MW Cosobleayaa Yiri Madaxweyne Deniyow waxaan aaminsanahay qodob ka mid ah dastuurka Puntland inuu farayo madaxda Puntland iney la dagaasho dowladda federaalka, laakin waxa aad sameysay waa xeer dhaaf.
Goor la wada hadlo oo la xisaabtamo wey imaan, laakin wexey aheyd inaadan ka tagin akhayaarnimada. Xasan Shekh waa madaxweynihii dalka, wuxuu huwan yahay karaamadii shacabka Soomaaliyeed, dunida meeshuu tagana waa loo istaagaa waxaana loo tumaa musikada astaanta u ah qaranka Soomaaliya.
Adigoo gurigaaga laguugu yimid si looga qeyb qaato xafladda caleema saarkaaga markaad sida bilaa ixtiraamka ah ula dhaqanto madaxweynihii dalka umaadan gafin Xasan Shekh ee waxaad u gaftay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana reer Puntland.
Xawaadlaha wexey yiraahdaan “aa loo xeer”.