Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay laga maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waa wayn ee deegaankaasi. dhacay Ceelasha, waxaana xigtay gubashada goobaha ganacsiga oo intooda badan gubtay. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu amray inay xiraan Caamirooyinka qarsoon ee CC TV. Xaalad kacsan ayaa weli ka jirta Ceelasha Biyaha, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo iyaguna baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi. Weerarka ka…
Ciidamada booliiska dalka Kenya, ayaa baadigoob ugu jira nin dilaa halis lagu tilmaamay oo dhawaan ka baxsaday saldhig booliis oo kuyaalla magaalada Nairobi, waxaana booliiska dadka ka codsadeen in ay lasoo wadaagaan xogta ninkan baxsadka ah. Collins Jumaisi Khalusha, ayaa ku eedeysan dilka 42 haween ay ku jirto xaaskiisa , waxaana ninkan oo ku socdeen baaritaanno dheeraad ah si farsameysan uga baxsaday xabsi uu ku xirnaayeen isaga iyo dad kale oo ajaaniib ah. Booliiska dalka Kenya ayaa xiray qaar kamid ah askartii iyo saraakiishii ilaalada ka heysay saldhiggii uu ninkan ka baxsaday, waxaana hadda booliiska wadaan howlgallo ay ku raadinayaan…
Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa ku amartay Xawaaladaha iyo Shirkadaha kale ee ganacsiga inaysan adeegyadooda u adeegsan karin magaca “Somaliland”, isla markaasna ay kaliya ku soo koobaan magaca Soomaaliya. Baraha internetka ee xawaaladaha sida Dahabshiil, Galaxy Tranfer, Pay sii iyo qaar kale marka ay tilmaamayaan goobaha ay ka howlgalaan waxay siyaabo kala gooni ah ugu xuseen Somalia iyo Somaliland. Arrintan ayaa ku soo beegantay xili saacado ka hor shirkadaha dayuuradaha Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines ay hogaansameen amar ka soo baxay dowlada Somalia oo sheegayey iney barahooda inernetka ka tiraan Somaliland oo ka mid ah goobaha ay ka howlgalaan ayna isticmaalaan…
Ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa ayaa ku cadaadinaya maamulka RW Netanyahu inuu qaato heshiis xabbad-joojin ah. Arrintan ayaa saraakiisha waxay la wadaageen xulafadooda Mareykanka, iyadoo sarkaal Mareykan ah uu u sheegay CNN inay xilli hore doonayaan ciidanka Israa’iil xabbad-joojinta inay dhacdo. Dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta waxay arkayaan cadaadiska militari ee Israa’iil iyo khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Netanyahu, taasna waxay u adeegsadeen hab ay sare ugu qaadaan weerarrada ay la beegsanayaan, iyadoo shalay tobannaan askari iyo dhaawac tiro kale ay ka dhasheen weerarro taxane ah oo iska caabinta ay ku qaadeen goobaha ciidanka Israa’iil ee gudaha Qasa. Isbitaallada Israa’iil ayaa…
Saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen. Weerarka ayaa dhacay xilli lagu guda jiray xaflad ka dhacaysay bartamaha magaalada fiidnimadii Jimcaha. Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu wali baxsad yahay. Shabakadda Bild ayaa sheegtay in nin si aan kala sooc lahayn u tooriyeeyay dad wadada marayay. Baadi-goob ballaaran ayaa hadda socda, iyadoo la arkayo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee booliska oo dul heehaabaya magaalada. Magaaladan warshadaha caanka ku ah ayaa u dabaaldegaysay 650 sano…
Berhane Abrehe – oo ah wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea ayaa waxa uu ku geeriyoday gudaha xabsiga sida ay sheegeen qoyskiisu. Ninkaan ayaa waxa uu ahaan jiray mid aad u dhaliila madaxweynaha mudada dheer talada dalkaas haya,, Isaias Afwerki. Wasiirka oo ku dhintay da’da 79 jirka ayaa waxa uu soo noqday wasiirkii maalyadeed ee ugu muddo xileedka dheeraa dalkaas, balse waxaa laga xayuubiyay taladaas sanadkii 2012 kii, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynaha dalkiisa. Balse lix sano kadib ayaa xabsiga la dhigay markii uu soo saaray uu ku tilmaamayo madaxweynaha “kaligii talis” u baahan in uu is casilo.…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay 22kii August kulan dadweyne oo su’aallo lagu weeydiinayey Ra’iisulwsaaraha kadib markii muddo laba sano ah ay u buuxsantay xukumaddiisa ayaa su’aalahii la weeydiiyay waxaa ka mid ahaa su’aal ku aadaneyd sababta ay dowladda Soomaaliya ay u aqoonsan weysay SSC Khaatumo, laakin Ra’iisulwsaaraha ayaa arintaasi kaga jawaabay” Haddii ay doorasho ka ka dhacdo Somaliland oo ay madax cusubi ay timaado, waxa aan rajeyneyna in aan isla jaan qaadi doono, oo Soomaaliya oo mid ah oo walaalo ah aan heli doono” isagoo intaasi ku daray in ay taasi ka shaqeyneynaa…
Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo ahayd xaaskii Sayid-Cali Macallin Daa’uud ayaa maanta soo saaray dalab culus ku aadan kiiskiisa gabadhiisa, xilli ay maanta guda gashay Maxkamadda Sare ee dalka. Aaabe Cabdicasiis ayaa dalab toos u ah gudbiyay Maxkamadda Sare, wuxuuna ka codsaday inay cadaalad u raadiso gabdhiisa, ayna si xaq ah ugu kala xaq soorto labada dhinac. https://youtu.be/0ngvTpwfvGY?si=G1ilPlHa8fII-bh3 Waxaa kale oo uu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaan doono, isla markaana uu heli cadaalad. “Xaalkeeda normal waayay waxaan sugayaa cadaalad ayaan Ilaahey ka sugeynaa xaqa hala ilaaliyo dadka haloo kala xaq sooro, cidna yaan…
Senator Iftin Xasan Baasto oo laga soo doorto Jubbaland oo maanta hadal ka jeediyay kulanka Golaha Aqalka Sare ayaa weerar culus ku qaaday hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka, isagoo u jeediyay eedeymo culus. Iftin Baasto ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay noqdeen caqabadda koowaad ee dalka, isla markaana ay hortaagan yihiin horumarka shacabkooda. Senatorka ayaa tusaale usoo qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay ku hagrdeen madaxweyne Xasan oo safka hore uga jiro hoggaaminta dagaalkaasi. “Ilaa hadda ma hayno madaxweyne dowlad goboleed ummaddii uu xukumayay oo uu horjoogay inuu soo hor istaago hoggaamiyo kaalintii iyo doorkii uu lahaa uu…
Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saaray xiisadda ka dhalatay isbaarooyinka lasoo dhigay duleedka degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo dhalisay dagaal u dhexeyso ciidanka amniga iyo maleeshiyaad deegaanka ah. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isbaarooyinkaasi, waxayna sheegtay inay khatar ku yihiin amniga iyo sidoo kale nolosha dadka shacabka ah. Sidoo kale wasaaradda ayaa boggaadisay howlgallada ay wadaan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo maalin kahor dagaal la galay maleeshiyaadka ku sugan Yaaqbiriweyne. “Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana…