Close Menu
    What's Hot

    Maxaa loga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Masar Iyo Boqorka Imaaradka Maxamed Bin

    February 12, 2026

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Maxaa loga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Masar Iyo Boqorka Imaaradka Maxamed Bin

      February 12, 2026

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Maxaa loga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Masar Iyo Boqorka Imaaradka Maxamed Bin

      February 12, 2026

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxaa ka jira in dad loogu xiray Somaliland arrintii heshiiska Itoobiya awgeed

    Maxaa ka jira in dad loogu xiray Somaliland arrintii heshiiska Itoobiya awgeed

    By radiohalgan.comJanuary 8, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Tan iyo markii la shaaciyay heshiis is-afgarad oo la sheegay in ay wada gaareen Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaa soo baxaya falcelinno kala duwan.

    Dhinaca dowladda federaalka ah, siyaasiyiinta kale ee Soomaalida iyo shacabkaba, si isku mid ah ayey u dhaliileen heshiiskan, hase yeeshee dhinaca Somaliland xukuumadda iyo shacabkaba waa ay isku khilaafeen iyadoo la’arkayay bannaan baxyo waaweyn oo ka dhacay guud ahaan magaalooyinka Somaliland.

    Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaa ka dhacay dibad bixii ugu weynaa ee ka dhaca Somaliland, kaas oo shacabku ay ka mideysnaayeen aragtida ay ku diiddan yihiin heshiiska isfaham ee Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah Somaliland ay ka dheceen dibad baxyo kale oo lagu taageerayo.

    Dibad baxyada kaddib, saacadihii la soo dhaafay waxaa si aad ah loo hadal hayay xarigga labo wariye oo bulshada saameyn ku dhex leh, iyo is casilaadda wasiirkii gaashaandhigga ee Somaliland.

    Xarigga wariyeyaasha

    Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ah guddoomiyaha Warbaahinta MM Somali TV ayaa xabsiga loo taxaabay xilli uu ku guda jiray barnamij dood ah oo ku saabsanaa heshiiska arrinta la xiriirta badda.

    Illig ayaa lala xiray wariye Maxamed Andar iyo Ilyaas Cabdinaasir oo lagu xiray magaalada Hargeysa.

    Somaliland weli ma aysan caddeynin sababta loo xiray wariyeyaasha, hase yeeshee waxa loo maleynayaa in barnaamijkan ay xukuumaddu diiddantahay maadaama xariggu uu dhacay xilli uu barnaamijku si toos ah u socday.

    Warbaahinta qaar ayaa ku warrameysa in la burburiyay qalabkii warbaahinta ay ka howlgalayeen.

    Ma aha markii ugu horreysay ee Hargeysa lagu xiro Wariye Maxamed Cabdi Illig.

    Dhinaca kale, waxaa xabsiga markale loo taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo horay ay Somaliland u xirtay marar badan isagoo muddo xabsi ku jiray.

    Cabdimaalik Coldoon ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku shaaciyay muuqaal daqiiqado soconaya isaga oo kaga hadlay fikirkiisa ku aaddan heshiiska arrinta badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

    Coldoon oo ciwaan uga dhigay muuqaalkiisa β€˜Halka aan ka taaganahay heshiiska Itoobiya dhulka lagu siinayo’ ayaa yiri, β€œHeshiiska noocaas ah, waa jarriimo, waa gef, waa gumeyn lagu gumeynayo dadkeenna”.

    β€œTaliska Itoobiya waxaa nooga maqan dhul ballaaran oo uu ingiriisku siiyay, dhulkaas Itoobiya ayaa weli heysata, iyadoo ay taasi jirto suuragal ma ahan in aynu dhul kale siinno, haddii lagu helayo aqoonsi iyo haddii kalaba”, ayuu sii raaciyay Wariye Cooldoon.

    Coldoon ayaa la sheegayaa in jirdil loo geystay, hase yeeshee Somaliland weli kama aysan hadal sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

    Wasiirkii gaashaandhigga ee is casilay

    Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeyey ayaa sheegay in uu is casilay Axaddii shalay.

    Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyey telefiishan maxalli ah oo lagu magacaabo Horyaal TV.

    Wasiirka ayaa caddeeyay in go’aanka is casilaaddiisu ay la xiriirto heshiikii is afgarad ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi.

    Waxa uu si cad u sheegay in uu diiddanyahay isla markaana horjeedo heshiiska.

    β€œWaan wada hadalnay madaxweynaha, waxan aminsanahay in Itoobiya aysan iman Karin, mana u oggoli bad kasta oo aan leenahay, sidaas ayaan madaxweynaha isku fahmi weynay”, ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud.

    Wasiirka ayaa sheegay in go’aankiisu uu ka dambeeyey kulan ay yeesheen isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku kala aragti duwanaadeen.

    Ka sokow wasiirka is casilay, Golaha Wasiirrada ee Somaliland ayaa kulan ay yeesheen horraan waxa ay taageereen heshiiskan is-afgarad.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob

    February 9, 2026

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Maxaa loga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Masar Iyo Boqorka Imaaradka Maxamed Bin

    February 12, 2026

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.