Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu iska hor yimaad culus dhex maray ciidamada Booliska iyo ilaalada xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ay howlgal ku qaadeen Guri ku dhegan Hoyga uu degaankaasi ka degan yahay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), kadibna ay isku dhaceen ciidamada iyo ilaalada Xildhibaanka.
Xogta laga helayo iska hor imaadka ayaa sheegaya Ciidamda Booliska uu howlgalkooda ku wajahnaa kooxo ka ganacsatada Maandooriyaha, waxaana Guriga Booliska weerarreen lagu qabtay Daroogo kala duwan.
Isku dhaca ilaada xildhibananada iyo ciidamada ayaa waxaa ka dhashay qasaare, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhawacmay taliye ku xigeenkii Booliska degmada Kaaraan Daa’uud Dalmar.
Rasaas goos goos ah ayaana wali laga maqlayaa aaga uu ku yaallo guriga xildhibaan Cismaan Xaadoole, labada dhinac ayaana kala helaya gurmadyo uga imaanaya magaalada qeybaheeda kala duwan.