Author: radiohalgan.com

WAR DEG DEG AH : Duqeyn Culus oo Ka Dhacday Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan Warar hadda naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duqeyn culus lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta. Duqeyntan, oo dhacday fiidnimadii caawa, ayaa la xaqiijiyay in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xarun ay deganaayeen xubno ka tirsan kooxda, waxaana wararku sheegayaan in gurigaasi si buuxda loo burburiyay. Ilo-wareedyo amni ayaa tilmaamaya in weerarka uu qeyb ka yahay howlgal ballaaran oo lagu ciribtirayo kooxaha  As  ee ku dhuumaalaysanaya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub ee Dalka Aljeeriya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, caasimadda dalka Aljeeriya. Munaasabadda furitaanka, oo ka dhacday dhismaha cusub ee safaaradda, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, ahna u qaabilsanaha Arrimaha Afrika, Marwo Salma Bakhta Mansouri, iyo diblomaasiyiin caalami ah oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego”. Furitaanka safaaradda cusub ayaa qeyb ka ah…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub ee Dalka Aljeeriya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, caasimadda dalka Aljeeriya. Munaasabadda furitaanka, oo ka dhacday dhismaha cusub ee safaaradda, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, ahna u qaabilsanaha Arrimaha Afrika, Marwo Salma Bakhta Mansouri, iyo diblomaasiyiin caalami ah oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego”. Furitaanka safaaradda cusub ayaa qeyb ka ah socdaalka…

Read More

DEG DEG: Dagaal culus ayaa ka socda degmada Deyniile, Dagaal xoogan ayaa haatan ka socda degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo dad shacab ah oo ka gadooday amar dowladeed oo lagu farayay in ay ka guuraan dhul ay degganaayeen muddo dheer. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in shacabka deegaanka ay si cad u diideen in ay ka guuraan dhulkaasi, iyagoo sheegay in aysan diyaar u ahayn in la barakiciyo, ayna diyaar u yihiin in ay nafahooda ku waayaan halkooda. Dadka deegaanka ayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inay ku hawlan tahay dhul…

Read More

Madaxweyne Trump wuxuu u yeeray deeq-bixiyaashiisa siyaasadeed ee Yuhuuda Mareykanka oo maalgeliyay ololihiisa doorashada, wuxuuna si cad ugu sheegay in Israa’iil laga nacay adduunka “Xitaa waxaan awooddi waayay inan kooxdayda MAGA, ku qanciyo tallaabooyinka Israa’iil, dhab ahaantii hadda Israa’iil waa mid la nacay dadka yuhuuda ahna meel walba waa laga soo ceyriyaa.” ayuu yiri Trump. MAGA, waa eray uu Trump u adeegsado kooxdiisa ololaha iyo ganacsatada lacagta ku bixisay ololihiisa, taasoo la macno dadkii ugu dhawaa isaga inay hadda naceen Israa’iil. Isla xilliga uu hadalkan soo baxay wuxuu dhaqdhaqaaq xoog leh ka socday gudaha Yurub kaasoo ka dhan ah Israa’iil;…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaaladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka daahfuray hanaanka isdiiwaangelinta doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool oo si rasmi ah uga bilaabatay Magaaladda Xudur. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka mid noqday dadweynaha Magaaladda Xudur oo safar dhaadheer ugu jiray is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee is diiwaangeliya islamarkaana qaata kaarka isdiiwaangelinta. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)…

Read More

Gaadiid gargaar u waday marinka Qasa ayaa la dhacay, waxaana qaatay koox hubeysan oo loo yaqaan kooxda Yasir Abu Shebeb, kuwaasoo taageerro hub iyo dagaalle ka hela Israel. Isla markii gaadiidka gargaarka ay galeen Qasa, kooxdan ayaa rasaas ku furtay dadkii rayidka ahaa ee gaajeysnaa oo doonayay inay raashinka la deggaan, waxayna meesha ka ka xeysteen gaadiidkii. Waa istaraatijiyada Israel in sawirro laga qaado gaadiidka gargaarka, balse marka ay Qasa galaan ay dhacaan kooxdan ay maalgeliso oo uu hoggaamiyo ninka lagu magacaabo Yasir Abu Shebab oo ka soo jeeda qoys reer Falastiin ah oo caan ka ah koonfurta Qasa, balse…

Read More

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa Xukuumadda Siciid Deni ugu baaqay in aysan dhib u arkin jiritaanka maamulkaas ee ay soo dhoweyso. “Dowladda Puntland waxaan ka rajaynayaa in aysan sharaysan maamulka cusub ee ay soo dhawayso; waxa idinka dhexeeya baa ka wayn waxa yar ee aad isku haysaan.” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland, sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaaraha DFS. Puntland ayaa si weyn u diidan dhismaha maamulka Waqooyi bari oo ay ku midoobeen gobollada Sool, Sanaag, iyo deegaanno kamid ah Togdheer, waxayna Xukuumadda Siciid Deni…

Read More

DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne Waxaa magaalada Baladweyne ka dhacday dhacdo naxdin leh oo sababtay hal dhimasho iyo hal dhaawac, kadib markii laba dhalinyaro ah ay is feerayeen, waxaana kala celin u soo dhex galay nin watay qori nooca AK47 ah. Ninkii watay qoriga, oo doonayay inuu kala celiyo labadaasi dhalinyaro ah, ayaa lagu soo waramayaa inuu adeegsanayay xaabado si uu u kala kaxeeyo. Nasiib darro, xaabadii uu isticmaalayay ayaa si xun ugu dhacday labada wiil, taasoo keentay in: • Midkood uu ku geeriyoodo goobta • Midka…

Read More

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa maanta lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti Heshiis la xiriira Xaaladda Ciidamada Jabuuti (Status of Force Agreement – SoFA), oo saldhig u ah kordhinta ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya. Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cali Xasan Bahdoon, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada…

Read More