Gary Neville ayaa hoos u dhigay fursada ay Arsenal ku hanan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed heer sare ah waxana ay garaacday hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool.
Neville oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhiβArsenal waxa ay ahayd koox aan doonayn in ay ka baxdo tartanka horyaalka waxana aan aragnay farxadooda dhamaadkii ciyaartaβ.
βBilowgii xilli ciyaareedkan waxa aan aaminsanaa in ay Arsenal ku guulaysan karto horyaalkaβ.
Laakiin waxa aan aragnay calaamado badan maanta, Arsenal ma haysato weeraryahan dilaa ahβ.
βWaxa aan u malaynayaa in ay arintaas saamayn doonto dhamaadka xilli ciyaareedkanβayuu sii raaciyay.

