Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa toddobaadkan u sheegay Congress-ka in ay dhameystirayaan iibka diyaaradaha F16 ee ay Turkiga horey ugu heshiiyeen.
Iibka diyaaradaha ayaa ku kacaya 32 bilyan oo dollar, wuxuuna imanayaa xilli Turkey ay ugu dambeyn dhameystirtay ogolaanshaha xubinnimada Sweden ee ururka NATO.
Haddaba Arrinkani muxuu uga dhigan yahay Turkiga, muxuuse iminka Mareykanku ku ogolaadey iibka diyaaradahaas. Warbxin ku saabsan arrintan waxaa London ka soo direy wariyaha VOA ee Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.