Close Menu
    What's Hot

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Puntland, ayaa cambaaraysay xarig sharci darro ah oo Muqdisho loogu geystey Suxufi halkaas ka hawlgala.

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Puntland, ayaa cambaaraysay xarig sharci darro ah oo Muqdisho loogu geystey Suxufi halkaas ka hawlgala.

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Ciil Walaal: Ismaaciil Cumar Geelle – W/Q Fahad Yaasiin

    Ciil Walaal: Ismaaciil Cumar Geelle – W/Q Fahad Yaasiin

    By radiohalgan.comJanuary 28, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti waxay ku salaysantahay balaayo waa la iska moosaa, wuxuuna awood walba galiyaa sidii Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya. 

    Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu daad culus kusoo wajahanyahay, wuxuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid diblomaasi oo uu isaga leexin karo mawjaddan kusoo jeeda Jabuuti, wuxuuna qaaday tallaabooyin wax tar u leh dalkiisa.

    Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad wada gashaan heshiis wax kala badalasho ku dhisan oo ah in Itoobiya ay hesho bad, waxna loogu baddalo Soomaaliya. Qorshahaas, wuxuu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tallaabadaas aanan diidmo ka muujinin, haddana ka cabsaday inuu horay ugu sii socda. Dabeecadda Abiy oo boobsiiska jecel iyo dhaqanka Xasan oo daahista u sifaysan baa dib u dhigay hirgalinta heshiis dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya. 

    Geelle, isagoo dareensan waqtiga sida seefta oo kale u socda, wuxuu dajistay shax kale oo aad u xeel dheer isagoo ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka aqbalo in Jabuuti lagu qabto shir wada hadal Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo cinwaankeedu yahay xoojinta wada xaajoodyadii horay usoo socday. Codsigaas wuu aqblay Xasan Sheekh, isagoon ogayn dhagarta ku hoos qarsoon.

    Dhanka kale, Ismaaciil Cumar wuxuu kula heshiiyey Itoobiyaanka inuu Xasan ku qancinayo inuu u fasaxo in Somaliland iyo Itoobiya ay galaan heshiis ay ku helayso bad iyo dekado, qofka u saxiixayana uu noqdo Muuse Biixi, ayaga oo haysta ogolaashaha Villa Soomaaliya. Sida caadada ah, mar walba Ismaaciil iyo Muuse waa isla socdaan, cidda siran waa Muqdisho. 

    Wajigii muuqday ee shirka kolkuu dhamaaday, wuxuu Ismaaciil hordhigay Xasan Sheekh ajandihii qarsoonaa ee shirka loo qabtay. Wada hadal kooban kaddib, waxaa khadka telefanka lasoo galiyey Abiy Axmed oo ay Geelle isa sii ogaayeen, halkii baana loogu sheegay Abiy in Madaxweyne Xasan uu ogolaaday in Muuse Biixi uu la gali karo heshiiska badda, laakiin shuruudo dhawr ah buu wataa Xasan oo ah, inaanan Muuse la siinin maamuus dal madax bannaan iyo in heshiiskan uu horudhac kaliya noqdo, heshiiska oo buuxana lala sugo Dowladda Federaalka. Sidoo kale, inaanan lagu dhawaaqin heshiis tafaasiil xanbaarsan oo hadallo guudmar ah un lagu soo koobo.

    Markii uu Madaxweyne Xasan usoo duulay Muqdisho, Muuse wuxuu toos u aaday Addis Ababa si wadaxaajoodka guud u galo. Nasiib darro, heshiiskii Ismaaciil dhexdhexaadka ka ahaa sidii loogu ballamay looma fulin.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ballanfurkaas waa ka carooday, waxaana saldhig u ahaa laba qodob ; maamuuskii garoonka Addis Ababa lagu siiyay Muuse Biixi iyo in heshiiska ay si toos ah u kala saxiixdeen Abiy iyo Muuse, taasoo aan waxba u reebin Xasan Sheekh.

    Qodobka kale, waa in lagu soo daray erayo qeexaya in Somaliland la aqoonsanayo oo sidii dal madax bannaan loola dhaqmayo.

    Sidaad wada xusuusataan Madaxweyne Xasan dhawr maalmood ayuu aamusnaa oo dhakafaar ku jiray oo marna Geelle wacay, marna dajisanayey qaabkii uu uga falcelin lahaa gadoodka shacabka ee cirka isku shareertay. Ilaa iyo hadda waxaa muuqata in Madaxweynuhu lug u laaban tahay, waxayna ka muuqata sida wali loo qaadin talaabo u qalanta waxa dhacay.

    Geelle, saddex qolaba halmar buu gool kawada dhaliyey. Itoobiya mashruucii bad raadinta wuu ka dhiciseeyey. Muuse Biixi, ceeb iyo fadeexad buu dhex fariisiyay, Soomaaliyana buuq iyo qalalaase muddo soconaya buu ku abuuray. Tan ugu muhiimsan waa in uu iska dadbay damacii Itoobiya oo uu Jabuuti ka leexiyey mawjaddii bad raadinta ahayd.

    Waa kuma Ismaaciil Cumar Geelle?

    Madaxweynaha Jabuuti, haddii Soomalida qaarkeed u taqaanno (Hiil walaal), waxaan anigu u aqaanaa (Ciil walaal), waana sababahan dartood;

    Koow: Dagaalka 1977dii Mudane Geelle, wuxuu hub iyo saanadba ku caawin jiray nidaamkii Mingistu, taasna wuuba ku faanaa.

    Labo: Jabhadihii xarumaha ka dhigtay Itoobiya ee la dagaallamayey dowladii Janaraal Maxamed Siyaad Barre wuxuu usoo iibin jiray hubka iyo agabka ciidan.

    Sadex: Shirkii Carta, waa sheeko dheer oo waqtigeeda la faahfaahin karo, wuxuuse ahaa qorshe uu Geelle ku fashilinayey istiraatiijiyad u diyaarsaday Alle ha u naxariistee Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal oo doonayey inuu Boorama ku qabto shir lagu heshiisiinayo walaalaha koonfureed, waxaana Cigaal ugu dhex qarsooneyd in shirkaas ay ka dhalato dowlad midaysa Soomaali oo idil,  uuna Madaxweyne ka yahay isaga qudhiisa. 

    Geelle oo taas ka hortagaya, ayaa doc faruuray qorshihii Hargeysa oo madaxdii koonfureed ka codsaday in shirka loo soo wareejiyo Jabuuti. Madaxweynihii hore ee Jabuuti Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo hawlgab ahaa tallaabadan wuu ka carooday, wuxuuna taageersanaa in Soomaalida la isku daayo, oo shirka Ina Cigaal martigaliyey ay Jabuuti garab istaagto.

    Afar: Duullaanka maamulkii Tigreega kusoo qaadeen Soomaaliya 2006dii taakulo siyaasadeed iyo mid diblomaasi ayuu Geelle la garab taagnaa Itoobiya. Xitaa madaxdii Soomaaliyeed ee Jabuuti miciinka biday wuxuu ku amray iney dalkiisa degdeg uga baxaan

    Shan: Markii ay Kenya ku cadaadisay dowladii hore, inay dib u soo celiso kiiska Badda ee nagala dhaxeeyay, oo lagu gacansayray codsigaas, waxay abuurtay jabhado hubeysan oo carqaladeeya amniga dhulka xuduudda ah, gaar ahaan xadka Balad Xaawo, Jabuuti waxay IGAD ka codsatay in iyada loo wakiisho xaqiiqo raadinta arrimahan. Soomaaiya way aqbashay iyadoo aaminsan in ugu yaraan ay si cadaalad ku jirto kiiskan uga gun gaari karto. Balse Geelle wuxuu la saftay Kenya, wuxuuna qariyay xaqiiqdii la wada ogaa.

    Xusuustaas oo idil waxaan usoo faagay, inaan hal su’aal weydiiyo Madaxweynaha Jabuuti. Intaas oo danbi iyo gabood fal ah haddii ay taariikhda kuugu qorantahay, malaga yaabaa inaad halmar Soomaali si bareer ah ula jirsato oo aad ugu hiilliso, waliba waxaa dalka Madaxweyne ka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si gaar ah kuu shinsada, kaana mudan inaad u hiiliso.

    W/Q: Fahad Yaasiin

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan  Radiohalgan.com waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada =Radiohalgan1@gmail.com Mahadsanid.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.