Close Menu
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Magaaladii ugu horreysay oo Soomaaliya ah oo shidaal laga soo saarayo sannadkan

    Magaaladii ugu horreysay oo Soomaaliya ah oo shidaal laga soo saarayo sannadkan

    By radiohalgan.comFebruary 16, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceelkii shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

    Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

    Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu.

    Wasiirka Batrool ka ayaa faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan hawlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

    Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo.

    Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana magaalada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hay’adda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.

    Khuburadan ayaa intii ay joogeen Hobyo waxay si dhow ugu kuurgaleen saameynta qodista iyo soosaarista shidaalku ku yeelan karto deegaanka, gaar ahaan bulshada xeebaha ku nool ee u nugul nakhaska karboonka ee ka soo fufaya lakabyada badda gunteeda ah ee shidaalku ku xanniban yahay.

    Dadka deegaanka oo horay ula hadlay warbaahinta ayaa marar kala duwan cabsi ka muujiyay arrintaan.

    Badda Soomaaliya waxaa ku yaal illaa 250 xirmo oo horay loo qoondeeyey, sida ay baahisay wasaaraddu, balse Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo kala ah Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo.

    Isha ceelka ayaa la raadinayaa”

    Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed wuxuu sheegay in goor dhow la billaabi doono sahminta bedka dhul badeedka ee loo yaqaan ‘3D seismic survey’ si loo dhudhumiyo qotoda bed dhuleedka islamarkaana loo xaqiijiyo halka ay ku taal isha ceelka la qodayo, taas oo badanaa qaadata muddo 3 bilood ah.

    Marka uu soo idlaado sahankaas, islamarkaana la helo isha ceelka, waxaa billaabaneysa in ceelka la duleeliyo, dabadeedna shidaalka la soo saro.

    Shirkado caalami ah oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa hawlo shidaal baaris ah ka billaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, laakiin midkood ma soo gaarin heer yididiilo leh ilaa ay markii dambe dalka isaga baxeeen markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen 1991.

    Shirkadda Coastline Exploration oo fadhigeedu yahay magaalada Houston ee dalka Mareykanka oo hoggaamineysa hawsha shidaalka, waxay sannadkii 2022 kii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kula heshiisey in y baaritaan iyo shidaal qodis ka sameyso 7 aag oo ku fadhiya dhul 35,000 km oo isku wareeg ah, sida uu baahiyay suuqa kala iibsiga badeecadaha shidaalka ee SPG.

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku han weyn in horumarinta khayraadka shidaalku ay dalka u soo jiideyso dhaqaale wax looga qabto daruufaha jira, sidoo kalena ay irdaha u fureyso fursado shaqo, canshuur dowladda soo gasha iyo maalgashi shisheeye.

    Dhinaca kale Agaasimaha Fulinta shirkadda Coastline Exploration, Richard Anderson oo goor sii horreysey la hadlayey S&P Global Commodity Insights ayaa hoosta ka xarriiqay in “marka laga shidaal qaato baaxadda shidaalka Soomaaliya ku keydsan, ay fursaddani tahay mid aan la dayici karin.

    Anderson ayaa intaas ku daray in shidaalka laga helo Soomaaliya uu beddeli doono isku dheellitirnaanta siyaasadda ku dhisan ahmiyadda dhulka, sidaa darteed dadka Soomaaliyeed aysan iska lumin fursaddan.

    Isha: BBC Somali

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.