Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

      May 11, 2025

      Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka Shiraya Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

      May 11, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

      May 11, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo sannadkan ka sare martay dalal ku yaalla Ameerika iyo Aasiya

    Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo sannadkan ka sare martay dalal ku yaalla Ameerika iyo Aasiya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 26, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Mareykanka ayaa leh ciidamada ugu awooda badan caalamka, waxaana ku soo xiga Ruushka iyo Shiinaha oo ku jira kaalinta labaad iyo seddexaad. Hindiya waxa ay soo galeysaa booska afraad, sida lagu sheegtay bogga Global Firepower, oo ah shabakad isha ku haysa xogta difaaca caalamka.

    Qiimeynta Global Firepower ee 2024 ayaa waxay sannadkan ku sameysay 145 waddan, iyada oo la tixgelinayo in ka badan 60 arrimood sida tirada ciidamada, qalabka milatariga, xasilloonida maaliyadeed, goobta juqraafiyeed, iyo agabyada la heli karo. Qodobbadani waxay si wada jir ah u go’aamiyaan dhibcaha PowerIndex, halkaasoo buundooyinka hoose ay muujinayaan awoodaha ciidan ee xooggan.

    Waddamada kale ee soo galay 10-ka ugu sarreya waxaa ka mid ah Kuuriyada Koonfureed, Ingiriika , Japan, Turkiga, Pakistan iyo Talyaaniga.

    Kaalinta ay Soomaaliya ka gashay liiskan la soo saaray 2024-ka

    Sannadkii 2022 Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 138-aad waxaana ka dambeeyay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jiray kaalmaha 139-aad iyo 140-aad.

    Sannadkii dhamaaday ee 2023-kii Soomaaliya waxay liiska ka gashay kaalinta 142 waxaana ka dambeeyay 3 waddan oo kala ahaa Maldova, Benin iyo Bhutan.

    Sannadkan 2024-ka kaalinta ay Soomaaliya ka gashay liiska awoodaha militari ee adduunka ayaa ah 142 oo la mid ah kaalintii ay gashay sannadkii tagay balse waxaa kala duwan 3-da waddan ee ka hooseeya. Sannadkan waxaa ka hooseeya 3 dal oo kala ah Bhutan, Moldova, Suriname. Waddamadii ay sannadkii hore ka sara martay waxaa ka baxay Benin oo sannadkan gashay kaalinta 41-aad.

    Waddamadan ay Soomaaliya ka sare martay ayaa waxay ku kala yaallaan qaaradaha Ameerika iyo Aasiya.

    Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqatay inay saddexdii sano la soo dhaafay sare u soo kacaysay.

    Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano ka dib kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ka yeesheen kaas oo si aqlabiyad leh loogu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya ilaa sanadkii 1992-dii.

    Sidaa darteed waxaa la saadaalinayaa in sanadaha soo socda ay awoodda militari ee Soomaaliya ay sare u kici doonto marka ay soo iibsato ama la siiyo hubka loo fasaxay.

    Awoodda militari ee Soomaaliya ee 2024

    Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.

    Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

    1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

    Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof.

    Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

    Wargeyska ayaa sannadkan qoray in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan.

    Hase yeeshee waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay haysato 65 oo ah gawaarida gaashaaman.

    Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

    Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

    Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3, halka tirada ciidamada baddana uu wargeyska ku sheegay inay gaarayaan ilaa 300.

    11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

    Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda muquurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

    Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

    Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Hase yeeshee tirada ciidamada cirka ayuu wargeyka ku sheegay inay tiro ahaan yihiin 300 oo askari.

    Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.

    Awoodda ay Soomaaliya u leedahay inay sare ugu qaaddo awoodeeda militari ayaa lagu qiyaasay 13, 190,000,000 oo doolarka Mareykanka ah.

    Deynta dibadda waa 5, 300,000,000 halka sannadkii hore ay ka ahayd.

    Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

    Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

    Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

    Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

    Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

    Isha: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.