska noocaas ah, waa jarriimo, waa gef, waa gumeyn lagu gumeynayo dadkeenna”.

    “Taliska Itoobiya waxaa nooga maqan dhul ballaaran oo uu ingiriisku siiyay, dhulkaas Itoobiya ayaa weli heysata, iyadoo ay taasi jirto suuragal ma ahan in aynu dhul kale siinno, haddii lagu helayo aqoonsi iyo haddii kalaba”, ayuu sii raaciyay Wariye Cooldoon.

    Coldoon ayaa la sheegayaa in jirdil loo geystay, hase yeeshee Somaliland weli kama aysan hadal sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

    Wasiirkii gaashaandhigga ee is casilay

    Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeyey ayaa sheegay in uu is casilay Axaddii shalay.

    Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyey telefiishan maxalli ah oo lagu magacaabo Horyaal TV.

    Wasiirka ayaa caddeeyay in go’aanka is casilaaddiisu ay la xiriirto heshiikii is afgarad ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi.

    Waxa uu si cad u sheegay in uu diiddanyahay isla markaana horjeedo heshiiska.

    “Waan wada hadalnay madaxweynaha, waxan aminsanahay in Itoobiya aysan iman Karin, mana u oggoli bad kasta oo aan leenahay, sidaas ayaan madaxweynaha isku fahmi weynay”, ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud.

    Wasiirka ayaa sheegay in go’aankiisu uu ka dambeeyey kulan ay yeesheen isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku kala aragti duwanaadeen.

    Ka sokow wasiirka is casilay, Golaha Wasiirrada ee Somaliland ayaa kulan ay yeesheen horraan waxa ay taageereen heshiiskan is-afgarad.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dabley hubeysan oo laba ruux ku dilay magaalada matabaan duleedka

    May 6, 2025

    Wararkii u dambeeyay dagaal ka dhacay Aboorey iyo dhaqdhaaqyo ka socda deegaankaas

    April 23, 2025

    Dhageyso:-Dhagaweyne oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa beeniyay warar shaqsiyaad u adeega Argagixisada baraha bulshada ku baahiyeen

    February 26, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025

    Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

    August 15, 2025

    Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

    August 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.