La taliyaha Amniga Ethiopia ayaa sheegay in wadamada deriska ee gobolka geesku ogaayeen kahor inta aan la saxiixin heshiiska dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, La taliyuhu ma uusan sheegin magacyada wadamada sida hordhaca ah u ogaa heshiiska.
Sida la ogyahay waxaa jira wadam wadamo Soomaaliya iyo Ethiopia deris la ah oo aan wali wax war ah kasoo saarin arrinka heshiiska Abey iyo Biixi.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ahna sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiinayeen guddiga arrimaha dibadda Senatorada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uusan safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis ababa uusan sii ogeyn heshiiska Muuse Biixi iyo Abey.
Arrinkaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli ay dadka Soomaaliyeed dhaliilayaan heerkulka jawaabta ururgoboleedka IGAD oo si miisaankeedu hooseyo uga hadlay arrinka.