Author: radiohalgan.com

Labo Xildhibaan oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashadii guud ee maanta ka dhacday Norway , taa oo ka dhigaysa markii u horreysay oo Baarlamaanka dalkaa ay labo kursi ku yeeshaan jaaliyadda Soomaaliyeed. •Maryan Cabdi Xuseen, ayaa mar labaad oo xiriir ah loo doortay xildhibaan. •Haashim Muxyidiin Cabdi, ayaa noqday xildhibaanka taariikhda ku sameeyay inuu Baarlamaanka ku wehelin doono Maryan Cabdi iyo xildhibaanka labaad ee ka socda jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku biiraya Baarlamaanka dalka Norway. Natiijada hordhaca ah ayaa sidoo kale muujisay in xisbiga shaqaalaha oo talada haya uu mar kale ku guuleystay doorashada , waxaana muddo xileed kale…

Read More

Xamaas ayaa si adag u cambaareysay ku dhawaaqista Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aadan burburinta tobanaan dhismo oo ku yaalla magaalada Qasa, oo uu ugu dambeeyay “Dhismaha Salaam” fiidnimadii Isniinta. Dhaqdhaqaaqa ayaa ku tilmaamay tillaabada mid ka mid ah tusaalooyinka ugu foosha xun ee murugada iyo dambiyada loo geystay dadka rayidka ah ku dhawaad ​​laba sano, iyadoo ay jirtay aamusnaan caalami ah oo werwer leh. Ururka Xamaas ayaa bayaan uu soo saaray Isniintii ku sheegay in hadalka Netanyahu uu ka dhigan yahay qirasho cad oo ah dambi buuxa ee barakicinta qasabka ah, ee lagu sameeyay cadaadiska duqeynta, xasuuqa,…

Read More

Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Xaafada Buundo weeyn ee Magaalada Baladweyne Dableey Hubeeysan oo ku sugnaa Xaafada Buundo weeyn iyo Ciidamada Booliska ayaa ka dhashay Khasaaro kala Duwan, inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkan ku dhaawacmay Dhaqane Cabdullaahi Wehliye oo loo yaqaano Xiirane oo ah Macalin Tababare oo ka tirsan Ciidanka Boliiska soomaaliya iska hor imaadka Dableeyda Hubeeysan iyo Ciidamada Booliska ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka ay diideen in Injineero ay Cabiraan laamiga Xaafada Buundo weyn halkasi oo la filayo indhawaan dhismo lagu Billaabo illaa haatan majirto…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Serbia,  Đuro Macut, Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxda Serbia ayaa kala saxiixday heshiisyo la xiriira wada-shaqeyn caafimaadka ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ganacsatada Serbia siinaya fursad maalgashi ay ku sameyn karaan.…

Read More

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii koox hubeysan oo aan heebtooda la garanaynin ay toogteen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii dilka geysatay ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta, iyadoo aan la ogeyn halka ay u baxsadeen. Illaa iyo hadda, laamaha ammaanka degmada Balad Xaawo kama aysan hadlin dilka nabadoonka, mana jiro cid loo soo qabtay falkaasi. Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa ka tacsiyeeyay dilka loo geystay Marxuunka, waxaa uuna yiri “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid allaha u naxariisto Nabadoon Aadan mohamuud Burdhuube oo Gacan ka xaqdaran ku dishay…

Read More

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhigay bannaanbax ballaaran, iyagoo ku dalbanaya in magaalada laga saaro ciidamada Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Ciidamadan oo dhowaan laga saaray degmada Beledxaawo iyo deegaanada ku xeeran ayaa dowladda Kenya dejisay gudaha xerooyin ku yaalla Mandheera. Balse shacabka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ku hayaan xadgudubyo kala duwan isla markaana ay caqabad ku noqdeen nolol maalmeedkooda. Duqa magaalada Mandheera, Maxamed Khaliif, ayaa dhawaan si cad ugu baaqay Madaxweynaha Kenya in uu tallaabo degdeg ah ka qaado oo uu magaalada ka saaro ciidamada Jubbaland. Sidoo kale, Wasiirkii hore ee…

Read More

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu gubay magaalada Muqdisho daroogo halis ah oo lagu soo qabtay Dekedda iyo Garoonka Aadan Cadde, kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in la baabi’iyo. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo ay ciidamada ammaanku ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen dekedda iyo garoonka. Waxaan maanta gubnay daroogo aad u halis badan oo loo keenay dalka si sharci darro ah, waxaana qabashadeeda ka qeyb qaatay hey’adaha ammaanka. Nuucaan daroogada…

Read More

Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland Guddoomiyaha Mandhera, Maxamed Aadan Khalif, ayaa ku baaqay in si dhaqso ah looga saaro ciidamada Jubbaland ee lagu eedeeyay inay ka hawlgalaan gudaha degmada Mandhera, isagoo sheegay in joogitaankoodu khatar ku yahay madax-bannaanida Kenya, isla markaana shacabka ay qaadi karaan tallaabo haddii dowladda aysan soo faragelin. Khalif oo Jimcihii ka hadlay munaasabad dadweyne ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay xero ka sameysteen dugsiga hoose ee BP1 Primary School oo ku yaalla Mandhera, taas oo keentay in la xiro dugsiga, ardayduna ay ku barakacaan, iyagoo diyaar garoobayay imtixaannada…

Read More

Maamulka Waqooyi-Bari oo yeeshay Madaxweyne iyo Madaxweyna Ku xigeen. Maamulka Waqooyi-Bari ayaa si rasmi ah loogu doortay Madaxwye iyo ku xigeen kadib doorasho uu loolan adag ku dhexmaray Musharixiin kala duwan. Cabduqaadir Firdhiye ayaa ku guulaystay Jagada Madaxweynaha Maamulkaasi kadib markii Musharixii la tartamaayay Cabdirisaaq khaliif uu hoolka iskaga baxay Sidaasna uu ku helay Cabduqaadir Firdhiye 62 Cod, Halka Khaliif oo hoolka ka baxay uu helay 18 Cod iyadoona ay halkaasi ku xumaadeen 2 Cod. Sido kale Waxaa Madaxweyna Ku xigeen loo doortay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil isagoona lagu doortay Cod Gacan taag ah Kadib markii ay hoolka…

Read More

Taliye  Booliska Soomaaliya Asad Cismaan”Waxaan u dirayaa hambalyo sare Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Saaxiibkay, Mudane Abdiqaadir Awcali Firdhiye. Doorashadiinnu waa guul shacabka deegaanka, waxayna astaan u tahay midnimada, wadajirka iyo himilada guud ee shacabka ee dhismaha mustaqbal ifaya oo ilbaxnimo ku dhisan. Waxaan rajeynayaa in hoggaankiinnu uu horseedo wadajir, horumar waara, nabad iyo adeegyo bulsho oo cadaalad ku dhisan, si shacabka deegaanka ay u gaaraan himiladooda iyo rajooyinkooda.

Read More