Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaasi oo maanta laga maqlay qaraxyo xooggan. Taliye Sanbaloolshe ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidamada dowladda, isaga oo ka dhageystay warbixin ku aadan howlgallada ay wadaan ciidamada amniga. Kormeerka taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli maanta ay laamaha amniga sheegeen in ay ka hortageen qaraxyo ay Al-shabaab isku dayeen in ay soo galiyaan gudaha magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, qarax khasaare kala duwan sababay ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley, waxaana lala beegsaday bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad…
Muqdisho, 21-August-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirrada ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay shirka xasilinta deegaanada Hirshabeelle ee dhawaan la xorreeyay oo ay soo agaasintay Dowladda Federalka Soomaaliya. Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Salaax Axmed Jaamac iyo Wasiirrada Xasilinta iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa. Ugu horeyn waxaa shirka furay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac waxana uu tilmaamay muhiimada uu shirkan u leeyahay Dowladda Hirshabeelle. “Nabad iyo xasilooni ayaan kusoo arkay deegaano gacanta ugu jiray Khawaarijta muddo dhan 16-sanno ah taas oo ku timid awood.…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka. Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida doodda ku saabsaneyd arrimaha canshuuraha iibka, cabashada ganacsatada kala duwan iyo sida lagu xalin karo. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka canshuurta loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sidoo kale habka lagu xalin karo, waxaana inta badan Xildhibaanadu ay ka sinnaayeen muhiimadu ay qarankeena u leedahay bixinta canshuurta. Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)…
Madaxweynihi ugu horreeyay oo madow ah ee soo mara Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama ayaa xalay khudbado ku ruxay hoolka uu ka socdo Shiweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada Chicago. Lamaanaha reer Obama ayaa ku boorriyay dadka Mareykanka in ay taageeraan oo ay doortaan murashaxa xisbiga Dimoqraadiga Kamala Harris oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka, taas oo doorashada bisha November wajahi doonto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump. Obama ayaa markiiba weeraray madaxweynihi isaga uga danbeeyay Aqalka Cad, inkasta oo uusan magac dhabin isla markaana yiri: Uma baahnin afar sano oo kale oo qallafsanaan, qas iyo qalaanqal…
Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan, loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala beegsaday bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, ayna dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Soomaaliya. Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe ay Al-Shabaab toogasho ku fuliyeen saddex askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo ay horay ugu qabteen dagaallo ka dhacay gobolkaasi. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma, waxaana goobta la isugu geeyay dad badan shacab ah, iyada oo sidoo kale ay goobjoog ahaayeen xubno Shabaab ah. Kooxda ayaa sheegtay in saddexda askari ay horay uga qayb-qaateen dagaallo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan aagga deegaanka Buulo-Xaaji oo dhowaan ay ka dhaceen howlgallo ay guullo waa wayn ka gaareen ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.…
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 14-aad. Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Xildhibaan Cusmaan Cali Cusmaan oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad. Intaasi xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa sii amba ka qaaday ka doodista soo jeedinta (Mooshin) Xildhibaanadda ee ku saabsan wax iska weydiinta canshuuraha iyo cabashada ganacsatada kala…
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa digreeto ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug iyo Wasiir ku Xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Waxaa sidoo kale xilalka laga qaaday labadii wasiir ee xilalkan ku magacownaa, sababtana lama sheegin. HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA. Sh
Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta boogasho shaqo ku tegay qaar ka mid ah fadhiisimada ciidamadiisa ee jiidaha u dhexeeya Qorilugud iyo Buuhoodle. Muuse Biixi ayaa mid mid u tegay fadhiisimada ciidamada ee aaggaasi difaaca kaga jira, waxaana uu warbiximo ka dhegaystay taliyaha ciidanka qaranka sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani. Madaxweynaha, ayaa indho indheeyey shaqada ciidamada u hayaan iyo sida ay u gudanayaan waajibaadkooda. Muuse Biixi ayaa beryahan abaabul iyo dhaqdhaqaaq ka waday degaano ka tirsan gobolada Sool iyo bariga Sanaag oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Shalay ayey aheyd markii Muuse Biixi uu booqday ciidamadiisa difaaca kaga…
Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%. Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda ku adkeysatay dhaqan-galinteeda, iyadoo soo saartay ganaax culus oo uu muteysanayo qofkii ka dhuunta ama bixin waaya canshuurta iibka. Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay warqad ay ku faah-faahineyso ganaaxa uu la kulmi karo qofka u hoggaansami canshuur bixinta, si gaar ah ganacstada oo ayaga loo dhex marayo jarista canshuurta 5% ah, taas oo dowladda si toos ah ugala baxeyso koontooyinkooda ganacsi. Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin go’aankan waxa uu kulmi…